BURCADKII CHARLES “LUCKY ” LUCIANO-Q-1

 

Charles “Lucky ” Luciano ayaa lagu tiriyaan ninkii habeeyaya maafiyada new York oo ka dhigay shan qoys asaguna u noqday madaxa sare.

Inteena badan waan aragnay oo naqaan filimada maafiyada talyaaniga ka sheekeeya sida, GodfatherGoodfellas, and Donnie Brasco,  balse waxaan inteena badan ayasan ogayn, hal nin haddii uusan jiri lahayn maafiyadu heerka ay manta joogto ma gaarteen, ninkaas waa Charles “Lucky ” Luciano.

 

Waxaa lagu sheegaa in uu yahay aabaha maafiyada habaysan ee Ameerika, Luciano ugu horreyn wuxuu noqday hoggaamiyaha qoyska Genovese ee awooda badanaa, wuxuu gacan ka gaystay abuurida qalfoofka kore ee maafiyada Maraykanka ee loo yaqaan guddiga, oo tan iyo manta ah awood burcadeed ee ifka ka jirta.

Marka sidee nin qaxooti talyaani ah heerkaas ku gaaray?

 

Lucky  Luciano wuxuu ku dhashay magaca Salvatore Lucania, wuxuu ku dhashay Lercara Friddi, ee jasiirada Sicily, ee dalka talyaaniga 1897.

Abaaraha markii uu jiray toban gu’ ayaa asaga iyo ciddiisii u soo qaxeen dalka Maraykanka, waxay ku nagaadeen kobtii ugu burcad badnayd magaalada new York, waa dhinaca bari ee magaalada.

 

Asaga oo weli yar ah ayaa lucino cagta saaray jidkii burcad nimada, waxaa la soo sheegay in uu ku kacayay dagaal iyo xatooyo iyo boob markii uu jiray 14 gu’, la yaabna maleh in Lucky  Luciano uu gatay bastooladiisii ugu horeysay markii uu jiray 14, durbadiina waxuu noqday xirfadle dhinaca jeeb siibka, cutubkiisa nolosha bur cadnimadu waxa uu bilaabmay markii uu ku biiray kooxdii halista ahayd ee Five Points Gang, ee ka ganacsan jiray maandooriyaha heroyiinta.

 

Sida ay sheegtay wargayska new York times, Lucky  Luciano dhabta ahaa, markii danbana burcadka loogu yeeray, xasuusihiisa waxaa ka mid ahaa oo uu yiri:

“waxaan booby jiray goobaha ganacsiga ee xaafada Shiinaha markaan carruurta haa, dhammanteen waan samayn jirnay, waana ka helayay, balse waligay uma oggolaan naftayda in aan ku sii dheeraado arrintaas”

Sida muuqatayna asaga oo yar ayuu lahaa garaad ganacsi.

 

Asaga oo ay ka go’an tahay in uu noloshiisa meel fiican ka galo ifka burcadnimada, wuxuu go’aasaday in magaciisa uu ka dhigo magac Maraykan si uu meel iskaga xiri naynaastiisII “Sally” oo dhaddignimo ka muuqato, wuxuuna doortay magaca “Charles” sida muuqatana “Lucania” wuxuu isku rogay “Luciano” maalitaas ayuu abuurmay Charles “Lucky ” Luciano, ama uu isa sameeyay Luciano.

 

Sida qof walba filayo Charles Luciano ma uusan awoodeen in sooyaalka ifka uu baal ku yeesho haddii uusan kaalmo kale helin, sida kaalmadii uu ka helay Maier Suchowljansky oo markii danbe loo yaqanay Meyer Lansky, oo ahaa burcad yuhuudi ah oo can ahaa, markii u horeysay ee Luciano la kulmo Lansky labaduba waxay ku jireen da’da tobaneeyada waxayna joogeen magaalada New York.

Xilligaas ilmaha talyaanigu waa ay ka faani jireen in la shaqaystaan kuwa yuhuuda ah, balse Luciano fursad ayuu ka arkay meeshaas oo  meeshuu uu ka dheeraan lahaa oo uu ka faani lahaa, Luciano ilamaha yuhuuda ayuu baadi jiray, sida la sheego markii uu isku dayay in uu baado Lansky, arrintii waa u socon weyday oo Lansky waabsigii waa diiday, sidaas ayay ku bilaabatay saxiibtinnmio iyo wax isku darsi noloshooda oo dhan socday.

 

Sida ku qoran buuga la yiraahdo , gabadhii boqorka: ku soo koriddii dhulka burcadda, gabadha uu dhalay Lansky  waxay tiri:

“Aabahay waxba iigama sheegin adeer Charle, balse adeer Charle wax walba ayuu ii sheegi jiray, “yacni kulli uma sheegi jirin” sida cunugii yaraa ee yuhuudiga ahaa uga yaabiayay, sida geesinnimada leh ee uu uga biya diiday burcadkii la yaqaanay, Luciano aad ayuu ula dhacsanaa geesinnimada  Lansky iyo sid uu xisaabta aad ugugu fiicnaa oo uu khamaar yahay isugu badalay.

 

Luciano wuxuu kale oo uu bartay nin ay aad isgu dhawaayeen Lansky oo isla shaqaysan jireen, Benjamin “Bugsy” Siegel, oo labdoodu ay abuureen burcadii la magic baxday “burcaddii Bugs and Meyer.”

Markii ay soo korayeen waxay ku shaqayn san jireen in ay gaashaan u noqdaan dadka leh goobaha ganabcisga iyo wixii la mid ah oo ay lacag ka qaadan jireen, balse markii khamriga la mamnuucay Ameerika is kaashataan talyaaniya iyo yuhuuda ah waxay is tuseen in fursad ay ku jirto soo tahriibinta khamriga.

 

In kasta oo uu xariir fiican la lahaa burcadaalka kale ee soo baxay haddana qof walaba lama jirin Luciano, tusaale ahaan 17 oktoobar 1920, kuwa ka soo horjeeda ayaa af duubay si xun u garaacay, gowracay, dhowr jeerna mudaca barafka lagu jabiyo la dhacay, sida burcadu sheegatay waxay uga tageen mayd ahaan asaga oo yaal  jasiirada Staten Island ee new York, balse mucjiso, waa uu noolaaday in kasta oo dhaawacyo badan ka muuqdaan jirkiisa iyo indhihiisa oo xamil noqday, waxaana loo badiyaa in magaciisa Lucky  “ayaan” u baxay markii uu ka badbaaday shilkaas aadka u xumaa.

 

 

Xilligaas wuxuu isku hubsaday in uu u noqdo gacan yare mid ka mid ah boqoradii burcada ee new York ee la oran jiray, “Joe “the Boss” Masseria”, horaantii 1930  Masseria kooxdiisa waxaa muran iyo loolan iyo dagaal xun kala dheexeeyay kooxo cusub oo soo baxay oo ka mid ahaa Salvatore Maranzano, waxaana la isku haystay ciddii gacanta ku hayn lahayd ganacsiga burcadda ee magaalada new York, Luciana na waxaa loo xilsaaray in uu tallaabo ka qaado Salvatore Maranzano.

 

Intii dagaalka burcaddu socday Luciano iyo burcadii dhallinyarada ahay waxay dhibsadeen habka ay wax u wadaan odayaashii maafiyada ahaa, sida, Masseria oo leh dhaqan duqoobay, ingriis badan ma yaqaan oo kuma hadlo, wuxuu leeyahay ganacsi burcadeed oo aan weynayn, Luciano na wuxuu go’aansaday in uu kaba takhaluso oo la wareego maamulka maafiyada Masseria.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply