BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-12

 

CUTUBKA-6-AAD

BAXSASHADII WARFAA

 

 

Dhinaca koofur galbeed ayuu arigii u dareershay in door ah markii uu socday ayuu dib u soo eegay aqalkii uu inta badan ku noolaa, ilmaa indhihiisa ku soo istaagtay wuxuu dhib soo maray markuu soo xasuustay iyo hayjadda cidladaa ee asagoon garaadsan lagu qasbay inuu naftiisa halis ku galiyo, cidlada uu u amababaxay iyo cid la’aanta haysa, carro uusan aqoon oo uu u kicitimayo iyo waxa dhib iyo halis wadada ku sugaya, saadna buraashad biyaa uu ka wato iyo quraac la’aanta uu ku soo baxay, wuxuu dusha ka arkayay eedadii oo aqalka hor fadhida iyo ilma adeeradii oo ciyaaraya, markuu ka soo jeestay oo uu ilamadii iska tiray Warfaa waxuu ahaa nin yar oo garaadkiisu ka weyn yahay, meeshuu ka yimidna fiiro labaad uma celin.

 

Arigii markuu meel caws leh geeyey ayuu geed hoos fariisty, in muddo ah markuu fadhiyay ayuu inta kacay oo ri’ uu aad u jeclaa qaruufay oo caano ka cabay arigiina dusha ka eegay yiri:

“Nabad allaha idin yeelo wehel iyo walaal ayaad ii ahaydeene”, oo arigii dhinica guriga u dareershay saan bahal cidladaan ugu helin dibna u soo laabtay jidkana cagta saaray, lugihiisa yar yar intay qaadi karaan oo socod ah ayuu ku dhaqaaqay asagoo  ka cararaya in cidlo gabalku ugu dhaco, in aan cidi soo raadinayn waa uu ogaa oo adeeer ma joogin, habar dugaag in ay gabbal dhacay gadaashii helaan ayaa cabsi weyn ku haysay, xoogaa markuu socod boobsiiyay ayuu talaabadisii isku hallayn waayay oo is yiri saan meel kuma tagaysid, orod ayuu is qaaday, qorraxduna dhabarkiisa ayay ku beeganayd, buraashadii dhiniciisa bidix ayay ka lalmanaysay, go’a faraqiisuna gadaal ayuu ka baf lahaa, ushii yaraydna gacanta midig ayuu ku sitay, koofur galbeedna waa u roorayay.

 

Cadceedii markay dhinaca galbeed u badatay ayuu sheeda ka arkay reer meel daggan oo marinkiisa ku aadan, waa reer Dulyar waa yaqaan,

waa nacab kale eedday isku qolo yihiin, intay dhib marsheen iyo intay adeer ku direen ma uusan illoobin, intii uu ka durki karay ayuu ka durkay tan iyo intii ay kala qarsoomeen asaga iyo aqalkii Dulyar, orodkii inta joojiyay ayuu socod galay, cidla weynaa Alloow i nabad yeel ayuu uurka iska yiri, gabbalkii waxuu ugu dhacay meel cidla’ ah, hareeruhuu fiirshay wax dhaqaaqa maleh, jiiq jiiq cayayaan, sharqanta geedaha iyo ci dhurwaa mooye sharqan kale ma leh, ilmaa soo dhaaftay, geeri go’an iyo gabiib cidlaa ayuu ku soo dhacay, orod ayuu jaanta qaaday asaga oo   weli  ooynaya ,xoogaa fiican markuu ordayay oo daalay oo uu is leeyahay geed dheer oo aad fuusho raadso ayuu maqlay waxaro cigood, firfircooni hor leh ayaa gashay nabad iyo magan galyo meeshas waxaruhu ka ciyayaan ayaa  kuu ah ayuu nafta u sheegay, codkii waxaraha ayuu raacay asaga oo ordaya, in doora ka dib yabaq dad ayuu maqlay iyo asagoo ku yimid aqal dhabarkii, markuu la wareegtay ardaagii wuxuu hor istaagay odaygii cida oo salligii maqrib uu ku tukaday fadhiya oo wardinaya.

“War ma qof ayaa?” ayuu yiri ninkii oo raaciyay “waa ilmo ya,r innaa lillahi wa innaa ileehi raajicuun, adeer kaalay”

Warfaa waa u soo dhawaaday asaga oo baqaya isna leh amay yihiin dad qalatadii lagaaga sheekayn jiray, naf ayaase waddee waa uu u tagay ninkii.

“Kaalay soo fariiso adeer xagee ka timd”.  Warfaa waxaa ku taagan in uusan sheegin inuu baxsad yahay wuxuuna yiri:

“Waan dhunsanahay adeer, ari ayaan la jiray waan seexday markaan kacayna arigii ma arag, guriga aad ayaan is iri waana waayay”.

“Dhib maleh adeer, waa aad damaaday way dhacdaa saan oo kale, Magacaa?”.

“Warfaa”

“Ina ayahaa?”.

“Warfaa buux ayaa lay dhahaa”.

“Allow anaa tol beelay ma ina buux baa ninka caawa cidlada marayaa, aabahaa si fiican ayaan iska naqaanay, nin fiican ayuu ahaa iyo hooyadaaba jannada Allah ka waraabshee”oo inta dhinicii aqal isku babcay ku qayliyay “Axadooy shaah iyo caana la soo orod marti ayaa noo timide” kuna soo jeestay Warfaa oo yiri:

“Sow adeer lama aad joogtid?”.

“Haa”.

“Asagana caawa jiif uma yaal mar haddaad maqan tahay, dhibse maleh adeer caawa halkan iska bari waa gurigaagi, waagu hadduu baryana waa lagu wadi”.

“Adeer ma joogo waa maqan yahay, geelii ayuu jiraa” Warfaa yiri

“Eedo meelay kuu doonto ma taqaan oo caruurta kale kama tagi karto, waan ogahay, Ilaah baase ku keenay, dhib maleh adeer ee shaah iyo caano ayaa laguu soo wadaaye naso”.

Axado shahii iyo caanihii markay kentay ayay si naxdin iyo murugo ku jirto ku tiri:

“Allaa wa ilmo yar”oo inta cabitaankii dhulka dhigtay tiri:

“Hooyo ma soo dhuntay?, mise xoolo baxsadaad raadinaysay?”.

Warfaa waxuu uurka iska yiri xoolo baxsadaan raadinayay maxaan u oran wayday in lay celiyo layskuma dayeene, talo iskuma kaa sheegto

“Maya waan soo dhumay barrinkii ciddu daganayd ayaan aqoon waayay”.

“Hah, waa lagu geyne hooyo ee waaga Eebbe ha noo bariyo”.

“Waa ina buux gabanku” ayaa ninkii yiri

“Tolla’ay ma ina Cambaraa, Eeboow janadii geey, hooyo, hooyadaa oo kalaan ahay murug yaysan ku qaban ee ii cab shaahan iyo caanaha cunnan kuu keeniye”. Fiicanaa dadkaan, eedaday hadday ahaan lahayd naagtaan caawa saan uma rafaadeen, ayuu uurka iska yiri, waxuuse tan iyo hadda garan la’yahay waxa eedada adeerkiis qabo ay saan ugu necebtahay, waxay sheegaysay wax ka weyn ayaa jira, yaase kuu sheegi haday jiraan?

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply