BASAASKII WOLFGANG LOTEZ-Q-1

 

Wolfgang wuxuu ku dhshay jalmalka 1921 wuxuuna ka soo jeeday cid yuhuud ah, aabihii wuxuu ahaa soo saare riwaayadaha, hooyadiina jilaa labadooduna ma ahayn kuwa diinta ku xiran sidaa darteed ma aysan gudin wiilkooda sida ay dhigayso diinta yuhuudu, balse taasi waxay qayb weyn ka ciyaartay shaqadiisa baasaasnimo ee uu u qabnayay israa’iil xilliyadii danbe.

 

Labadii iska dhalay waxay kala tageen 1931, sannadkii 1933 markii u Hitler soo baxay hooyadii waxay u baqooshay Falastiin wiilkeedana horay u wadatay, kana shaqa bilowday gole riwaayadeed ee ku yaal Tel aviv wiilkeedii yaraana uu wax barasho ka bilaabay dugsiga Ben Shamiim, magaciisiina uu u rogay Ze’ev Gur-Arie, Ze’ev waxay u dhigantaa afka cibriga Wolf afka Jarmalka oo macnihiisu yahay yey ama ubadto, aadna waxa uu u bartay farad fuulka , muddo ka dib gugiisii shan iyo tobnaad wuxuu ku biiray ururkii Haganah ee sirdoonda iyo nabadda, shaqadiisuna waxaa ka mid ahayd in uu ilaaliyo  baabuurta wada waxa dugsiga Shamiim uu u baahanyahay, waayo dugsigu waxaa ku xeernaa magaalooyin iyo tuulooyin ay Falastiiniyiintu dagganaayeen kuwaas oo diidanaa joogitaanka Yuhuuda dhulka Falastiin.

 

1939 waxaa qarxay dagaalkii labaad ee adduunka, Ingriisku markuu arkay sida Wolf uu u yaqaan afafka jalmalka, ingiriiska , cibriga iyo caribiga waxay is tusiyeen in uu noqon karo gargaar, sidaa awgeed waa la tababaray waxaan loo dalka diray Masar, intii dagaalku socday oo dhanna uu joogay, shaqadiisa ugu weyn uu qabayayna waxay ahayd  baaritaanka ciidanka Jalmalka ee dgaaalka lagu soo qabtay, xirfadiisa afka jalmalkuna waxay noqotay gargaar weyn.

 

Dagaalkii 2aad markuu dhamaaday wuxuu ku soo noqday Falastiin kana qayb galay qarsoodi u soo galainta hubka ururka Haganah. Markii dowlaada israa’iil lagu dhawaaqay may 1949 Wolf wuxuu  laba xiddigle ka noqday ciidankii u horeeyay ee israa’iil, siyaabo kala duwaanna uga qayb qaatay howlgaladdii israa’iil ay ka waday Falastiin  1956 waxaa loo dallacsiiyay sareeeye guuto, wuxuuna hormuud u noqday howlgal loogu magac daray Suweys oo ka dhan ah Masar oo laga fulinayay Siinaay,

 

Bilowgii 1957 waxaa la go’aansaay in loo diro Masar si uu u soo uririyo xogta kaalmada Masar ay ka hesho Soofiyeetka iyo Jamaal Cabdi naasir qudhiisa.

Nufembar 1959 waxaa loo diray Jalamalka oo intii sannad ah uu hadba meel tagayay raad tirasho ahaan, ka dibna waxaa lagu soo celiyay Masar oo uu soo gaaray disember 1960, durbadiina wuxuu samaystay xariirro dhaxal gal ah, wuxuu aadi jiray golaha fardooleyda halkaas oo ahayd meesha ay isugu yimaadaan saraakiisha saree e ciidanka Masaaridu, waxaana dhagaha dadka ku soo dhacayay maalqabeenka Jalmalka ah ee Masar yimid,  si fiicana u dhex galay dadkii maal qabeenka ahaa, maalmo gudohood waxaa iska soo daba dhacayay martiqaadyo iyo xaflado loogu yeerayo oo ka dhacayay guryaha maalqabeenada Masar ugu waaweyn,hantiilayashii rabaayadaynta fardaha maal gashan jiray waxay bilaabeen inay la tashtaan Wolf , asna uu go’aansaday in la arko deeqsinnimadiisa, wuxuuna gatay faras kuna daray golaha fardooleyda, gurina ka kiraystay xaafadda Masar jadiid, dadkana wuxuu u muujiyay in uu jecelyahay dhaqashada fardaha siiba kuwa carabta, taasna waxay u fududaysay in uu xubin ka noqdo golaha fardooleyda ee meesha la yiraahdo Jaziira, una fududeysay inuu xiriir wanaagsan la yeesho fardo dhaqaaleeyayaasha Masaarida iyo kuwa qalaadba.

 

Lix bilk a dib wuxuu ku laabtay yurub warbixintiina uu u gudbiyay Mossad, ayaguna ay muujiyeen say ula dhaceen shaqadiisa, laguna magacaabay Wolf, Ishii tel aviv ee qahira joogtay, sida Eli Cohin loogu yeeri jira ninka Mossad ee dimishiq jooga.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply