gugii 1971 ayuu dib ugu laabaty Ingriiska, muddo ka dib wuxuu keenay arrin ku cusub baasaasnimada oo qar is xoornimo ah, in kasta oo uu 40 kii kor u dhaafay haddana wuxuu yiri baarshuud ama dallad ayaan ku dagayaa ciidamada cadowga dhabarkooda si aan warbixin uga so uruuriyo, ugu danbayn waa laga yeelay waxaana lagu dajiyay baarshuud, ciindakiin Jarmalka ee jooga meesha la yiraahdo manhaim gadaashooda, asaga oo waraaqa been abuur ah wata, waraaqahaas oo caddayna inuu yahay askari Jarmal ah oo ku dhaawacmay dagaalka, saddex toddobaad gudahood wuxuu ku helay war bixino aad u sareeya oo ku saabsan shaxda weerar ee ciidamada Jarmalka gugii 1918, markaas Ingiriiskuna waxay dajiyeen sidii loo dhicisin lahaa weereradaas oo ay dhici lahayd in Jarmalku ku guulaysto, markaas ka dib wuxuu isk dhigay sarkaal sare oo ciidamada Jarmalka ah, dhowr maalmoodna wuxuu joogay hogganka ciidamada koniburger, oo uu soo qoray wax alla wuxuu maqlay oo hadal wax tar le ah, guushiisii u weynayd se waxay ahay markii uu ka qayb galay kulankii ay yeesheen hogganka sare ee ciidamada Jarmalka, kulankaas oo uu goob joog ahaa qaysar kii dalaka xukumay.
.
Mar kale sidney wuxuu awooday inuu wade u noqdo sarkaal sare oo jarmal ah oo ka mid ah la taliyaasha amiir robrtish ee gobolka bavariya, markii sarkaalku aaday inu ka qayb galo shir ay lahaayeen golaha dagaal dajintu, meel dhaxe markay marayeen oo mugdiya , ayaa sidney iska dhigay in gaariigii cillad gashay oo afka hore firay oo kor u qaaday, sarkaalkii oo cabbar sugayay oo sabri waayay ayaa u yimid oo weydiiyay maxaa hallaysan, balse sidney waa uu dilay markii uu madaxa ku dhuftay, dharkiisiina xirtay, wuuxna aaday in uu kulankii ka qayb galo, asaga oo dadkii meesha fadhiyay ku yiri iga raali ahaada waan soo daahay, wadahaygii ba xanuunsaday, waana fariistay aragtidiisii ka dhiibtay sida dagaalka soo socda loo gali lahaa, ka dib wuxuu uga digay Ingriiska werarro gujis ee la rabo in lagu burburiyo maraakiibta iskaga gudbaysa badda atlantika, taas oo keentay in markii danbe gujisyaalkii ay la kulmaan halkii ay doonayeen oo difaac culus yaal.
.
1918 ayuu ku laabtay Ruusiya, markaan waxaa xukumayay dalka kacaankii shuuciyada, oo gu’ ka hor awooda la wareegay, waxaana laga baqdin qabay in ay la heshiiyaan Jarmalka oo markaas Jarmalku ciidankiis oo dhan uu ku soo jeediyo reer galbeedka, raiisul wasaarihii Ingriiska lord Goerge wuxuu ogolaaday in laysku dayo in la af ganbiyo xukuumada shuucigaa ee Ruushka si loo joojiyo in ay heshsiis la galaan Jarmalka,  Sidney na wuxuu aha ninka kaliya ee awoodaas leh oo ka soo bixi kara, nin ka tirsan ciidamada sirt Soofiyeetka”chika” aya u sameeyay waraaqo uu ku gudbo, wuxuuna bilaabay in uu isku keeno macaardiintii ka soo horjeeday dowlada, kana soo aruuriyo maalaayiin rubel lagata Soofiyetka ah dadkii u dhashay Ruushka cad cad ee u qiiraysnaa in shuuciyada la tirtiro, wuxuu kale oo adeegsanayay 120 kun oo gini oo ah hantida dowlada Ingriiska si uu ugu laaluusho ragga jagooyinka sar sare ka dowladda soofiyeetka.
La soco……
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply