CUTUBKA-8-AAD
TAGIDII MAHAD EE MIYIGA
Mahad waxaa ku dhalatay inuu miyi soo fiiriyo, adeerkood oo dhowr jeer miyi ka yimid marar badana farriimo soo diray wuxuu markasta odhan jiray caruurta miyiga ha la keeno ha soo cimilo gadistaane, balse caruurtu waa diidi jireen, wax kalena uma diidi jirine waraabe iyo waraabe dadoow ayaa jooga, biyo qaboow maleh, baabuur maleh oo waa la lugayn iwm ayay odhan jireen oo ku diidi jireen, Mahad ayaase xiniinyo iska ayaaray oo ku dhiirraday.
Socdaalkii jidka aad ayuu ugu rafaaday, waayo meesha u fog ee baabuur u raaco waxay ahayd Suuqa xoolaha, haddase waxa uu galay socdaal maalmo qaadanaya jidka la sii marayo oo xun owgiis, markii uu tuuladii tagay oo u waraystay dadka inay adeerkiis yaqaannaan, waa laguu yaqaan ayaa layiri, Diiriye meel dhow ayuu daggan yahay dad galabta carraabaya ayaad hore u sii raacine iska sug ayaa lagu yiri, meel maqaaxi ah ayuu is ka fariistay oo ka qadeeyay, in kasta oo uu ka waayay moos uu qadada ku cuno hadana hilibka ayaa aad ula macaanaaday, uurkana wuxuu iska yiri hilibka Xamar saan uma dhadhamo ee ma xoolo jiran ayay reer miyigu magaalada keenaan, Cassirkii markii la gaaray ayaa nin u yimid oo ku yiri:
“War ma Ina Warfaa ayaad ahayd adeer?” haa ayuu ugu war celiyay ninkii ayaa markaa yiri:
“Anigu adeerkaa ayaan ahay, aabahaa ina habreedkiis, dadkuna waxay ii yaqaanaan Hangool, ee magacaa adeer?”.
“Mahad ayaa lay dhahaa adeer” ayuu ugu war celiyay.
“Haddaa la ii sheegay inaad joogto oo ceel meel meeshaas ah ku yaal ayaan xoolo ka waraabinaynay, caruurtaase soo kaxayn xoolaha ee annagu waan ka sii hor mari, sow diyaar ma tihid?”.
“Haa adeer”.
“Haye ina soo mari marka” ayuu yiri Hangool siina watay hadalkii oo yiri “ma waxaad tuulada uga baahan tahay ayaa jira?”.
“Maya adeer”
Waa la dhaqaajiyay oo dhinacaas iyo bari ayaa tuuladii laga aaday, cabbaar hadii la socday oo bannaan cidla ah mooyee sanku neefle la arag ayaa Mahad weydiiyay:
“Guriga adeer Diiriye ma fogyahay?”
“Maya maya” ayuu yiri Hangool “Waa meel dhow, maqribkaba inaan ku tukannaan jeclahay”, oo u raaciyay “Adigu ma tukatadaa Mahad?” Mahad oo weydiinta ma tukataa la yaabay ayaa yiri:
“Haa adeer sow nin muslin ah maahi”.
Hangool intuu qoslay yiri:
“Ha ila yaabin adeer wax kale kuuma weydiine, waxaan maqlay dadkii magaalada ku noolaa siiba Xamar dhaqan waa ka tageen, diinta si fiican uguma dhaqmaan oo salaad iyo soon in yar maahane dadka inta badan iskuma hawlaan, wixii Eebbe naga reeayayna inta badan waa banaysteen”.
“Walaahi adeer dad aan tukan waa jiraan siiba dhalinyarada, balse ma badna ayaan filayaa, ee reer miyigu ma wada tukadaan?” ayuu weydiiyay Mahad adeerkiis.
“Inta tabarteen ah, in kasta oo hawl aduun oo badan nagu xariirto hadana waan dadaalnaa, dhalin yarada qaar waa jiran sida geelleeyda oo illoowsan in salaad iyo soon lagu leeyahay, Eebbese ha soo hanuunsho”.
Sheekadii ayay sii wateen Hangoonal waxuu bilaaayay inuu Mahad kala baro geedaha magacyadooda sida jeerin , jirriqoole, qurac, qansax, xarran xarreeb iyo kuwa kale oo Mahad la yaabay tiradooda, cabbayaar kale markii la sii socday oo maqribkii dhowyahay ayuu Mahad is yiri warka dhan ee uu wado Hangool waa maaweelo asaga uu ula dan leeyahay ee carro ma dhawa, waana uu daalay oo socod kuma jiro, waxa uuna go’aan ku gaaray in uu dhaho meeshaan u soconno berri ka hor gaari mayno, waan ogahay reer miyi inay been ka sheegaan socdaalka waana maqlaye ee na seexi adeer, inta uusan oran ayaa talo kale ku dhalatay oo ah haddii aad duurkaan seexataan oo bahal idin ku cuno ka waran, socodkaa roon ayuu tashi ku dhameeyay balse intuu istaagay ayuu yiri:
“Adeer meeqa saac camal ayaan soconnaa, waa dhownahay lee ku haysaaye”.
“Ma daashay adeer, ma nasanaa xoogaa, degmadii reerku hadda nagama fogee”,
haa inuu dhaho ayuu damcay hadana cidladaan gabalku ha kuugu dhaco wadnuhu waa siin waayay.
“Maya adeer waan soconaynaa ee meel dhow leen u haystay in gurigu yahay”.
“Hadaba ma foga oo wax badan sooma aynaan socone, rag iska dhig”, ayuu yiri Hangool asagoo og in Mahad daal iyo cabsi inataba hayaan ayuu tusinayay inuu nin ad adag uu yahay, oo dad badan ka fiican yahay sheeka beenana uga sheekeeyay oo yiri:
“Hada ka hor wiil magalada ka yimid ayaa saan oo kale ii soo raacay, markaan in yar soconay oo weli tuuladii noo muuqato ayuu inta fariistay yiri ee aaway hee gurigii manta dhan socod ayaan ku jirnaaye, markaasaan ku iri waa dhow yahay ee soo soco, taagaas gadashiisa ayaa reerku yaallaaye, waxuu yiri ani taag ma kasaayi waa dhow yahay gurigii miyaa, haa ayaan ku iri, durbadiiba gabalkii ayaa dhacay waana uu joojiyay markaan tuuladii ayaan ku laaban uu galabtoo dhan ku hayay,
waayo waxaan ku iri qashin qubka tuulada ka sokeeya waxaa iskugu yimaada bahallada oo waxay cunaan ka raadsada, sidaas ayuu warkii ku daayay oo dani ku qasabtay inuu ila jaanqaado in kasta oo uu daalanaa”.
Mahad oo niyadu u dhisantay isna yiri kaas waaba ka fiican tahay ayaa yiri:
“Kaas wax jira maahayn, ciyaal maamuu ahaa”
yididiilo hor lehna sii gashay, raganimana muuji is yiri sida kan looga sheekaynayo yaan adna berri lagaaga sheekayne, si fiicana waa ula jaan qaaday Hangool oo hoosta ka qoslaya arkayna wiilkii oo asaga ka orod badan.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply