CUTUBKA-7-AAD
IMAATINKII MAHAD
Markii uu soo qubeystay Diiriye oo kursi dayrka yaal ku fariistay shaahna loo keenay ayaa Ugub oo ayana kursi kale oo agtiisa ku fadhida ku tiri gabar meesha maraysay, hooyo ku soo dhaqsada cunada raggan gaajaa ku dhagane.
Diiriyaa yiri:
“Gaajo nama hayso walaal maraan fogayn ayaan wax ka soo cunnay meel gaarigu istaagay”.
Shahii ayaa loo keenay, aad ayuuna u kululaa shaahu xaraarradna waa u haysay Diiriye cabitaankiisa, markaasuu fiiqsaday weliba si aad loo maqlayo, Ugub ayaa ku tiri:
“Cidii iiga waran Diiriye see lagu ahaa carrigaad ka timid?”.
Inta shaahii ka baday oo dibnaha muudsaday, koobkiina miiska saaray ayuu yiri:
“Waa lagu fiicnaa intaan ka war haayay, gadaashay Allaa og, balse ogaalkay dhib majirin jiilaalkii ayaa bilaawday, carruurtii waa nabad qabeen, Eebaa mahad leh”
“Diiriye wax badan ayaa lagu yiri miyiga ka soo guur hadda adigu sidii hore ma tihid, da’ ayaa kaa daba timid, carruurtii hadda waa weynaadeen oo waa ayagaa guursaday oo kala dhaqaaqay, ee iska soo guur wax badan ayaad dadaashaye, naso bal hada”
Diiriye intuu qoslay ayuu yiri:
“Inaad wanaag ila rabto waan ogahay, balse reer magaalka waan la yaabaa, maba oga haddii aan miyi jirin inaan magaalo jirteen, caanahaan macaan, subagga, hilbahaan baruurta leh, saliidaan carfoon, intaas iyo in ka badan ood ku raaxaysataan waa howl reer miyi soo qabtay, haddii miyiga la soo baneeyo oo laga soo tago magaalo gaajo ayaa layskugu cuni lahaa, waa run miyi sidii hore maahan oo waa dhib batay, miyi lamaba dhihi karo hadda oo magaaladii ayaa soo gaadhay, qaad iyo sigaar wiilal ruugaya oo cabaya ayaa geela ilaalsha, anagii ayaaba dhaqan gaddoon nagu dhacay saan samayno ayaan garan la’nahay, roobkii waa yaraaday waxa magaalada ka dhacaya dil iyo dhac iyo diin xumo ayaa caro Alla keentay annagana na saamaysay, tan kale Ugub magaalo dad kaama joogo, wiilkaan Mahad markuu ii yimid waan yaabay, war wiilku ma meel ayuu ku xirnaan jiray ayaan is iri, waa ninka i weydiiyay adeer kan geela u horeeya oo gambaleelka [koorta] leh geela dhan waa ka danbeeyaan ee ma asagaa ugu xoog badan?, kuwa kale ma ka baqayaan? guddoomiye camal miyaa?”.
Ugub ayaa qosol kal iyo laaba ku dhufatay oo tiri:
“War illeyn waxbaa lagu tusay”
“Shib dheh, tan nakala raacday aniga iyo asaga wax la soo koobi karo maahan ee anaa kuu sheekayne casir maanan tukane aan iska saaree weeyso ha
la ii keeno”.
Dhinaca kale Mahad waxa uu galay qolka Sagal, labadoodu waa dad isa sheeko yaqaan, waa dad walaala ah haddana saaxiibo ah, Mahad walaashiis aad ayuu u jecel yahay lagamana ag maro, jacaylka ayada iyo Galladna ninka la socdaa waa asaga in kastoo aysan waxba qarsoonayn oo dad oo dhan ogyihiin in ay isla socdaan, balse meesha wax u marayaan iyo inta xariirkoodo qoto la egyahay baan la ogayn, Mahadse waa ninka sida gaarkaa ula socda oo ay u sheegato wax kasta iyo halka wax u marayaan, aad ayuuna ugu farxay intii Sagal yariisay nin uusan aqoon la socon lahayd in ay saaxiibkii Gallad la socoto, asaga iyo Galladna waa far iyo faraanti, xaafadda waxaa looga yaqaan mataanaha, Sagal aragtidii Mahad kadis ayay ku noqotay ayada oo buug akhrisanaysa ayay eegtay qofka soo galay, inta buugii tuurtay ayay ku soo booday hab siisay, ayadoo leh Alla waa walaalkay,
waa ay isku duubtay oo illini ka timid oo tiri:
“Waan kuu xiisay walaaloow markaad tagtay cidlaan dareemay, walaahi waan kuu xiisay”.
Inta dhabanka ka dhunkaday ayuu ku yiri:
“Anigaba waankuu xiisay yariisay”oo si kaftana u yiri: “See u cidlootay aaway ninkii saaxiibkay ahaa, asagaaba howl kuugu filane”. Sagal oo yara xishootay ayaa tiri:
“Waa joogaa meel igama aadin ee labadiina wadnaha labadiisa qol ayaad kala dagan tihiin, jacaylka walaaltinnimo ee aan kuu qabo iyo kiisu waa kala duwan yihiin” oo inta qososhay la kaftantay oo tiri: “Adiga dhan miyi ayaa kaa soo uraaya, ari camal ayaad ushiiree, ee ka waran miyiga ma fiican yahay”.
“Markii hore ilama fiicnayn maxaa ku keenay baan is iri, balse markaan la qabsaday waxaan ogaaday nolosha dhabtaa in ay miyi taal, Soomaali waxay tahay ayaad ogaan, dhaqankeena iyo meeshaan ka soo jeedno ayaad arki, ciyaaraha dhaqanka iyo hiddaha la ciyaarayo oo aad u qurxoon fiirsashadooda kama dhargaysid, hadalka miyigu markii hore waa ila qalafsanaa qaab darro ayuu ila ahaa waase arkay in uu murti yahay, waxaan Xamar ku hayno, aboowe maxaa tiri, abaayo maxaa tiri iyo heesahaan aan dhagaysano, madaxaan kaa xiiraa wallaahi war maahan”oo inta yara qoslay yiri: “Ani iyo adeer markii hore waan is garaad keeni weynay wax baa na kala raacay”.
“Hee, ii sheeg hee warka isii”.
La soco…….
W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply