BUUGGA-Dhibbanaha dhex jooga-Q-1  

 

                        Dhibbanaha dhex jooga

 

Copyright @ Cali A Cismaan ‘’Cali/Ameeriko’’

Buuggan lama rogi karo, lama guurin karo, online laguma iibin karo, lagumana daabici karo, la’aanta ogolaanshaha qoraaga.

Rogiddii koowaad 2017

Dalbasho iyo faallo:

Udubprinting@gmail.com

Alishka5@gmail.com

Facebook: Suldaan Cali Americo

Waxaa rogay buuggan

Udubprinting: Kampala-Uganda

ISBN: 9789970969500

 

HIBEYN

Buuggan waxaan u hibyaynayaa caruurtayda

Kunseyr, Cumar, Mahad, Bile

MAHAD CELIN

Mahad dhammaanteed waxaa iska leh Eebihii igu mannaystay caafimaadka iyo garaadka aan buuggaan ku qoray kuna dhamaystiray.

Waxaan aad ugu mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriya Jaayuuti mudane Ismaaciin Cumar Geelle sida uu isugu xilasaaray ilaalinta iyo dhowridda afka

Soomaaliga iyo ka ilaalinta inuu dabar go’o iyo dhammaan dowlada iyo dadweynaha reer Jaabuuti.

Waxaan kaloo mahad u celinayaa abwaan Khaalid Bashiir

Maxamuud iyo Maxamad Jamaal {mo booliis} iyo Sihaam

Axmad rooraaye sida ay garab iiga siiyeen turxaan bixinta buuggan iyo dhamman intii dhiirri galinta ila garab taagnay.

HORDHAC

Waxaan rajaynayaa in buuggan uu wax badan ka badalo argtida dad badan {siiba da’da soo koreysa} ay ka qabaan hayb sooca iyo takoorida dad walalahood ah oo aysan

waxba dheerayn, in buuggan uu kiciyo damiirka dad badan

oo ku xad gudba diinta iyo bani’aadamnimada marka laga hadlayo beelo beelo, waxaan rajaynyaa in uu iftiimiyo

dhibka lagu hayo dadka soomaaliyeed qaarkood oo dhinac walba leh oo gaaray in siyaasadii laga dhigo dadkaas

qofkii u dhasha inuu yahay qof barkiis sida ka muuqata

baarlamanka soomaaliyeed oo lagu qaybsaday 4.5, taasna

ay caddeyn u tahay in si ula kac ah loo yiri nalama sinnidin, taasna ay keentay in ay waayaan xuquuqdii ay ku lahaayeen siyaasada dalka.

Aniga oo aan ku soo koobi karin buugaan iyo buug kalaba dhibka lagu hayo dadka soomaaliyeed qaarkood, ayaan jeclaystay in aan dhinac ka muujiyo dhibtaas inta awoodayda ah.

Ugu danayayntii waxaan filayaa qofkii akhriya buugaan in uu dareemi doono xad gudubka la gaystay ama soomaalidu u gaysaty dadnimada iyo diinta iyo damiirka qofnimo iyo

walaalaheena soomaaliyeed ee nala dhalsho iyo diin ah oo aan isku dayayno inaan ka xayuubinno xaquuqdoodii ku aadanayd, waxbarasho, siyaasad, guur, xil iyo nolol farxad leh.

 

AKHRIS WACAN OO XIISO LEH

 

 

 

Dhibbanaha dhex jooga 

CUTUBKA-1AAD

MAQAAXIDA

Q-1

 

 

Salaadii casir markii laga soo baxay Kadiye masaajidka banaankiisa ayuu ku nabad galyeeyey raggii ay isla soo tukadeen qaar ka mid ah, wuxuuna u soo dhaqaaqay dhinaca maqaaxida shaaha oo ay ku sheekaystaan asaga iyo rag kale oo isa sheeka yaqaan tan iyo inta ay soo dhawaanayso salaadda maqrib oo ay markaas masaajidka isku raacaan, inta badan waxay isla soo tukadaan oo fadhiga shaahana isku soo raacaan saaxiibkii caruurnimada Warfaa, balse galabta aan la socon, Kadiya qudhiisu waa uu is weydiinayay meesha uu galabta ku maqan yahay Warfaa, intii uu u soo socday fadhiga oo aan ka dheerayn ayuu dhex kula kulmay oday Xariir oo markuu arkay ku yiri:

“Saaxiibkaa maanta kulama socdee ma wax dhib ah ayaa jira oo ayaajiyay?”.

“Maya ee howl ayaa ku fakatay ayaan u malayn”.

“Hadde Kadiya raalli naga ahoow xoogaagii yarka ahaa waan la soo daahnnaye, haddii Eebbe idmo aroortii ayaan keenayaa, xoogaa ayaa na soo gaaraye”.

“Wax dhib ah maleh walaaloow, markaad heshid keen, haddaad wax kale u baahatidna ha xishoonin, dhibka in laysla qaybsado waa waajib diintu na farayso”.

“Wanaagga iyo walaaltinimada waan kugu aqaanay, khayr allaha ku siiyo”.

“Alle mooyee cid kale oo noo maqan maleh Xariiroow, annaguna inaan isku dulqaadanno, isku sabirno oo lays garab qabto waa waajib nawada saaran, lacagta saan kuu sheegayba qayb waa qaaraan aan baxshay”. Socodkiisiina sii watay markay is nabad galyeeyeen Xariir oo maqaaxidii aaday.

 

Xariir wiilkiisa oo tahriiba ah ayaa waxaa lagu haystaa Liibiya, nin Soomaalidu u bixisay magafe ayuu meel ugu xiran yahay oo lacag ka raba, Kadiyana lacagtii ayuu sii siiyay looga baahnaa oday Xariir, asaga oo qaar ku taakuleynayay qaarna dayn ay tahay.

 

Maqaaxida shaaha ee Dalsan jidka weyn ayay saaran tahay, illinka weyn wuxuu u sii jeedaa xaafadda, markaad marayso jidka laamiga ahaan jiray oo hadda bustu ka kacayso waxaa ku soo gaaraya bulaanka gudaha ka soo baxaya, ninkaan aqoon oo laamiga marayaa waxa uuba is dhihi lahaa meeshu buuq badanaa, waase maxay darbigaan laga yabqayo, ma jin ayaa wax ku qaybsanayana waa kugu soo dhici, Gudaheeda markaad soo gasho waxa u horeeya ee ishu qabanayso waa sida koox koox loogu fadhiyo.

Dhinaca koofur xiga ayaa ugu dad badan, qayladuna u badan tahay waxaana is kugu tagay rug caddaaga fadhi ku dirirka ee siyaasadaha falanqeeya, haddaad u dhawaato erayada dhagahaaga ku soo dhacaya waxaa ka mid ah.

“baarlamaanka ayaa ka fadhiya hadda, waana la ridayaa, Ra’iisul wasaaruhu sinnaba ugama fakanayo markaan”.

“War aniga i weydiiya maraykan ma rabo madaxweynaha, lacagtii kolkii hore la soo siiyay dowlada asaga iyo wasiirka dhaqaalaha ayaa kala qaybsaday, laba bil ka badan haduu sii joogo waligiin ha i warsanina”.

“Wallaahi Billaahi Tallaahi anigu haddaan fiirshay arrinta Soomaliya balaayo aan federaalka ahayn nama hayso, aan burburino federaalka waad arkidoontaan barwaaqadaan gaarno iyo nabada e”.

“Shiinuhu wuxuu yiri dhaqaale aan ku bixinayo Soomaaliya ma jirto, dad daacad ah maahan, waxaase kale oo laga soo sheegay haddii suulgaab loo doorto madaxweyne in uu na kaalmeynayo, waayo suulgaab Shiinuha ayuu wax ku soo bartay saaxiib ayuu la yahay”.

“Madaxweynuhu habeen dhaweyd si qarsoodiya ayuu ku tagay Israa’iil waa la soo cadeeyay, heshiisyana waa la soo galay, shirkadaha Israa’iilna sidii ay yihiin shirkado Maraykan ah ayay dalka ku imaanayaan oo kaga shaqaysanayaan, lacag fiicanna waa soo siiyeen Madaxweynaha, sida la hubo”.

“Reer dhuun dhagax waa waxa salka u ah dumista Dowladda, sad bursi ayay wadaan, haddaan loo yeelin sida ay raaayaanna go’aan ayay ku gaareen inay gataan xildhiayaanada oo dowladda madaxa loo rogo”.

Hadalladaas iyo kuwa kale oo badan oo aan waliba layska sugayn oo mid walba gees ka qaylinayo ayay ku hadlayeen.

 

W/Q  Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply