Xagaagii 1962 ayaa Wolf iyo xaaskiisu ku soo laabteen Masar, intii ay joogeenna waxay dhigeen xaflado iyo marti qaadyo waaweyn oo uu ku kasbaday dad badan oo magac ku leh bulshada Masar, oo ay ka mid yihiin kuwa ugu cadcad sirdoonka ciidanka Masaarida, sidoo kale wuxuu xiriir wanaagsan la yeeshay Jalmalkii daganaa Masar waxayna saaxiib aada wada noqdeen Gerhard Bush oo loo malaynayay inuu yahay basaas Jarmalka galbeed u shaqeeya, taasna waxaa u sii dheeraa asagoo helay dhamaan magacyada iyo meelahay daggan yihiin basaasiinta Jarmalka ee qaahira jooga, taansa ay u fududaysay inuu helo warbixin hufan ee ku saabsan dhinaca samaynta hubka ee Masar.
Xilligaas wuxuu ku guulaystay inuu ogaado intii laga ogaan karay gantaallada Ruushka ee samka ah iyo meelaha lagu rakibay ee u dhow kanaalka suweys ee magaalada Ismaaciiliya, wuxuu adeegsan jiray taar yar oo mushqushiisa ugu qarsoonaa kaas oo uu ka diri jiray qorraalda sirtaa gantaallada iyo sirta Masar muddo shan sano ah.
Bilowgii lixdameeyadii madaxa Mossad wuxuu aad uga walwalsanaa khaubarada Jarmalka ee la shaqeynaya kuwa Masar in ay sameeyaan ama horu mariyaan gantaallo gaari kara magaalooyinga israa’iil, Mossad waxay ogayd hal gantaal oo caynkaas ah oo Masar samayso oo lagu guulaysto ay halis ku tahay nabadda isra’iil.
Sidaas ayuu Wolf ku shaqaynayay in badan tan iyo initii siyaasadda dibadda ee Masar is badalaysay, dayrtii 1964tii Masar oo ku tiirsnayd soofiyeetka dhinaca kaalmada ciidanka ayaa soofiyeetkii taas cadaadis u adeegsadeen oo Jamaal Cabdi Naasir u sheegeen in uu martiqaad u fidiyo madaxweynaha Jarmalka bari Walter oo uu qaahira yimaado, balse Jalmalka galbeed waa ka horyimid taas Cabdinaasir na wuxuu is tusay in uusan ka noqon martiqaadka madaxweynaha, isla xilligaas uu ruushku ka cabanayay basaasiinta Jalamalka galbeed iyo kuwa maraykanka oo soofiyeetka lid ku ahaa,
Jiilaalkii 1965 tii inta uusan imaan madaxweynaha Jarmalka bari ayaa Cabdi naasir amar ku bixiyay in la soo xiro 30 aqoonyahan oo Jarmalka galbeed u dhashay oo ku noolaa qaahira, dadkaas la soo qabqabtayna waxaa ku jiray Wolf gang iyo xaaskiisa iyo labadeedii waalid oo markaa booqasho ku joogay Masar.
Intaas ka dib Wolf wuxuu is tusay in arrintiisii ahay inuu u basaaso israa’iil la ogaaday, markii la warsanayayna uu qirtay wax walaba intaan ka ahayn inuu yuhuudi yahay israa’iiliya, wuxuuna ku adkaystay inuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Jarmalka balse Mossad ay cadaadis ku saartay inuu u shaqeeyo, Mossad waxay u qabatay qareen Jarmal ah, sirta u weyn ee uu ka qarinayay Masaarida Wolf waxay ahayd in uu dhaho ciidanka israa’iil baan ka tirsanahay .
Sannadkii 1964 ayuu ka soo muuqday muuq baahiyaasha Masar asaga oo qiranaya inuu yahay Jarmal u shaqeeynayay israa’iil tan iyo 1961, waa uuna ka shalaynayaa waxa uu sameeyay, dadka Masaaridana wanaag iyo qadarin uu u haayo, wuxuu sheegay in si fiican loola dhaqmo xabsiga uu ku jiro, dhabtiina tan xilligaas masaaridu ma ogayn runtii cidda uu yahay inuu israa’iil yahay iyo in kale, waxay ku kalsoonaadeen inuu yahay Jarmal Mossad u shaqeeya, saas darteed dilkii waa laga dhaafay waxaana lagu xukumay madaxaa ha ku furto iyo labaatan kun oo dollar, xaaskiisana waxaa lagu xukumay saddex sano, Wolf waxaa la sii dayaya saddex gu’ ka dib markii ay dowlada Masaaridu dhaafsatay 500 oo ciidan ah oo dagaalkii 1967 israa’iil ku qabatay, waxayna ahayd markii u horeysay ee israa’iil ay qirato inuu basaas u ahaa,
Siidayntiisii ka dib wuxuu aaday Tel aviv asaga iyo marwadiisii buugna oo ka qoray noloshiisii, kaas oo uu ka helay hanti aad u badan balse dhimashadii xaaskiisa ka dib hantidiisii waa is cuntay, waraysi lala yeeshay 1978 lagu lana yeeshay magaalada Munich wuxuu sheegay in uu saboolnimo xun qarka u saran yahay dhaqaalana uu ka helo 200 oo dollar bishii oo Mossad ay howl gab ahaan u siiso.
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/



Leave a Reply