Wuxuu qado ku sameeyay makhaayad cunnada badda lagu sameeyo oo ku taal Coney island ee xaafada Brooklyn oo lagu magacaabo, Nuova Villa Tammaro, kala bar markii cunaddii la marayay Luciano waa u cudur daartay oo musqusha aaday, wax yar ka dibna waxaa makhaayadii soo dhex jibaaxay affar kooxdiisa ah oo ay ku jiraan, Bugsy Siegel, Vito Genovese, iyo dilaagii Albert Anastasia, xabbad ayayna ku wadeen Masseria tan iyo intuu aakhiro u hadaafay.
Qorshaha tixda dilka ee Luciano waxaa ku xigay in la dilo Masseria’ cadawgiisii koowaad Maranzano.xilligaas Maranzano wuxuu noqday capo di tutticapi, [madaxa madaxda] ee ugu horreeyay, wuxuuna ahaa nin markaas loo yaqaan in uu yahay hoggaamiyaha kooxaha burcadda ee New York, si kastaba waa uu ka daalay dhiig daadinta, raadna ay ku reebtay dilkii iyo qaskii ay sameeyeen asaga iyo wadaygii Lansky, wuxuuna ku qancay in burcad la yiraahdo Cosa Nostra, [waxeenii] ay si habsami ah oo kooxo ganacsi ah ay u shaqayn karto, kana fiican tahay burcadnimadaan qayaxan.
Wuxuu qaban qaabiyay kulan ay isugu yimaadaan madaxda burcada talyaaniga ee Ameeriko oo ka dhacaya magalada Chicago, waxaana isugu imaanayay kulankaas affarta madax ee New York, aayatiinkana noqon doona shan, Lucky wuxuu casriyeen rabaa qaabka maafiyada uuna rabaa in uu ka dhiso Ameerika burcad casri ah, shirkaas waxaa kale oo ka soo qayb galayay madaxa sare ee mafiyada Chicago ee caanka ahaa Al Capone.
Si dhiig danbe oo daadata looga badbaado Luciano wuxuu kooxihii gobollada u qaybiyay qoysas, qoys walbana wuxuu u sameeyay gabbaad ganacsi, iyo sharciyo ay raacaan, waxaa kale oo intaa sii dheeraa in qoys walba oo afkiisa xirto oo uusan sheegin howshooda, waxaana soo baxay qodobka omerta, oo ah in afka la xirto booliskana wax cadayn ah loo diido in uu helo.
Dhinaca kale guddi sare oo la sameeyay ayaa u xil saaran nabad kuwa noolaanshada qoysaska iyo xallinta khilaafaadka, qorshe aad u wacan ayuu ahaa oo la isaga ilaalin karo buuq qoysaska ka dhex dhaca iyo xubnaha burcadaba, howl galka maafiyaduna uu ahaado mid qarsoon.
In kasta oo uu guulaystay haddana Luciano halis ayaa meel fog uga soo soctay, dowladda maraykanaku sida Al capone oo kale ayay isha ku haysay madaxda iyo raga sare ee maafiyada, si feejigana loola fiirinayay.
Xilligaas Luciano wuxuu ku noolaa nolol tumasho, naagaha uu madadaaliyo wuxuu u gadi jiray, judabaha dhogorta xoolaha laga sameeyo iyo xariir, wuxuu saaxiib la noqday fanaankii caanka ahaa Frank Sinatra, wuxuuna ku noolaa qayb dhan oo ku yaal hoteelka Waldorf Astoria ee new York oo ah halka madaxdu ku soo dagaan.
Ugu danbayn 1935, waxaa lagu helay caddaymo badan oo ah in Lucky Luciano uu madax u yahay ka ganacsi dhillaysi sharci darro ah, waxaana dabiin looga dhigay 350,000 oo xilligaas joogtay oo u dhiganta maanta 6 milyan oo dollar.
Markaatiyaal badan markii ay ku markhaati fureen, Luciano waxaa lagu helay in uu eedaysane ku yahay 60 fal danbiyeed, waxaana lagu xukumay 30 gu’ oo xabsi ah, in kasta oo uu xirna haddana Luciano ganacsigiisa bartaas ayuu ka maamulanayay, wuxuu helay maxaabiis u shaqaysa oo xataa mid ayuu ku qasbay in uu u noqdo cuno kariyihiisa gaarka, balse Luciano waa ay ka go’nayd in uu xabsigaan si uun uga baxo, fursadaasna waxay u timid bilowgii dagaalkii labaad ee adduunka
Maraykanku wuxuu ka baqayay in awood shisheeye ay qarbudaad ka gaysato dakadaha bariga Ameerika, oo shaqaalaha talyaaniga ah ee ka shaqeeya ay si qarsoodi ah u taageeraan Benito Mussolini, siadaas ayaa dantu ku qasabtay in ay la xariiraan madaxa maafiyada ee xiran, ciidamada baddu waxay u balan qaadeen in mudada xabsiga loo soo gaabinayo haddii uu warbixnada u keeno howl galladooda ay damacsan yihiin, sidaas ayuu ku noqday Lucky Luciano dhagihii iyo indhihii ciidanka badda ee Maraykanka.
Kaalmada uu siinayay Maraykanka kuma ekaan dhinaca maafiyada oo kaliya ee wuxuu gacan ka siiyay sidii maraykangu ay u qabsan lahaayeen jasiirada Sicily oo ah halka uu ku dhashay Luciano, howl galkaasna waxaa la oran jiray Operation Husky.
Ugu danbayn 1946, isla ninkii xeer ilaaliyaha dowlada ahaa Thomas Dewey ee xabsiga u diray Luciano ayaa soo saaray cafis uu u fidiyay Luciano taas oo looga abaal marinayo shaqadiishii uu xilligii dagaalka u qabtay Maraykanka, balse dowlada maraykanku marabin asaga oo xor ah in dhex joogo maraykan, waxaana loo musaafuriyay talyaaniga, markaas ka dib ayuu yimid Havana, Cuba, balse mar labaad ayaa la masafuriyay, Luciano uu meesha ka maqan yahay waxaa boos kiisii buuxiyay, Vito Genovese and Carlo Gambino oo madaxda burcada ka mid ahaa waxayna ka takhaluseen oo dileen rag badan oo howl wadaag la ahaa Luciano..
Ugu danbayn 1948, wuxuu dagay magaalada Naples oo uu la noolaa gabar 20 gu’ ka yar asaga ee la oranjiray IgeaLissoni tan iyo intii ay u dhamatay kansarka naasaha 1952, waligiisna caruur ma dhalin
“ma rabin in wiil aan dhalay oo ku noolaado nolol farta lagu fiiqayo oo la leeyahay wiilkii uu dhalay burcadkii Lucky Luciano, waana tan aan tan iyo hadda u necbahay Dewey oo adduunka ii tusiyay in aan ahay burcad” ayaa Luciano mar danbe yiri.
In kasat oo uu nolol masaafuris ku noolaa hadda howshiisa wuxuu ka dhex watay Sicily 15 gu’ oo kale, 26 kii bishii janaayo 1962, ayuu wadna xanuun u dhintay, dhimashadiisuna waxay ku soo beegantay dowlada talyaaniga oo doonaysay in ay qabato asaga oo lagu eedaynayo ka ganacsi maandooriye, maydkiisiina waxaa dib loogu soo celiyay ameeriko si loogu duugo, duugtiisii waxaa ka soo qayb galay kumaankun qof oo danaynayay ninka dajiyay shaxda maafiyada ee aan manta aragno.
Tan iyo manta ciddii danaysa maafiyada waxay booqasho u tagaan qabrigiisa ku yaal xabaalaha St. Joh ee ku yaal Queens, New York.
Sheekada burcadkaan oo tafaftiran mar kale ayaan idiin soo bandhi doonaa.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply