BUUGGA-DHIBBANAHA DHEX JOOGA-Q-11

 

CUTUBKA-6-AAD

warfaa

 

 

 

Gu’giisii tobnaad ayay ku dhalatay Warfaa inuu magaalo aado, Warfaa asaga oo ujeedkiisa ugu weyn ee magaalo aadidiisu ay ahayd inuu ka baxo dhibkaan uu ku jiro iyo noloshaan canaadka ah, waxa uuna go’aan ku gaaray inuu lugeeyo asaga oo lacag uu gaari ku raaco helayn darted, oo haddii jidka dad ka sii qaada uu helo uu raaco haddii kalena tan iyo Xamar uu lugeeyo oo cidaha miyiga marba mid ku sii hoydo, miyi waa is yaqaanniin, sida aan ku jiro dhimashaa dhaanta ayuu nafta ku dhiirri galiya markuu in uu tagaba ay ku soo dhacdo.

 

Xilli adag oo abaar ah ayuu dhashay, hooyadiina ku umul raacatay oo tii Eebbe u timid, shan bilood ka dib dilkii ninkeeda lagu dilay ceel xoolo laga shubayay, Warfaa ifka markii uu yimid wuxuu ahaa agoon iyo rajay iyo madi, dad walaal hooyadii dhashay oo uusan arag iyo adeerkiis ayaa u xigay, adeeer ayaana xil qaaday korintiisa, aad ayuu adeerku u jeclaa Warfaa oo ay naastiisu ahayd barre, waxaana magacaa loogu bixiyay asagaoo dhinaca bidix feerta labaad iyo tan saddexaad dhexdooda bar ku leh, adeerkiis Daynab waxba kama hagran sida kuwa uu dhalay iyo ka wanaagsan ayuu u soo koriyay oo wuxuu jantaba jimic u siinayay, si uusan u tabin kalinnimada, agoonnimada, rajaynimada iyo madinnimada, uu ifka ku yahay, inkasta oo uu jiray wiil hooyadii dhashay oo weyn balse uusan arag waligii.   Daynab wiil ayuu ka dhigtay inta badanse Daynab guriga waa ka maqanaan jiray oo geela ayuu u badnaa, labadiisa wiil iyo gabadhuba waxaraha iyo ariga ilaalintooda ka badan ma qaban Karin.

 

Nolosha Warfaa waa ay fiicnayd intii  uu  ka garaadsanayay, markiise uu garaadsan rabay ayuu wuxuu dareemay guul guul iyo gees u riixid ay wado xaaska adeerkiis oo si xun ula dhaqmi jirtay, markuu kaligiis isla hadlayo wuxuu ugu yeeri jiray eedo Abeeso, arrintu waxay sii xumaatay markii wiilkii curadka u ahaa Daynab iyo saaxkiisu uu dhintay oo Eebbe oofsaday ayaa waxaa eedadii asaga ku eedayn jirtay, ayada oo ku leh, maalintaad dhalataad baas la dhalatay, aabbahaa intaadan dhalan bilo ka hor ayuu dhintay, hooyadaa waa kugu ummul raacatay, dayrtaad dhalatay roobkii Alle waa joogsaday oo laga gaaro gugii dhibic lama arag, baaskaad xanbaarsanayd iyo naxuusnimadii cidaydaad la soo gashay, wiilkaygiina uu ku qur baxay.

 

Wax badan waa uu u soo dul qaatay asaga oo qatan in uu seexdo caruurta ay dhashayna ay caloosha u buuxiso, ciil iyo murugo iyo gaajo waa la seexday wax dheexaa, markii ilmuhu ciyaarayaan asaga mar walba shaqo ayaa u taalay, alabtan dhaq iyo halkan xaaq, ariga raac, iyo adeerkaa haddaad u sheegtid oo ku dhahdid si xun ayaa layla dhaqmaa dhurwaagaan ku siin ha  ku cunee, Carruurtii uu ifka dad ka weheshanayay waa ay ku dirtay oo si kale ayay u arkeen, xin iyo xumaatay ku wadaan intaas.

Intaas waxaa kaga darnaayd oo oodin aan ka fuqin ku noqotay daba keen baas wata ayaa tahay, aabahaa nuxuusnimadaaduu u dhintay hooyadaana sidoo kale iyo curadkii cidda iyo waligaa liibaani maysid, sidaan ayaad dad u tuugsan oo dul saar ugu ahaan, hadaladdii eedo ku tiri aad ayay u gubeen in kastoo uu da’yaraa, mar marna waaba rumaystaa in sida ay ku sheegayso uu yahay kana baqaa dad inta ifka u joogta, adeer iyo caruurtiisa hadduu sii joogo armaa ayagana baas ku habsadaa, hadana ra’yi kale ayaa ku soo dhaca oo dhahaya eedo waa beenleey nacayb ay kuu qabto uun ayay saan u  dhihi, ee dhurwaa ayay igu handadaaye liayaax cuna Allaha u keeno ayada, in kasta oo uu jeclaan lahaa inuu iska joogo oo eeddo cirka Eebbe balaayo uga keeno, haddana dhib iyo dhaga hadal intaan ka badan waa qaadi kari waayay.

 

Habeenkaas hurdo gama’ ma siin, waxa uuna go’aansaday in berri uu wadada gacta saaro, inta badan hurdada waxaa u diiday habeenkaas waxay ahayd baqdin uu ka baqayo socdaalka kaligiis ah oo duur uusan waligii arag sii marayo, habar dugaag iyo halaqna ay buuxaan, libaaxu shan qabo shanna sii daa yahay, dhurwaa warkiisaba daa qorraxda oon dhicin ayuu cidaha ag yimaadaa, murug waxaa ku taagnayd ah magaalo uusan cid ka aqoon oo uu tagi doono, hadi Eebbe ka badayaadsho jidka waxa uu ku sii mari doono, waxa kale ee uu la seexan waayay ciil iyo caro iyo sida eedadii ula dhaqanto, sida ilmaha kale u faraxsan yihiin asna mar walba oodintu ugu taagan tahay ilmaduna indhihiisa u saran tahay inta badan, sida macaankii caruurnimo uu u waayay oo asaga oo laba jir ah oo eedo iyo xaruurteeda xamaali u noqday, wuxuu kaloo ka seexan waayay walwalka adeer haleeli doona markuu waayo, adeerkiisa uu jeclaa oo markuu joogo  kaliya uu dareemo inuu dad yahay caruurtana la siman yahay, adeerkiisa aan waligii caruurtiisa   wax u keenin in uu asna u keeno maahine, adeerkiisa marka uu joogo uu ka nabad galo dhibta iyo dilka eedo, adeerkiisa uu aad u jecelyahay oo qof u naxa ama u naxariista uu kaligii ka arkay, adeerka uu dhabtiisana uu ku gam’o intuu la joogo, illin kulul ayaa ka soo daadatay Warfaa, wuxuu isku ciil kaambiyay haday hooyaday iyo aabahay ii noolaan lahaayeen, haddaan walaalkayga hooyaday dhashay ee adeer ii sheego aan la joogi lahaa, haddaan weynaan lahaa, haddaan haddaan haddaaan, asagoo illintii ka socoto ayuu gam’ay, go’aanse gaaray.

 

Waagu markii uu baryay oo cirka iyo dhulku wali isku jiraan ayaa eedadiis kicisay, in kasta oo uu xalay dhafray hurdana in yar ka arkay haddana horuu ka soo booday oo waa ogyahay mar haday dhahdo kac wax yahow dadka is mooday oo uusan kicin waxa ku xigaa waa ul, horuu ka istaagay shaqadiisana waa yaqaanay oo tan iyo laba jirkiisii ayuu qabanayay ulna waa lagu soo baray, xaabadii ayuu horey ka doonay, banaanku waxa uu ahaa qaboow dhadaana saaranayd geedaha iyo cowska dushoosa, codka shimbiraha iyo ciga ariga mooyee sharqan kale ma jirin, barina waa waxaa ka soo kaahayay iftiinkii waabari oo hogol cas ayaa ka muuqatay, gacmaha intuu is gashatay oo xabadka ku dhajiyay ayuu asagoo gariiraya oo jirkiisa yari wada bood boodayo guriga gadaalkiisa u Dhaqaaqay, meel aan aqalka ka fogayn markuu marayo ayuu bilaaayay in uu xaabada gurbiyo asagoo la hadlaya xaabadii ayuu ku yiri:

“Mindhaa maalin danbe idinma gurbiyo”.

 

Markii dabkii eedo shiday ayuu soo ag fariistay si uu u kulaalo waxayse ku tiri war orod meelahaas naga fariiso hana soo hoos galine, aroor kastana waa ay ku dhahda sidaas, asna dhag uma dhigo wuxuu sugaa inta qori dab leh ay ku soo tuuri oo ariga soo lis ay  ka tiraahdo, inta ka horreysana waa uu is nabaa si uu jirka u kululeeyo, markuu arkay inay qorigii ay la soo baxayso ayuu inta booday oo aqalka galay dhiilihii soo qaaday oo ag keenay si ay u cusho, ka dibna ari lisid ayuu bilaaayay, markuu dhameeyay lisiddii ariga ayuu waxarihii u daayay si ay u nuugaan xerada agteedana iska istaagay, inta u yeertay ayay tiri war hooy kaalay shaahan cab, shaaha ay aroortii siiso wuxuu ahaa libta kaliya ee uu u hayo eedadii, waayo dhaxanta ayuu ka kiciyaa,

Shaahii markuu cabay ayuu aqalkii gadaal u galay oo buraashad adeer lahaa oo meesha taalay biyo ka ayuuxiyay aqalka gassadiisa danbana ka tuuray si uu hadhoow horey ugu sii qaato ayada oo aan la dareemin, arigii ayuu ooda ka qaaday oo dareeriyay kabihiisii saanta ahaa oo adeer gugii hore u keenay oo uu ifka waxa yaal uu ugu jeclaana cagaha sii gashtay, ul yar oo xerada agteeda u taalayna sii qaatay, labadaas kuma ekaane, hanti adduun intii uu ka lahaa horay ayuu u sii qaatay, qaydkiisii uu guntanaa, funaanad uu xirnaa iyo go’yar oo uu sii huwaday iyo buraashadii adeer ee uu xaday.

La soco…….

W/Q Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyAo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply