Magaca Raily wuxu ka qaatay xaaskiisii u horeeysay Margaret oo uu ahaa magaca qoyskeeda, 22 jir qurux badan ayay ahayd markii ay is barteen, waxayna ku joogeen ayada iyo ninkeedu dalxiis, ninkeeda oo la odhan jiray Hog wuxuu ahaa lixdan jir aad u qallafsan oo madax adag, wuxuuna wasiir ka ahaa mucaaradka Welles, xaaskiisana wa garaaci jiray, si xun waliba, Margaret iyo odageedu waxay soo dageen isla hotelkii uu sidney daganaa, waliba isku dabaq, barasho ka dib Margaret waxay u soo dhuuman jirtay sariirta Sidney, ka dib markii ay siiso ninkeeda daawo uu u dhiibay Sidney oo uu ku hurdo, wuxuuna isugu sheegay ayada in uu yahay dhaqtar, ugu danbayn markii odagii jirro dhulka la soo dhacay asaga oo jooga gurigiisa London, Sidney wuxuu soo jeediyay in ay u fiican tahay in ay dalxiis qaarada ku soo maraan oo hawa gaddisku uu wax tararayo ninka xanuunsan, balse ujeedkiisu wuxuu ahaa in uu ka fogeeyo dariska iyo dadka yaqaan oo aan meesha war badni imaan iyo baaritaan, odagiina wuxuu dhintay ayaga oo badda dhinaceeda u sii socda si ay markab uga raacaan, Margaret na waxay ka dhaxashay 8000 oo gini, shan bilood ka dibna waxay noqotay xaaskii u horeeyay ee Sidney, mase ahayn tii ugu danbaysay, sida ninka uu daawada ku dilay uusan u ahayn kii u danbeeyay ee uu dilo.
Bolowgii qarniga wuxuu joogay Holland asagoo ah nin Jarmal ah, wuxuuna wax abaabulayay ololihii kaalmooyinkii Hollandaysku aruurinyeen ee loo aruurinayay Hollandayskii isgriiska kula looltamayay Koofur Afrika.
nin yaab leh oo hibo aad u sareysa leh ayuu ahaa, wuxuuna dareemay in shidaal ka dilaacayo bariga dhexe, wuxuuna u sheegay Ingriiska in ay wax ku weynayso hadii aysan hada dadaalin, sidaa darteed wuxuu aaday Iiraan, markii uu tagayna wuxuu ogaaday in shaaha Iiraan uu qandaraaskii siiyay nin la yiraahdo Arsiyo Hu oo Austraaliyan aha, ninkiina wuxuu aadday qoyskII Rothschild si ay u maal galiyaan, balse sidney oo iska dhigaya wadaad diimeed ayaa ka daba tagay, wuxuuna ka dhaacdhacsiiyay in ingriisku uu mal galiyo qorshihiisa, hu na wa ka oggolaaday,
Markaas ka dib wuxuu gu’yaal badan joogay bariga fog si uu war bixin uga soo aruuriyo, ciidamada badda ee ruusha iyo difaacooda bariga fog, 1914 wuxuu ku soo laabtay yurub oo uu hawl gallo badan ka fulliyay, taas na wuxuu ku kasbaday billad abaal marin ah, intaan dagaalkii dhicin wuxuu xaluushay oo ka shaqeeynayay warshada hubka ee Jarmalka, halkaas oo ka ahaa shaqaale magaciisuna ahaa Karl Cohin, wuxuuna si raaliya isku kugu qoran shaqaalaha habenkii shaqeeya, taasna u suurto galisay inu si fudud ku xado galal sir badan ku jiraan oo ku saabsn samaynta hubka ee warshada ka socda, markii asaga oo falkii ku jira ay laba nin ku qabatayna, labadiiba wa dilay waana baxsady.
. .Wuxuu ku laabaty Ruushka asaga oo iska dhigaya ganacsade hodan ah, wuxuuna u olaleeyay in la qabto taddobaaka duulimaadka ee Pittsbrugh, asaga oo isku xilsaaray inuu kharaja bixiyo, wuxuuna warbin dhinaca diyaaradaha ah ka aruurinayay Jalmalkii booqshada ku joogay, markii danbena wuxuu jarmalka ka dhaadhiciyay in uu wakiil uga noqdo Ruusha ka dib markii uu u keenay qandraas lagu hagaajinay ciidmada badda ee Ruushka, kala gadidaas aad ayuu uga maacashay, oo xataa keentay in Igriiskii joogay Pittsgurg ay safaarada ku dacweeyaan, ayagoo leh ninkaa cuna qabatyn ayuu ku hayaa shirkadaha Ingriiska.
Sidney wuxuu noqday hodan, isla xilligaas uu joogay Pittsburg wuxuu London u gudbinayay faafaahin buuxda ee ku saabsan maraakiibta dagaalka ee Ruushka, sirdoonka ingriisku waxay ka heli jireen Sidney warbixinno aan lacag lagu heli karin, ayaguna waxay ku qasbanaayen in ay shuruudihiisa yeelaan, madaxda sirdoonka Ingriisku waa ogaayeen ama ugu yaraan tuhun ka qabeen In uu warbixino uu ka iibin jiray dalal kale , gaar ahaan Ruushka iyo Fransiska, mana ka joojin Karin, qar iska tuurnimdiis waxaa ka mid ahaa in uu lba naag isla gursaday, dowladaIngriiskunawaxay ku qasbanaadeen in ay wax ka qabtaan labada naag ee uu isla guursaday een sharciga ahayn, waayo margaret in uu furo waa diiday si kasta oo uu dhaqaale ugu sheegay, balse wuxuu ku qasbay inay Pittsburg ka tagto oo lLondon ku laabato, isla durbadiina wuxuu aroosay naag bulshada sare Ku jirta uu horay u qabay wasiir hore oo Ruush ah.
La soco……
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
.
Leave a Reply