Sideny wuxuu kor u dhaafay basaaskii dhalanteedka ah ee James Bond Wuxuu lahaa 11 ”baasaboor” Waxaa daba joogay oo cayrsanayay soofiyeetka oo ku eedaynayay in uu igriiska basaas u yahay.
Wuxuu si fiican ugu hadlaijiray 7 AF, magaciisa runta ah iyo dhalashadiisa cid taqaanay ma lahayn, asaga qudhiisa ayaan aqoon cid uu yahay tan iyo intii uu 19 jir ka soo gaarayay hooyadiis markii ay naf baxaysay ayay u sheegtay in uu wacal yahay oo aargoosasho darteed u dhashay.
Waxaa lagu naynaasi jiray laayaanka, naaghuna oo waa ka daba yaaci jireen, nin toddobo naf leh oo baasaasiinta in badan kor u dhaafay ayaa lagu tilaamaa.Bilowgii qarnigii 20aad wuxuu qorsheeyay dilkii hoggaamiyaha aragtida shuuciyadda, Lenin, in kasta oo uu ku guul darraystay dilka Lenin, balse haddii uu ku guulaysan lahaa wuxuu badali lahaa aragatida ifka oo dhan, waayo Soofiyet ma jireen iyo shuucinnimo iyo dagaal qaboow, mar qudha ayaana la waayay Sidney meel uu ka baxay.
Ninka curiyay basaaska dhalanteedka ah James Bond, wuxuu yiri, wax badan ayaa Sidney ka halisan yahay James Bond, Wuxuu ahaa qof aan dhalanteed lagu cabbiri karin, wuxuu ahaa kii ugu sareeyey ee golaha basaasiinta soo kora, waxaa Lagu tilmaamay geesinnimo, garaad badni, iyo soo jiidasho,
Si aan u ogaano qof ahaanta Sidney, waxaa nagu filan intii laga sheegay, Inuu lahaa 11 dal ku gal [baasaboor], 11 xaas, oo markuu howl gal aadayaba uu qaato dal ku gal cusub, horana u sii wato xaas cusub.
In kasta oo Soofiyetku raadinayay, haddana in badan ayuu gudbay soohdinta Soofiyetka asaga oo wata dal ku galyo kala gaddisan, si nabad ahna ugu noola magaalooyin Soofiyetka ah, ayada oo sirdoonka dalkunaraadinayo, Sidney wuxuu ahaa qof madaow madoow ku jiro oo sooyaalka noloshiisa cid cad taqaanay ma jirin,
Balse cid dhab u taqaanay ma jirin, magaciisa runta ah iyo dhalashadiisa, waayo waxaa lagu bartay magacyo badan, sida Goerge, Rozz, Pedro iyo kuwa badan oo oo isku magacaabi jiray hadba sida dantu uga gasho, tusaale, magac Pedro wuxuu adeegsan jiray markii uu ku noolaa Barasil, toddobada af ee uu yaqaanan dhammaan wuxuu ku bartay Ruushka, intii uu wax ku barnayay oo markaas magaciisu aha Goerge Reilly oo ah magaca ugu shaacsan, firkiisana waa la isku khilaafay oo qaar waxay yirahdaan waa ruush. Qaarna Yuhuudi Ruush ah.
Sidneyn wuxuu ku dhashay koofurta Ruushka, 4 April  gugii 1874, waxaa la sheegay in markII uu 19 ji ahaa uu ogaaday in aabbihiisii hooyadii qabay oo sarkaal sare ka aha ciidanka ruushka uusan dhali, ee uu ahaa mid ka dhashay xariir ay hooyadii la lahay dhaqtar Austriyan ah oo la yiraahdo, Shifondgayur.
Oagaashadii uu ogaaday in uu Yuhuud yahay darteed ayuu Ruushka ka tagay oo aaday koofurta AmeerIka, halkaas oo uu dakada shaqeeyay, marna ahaa ragga jidadka dhisa, marna beeraleey, marna kariyaha xeeldheerayaal ingriis ah oo u joogay halkaas daahfurid ay ku sameeyaan kaynta Amazoon ka .
Markii dadkii meesha dagnaa ay soo weerareen khubaradii, Sidney si aan ganbasho lahayn ayuu u xabadeeyay, baqdintii ay qaadeenna dib ayay u carareen , ninkii ragga hormuudka u ahaa dhamme Jill aad ayuu ula dhacay geesinnimada sidney, iyo afafka badan ee uu ku hadlo oo Ruushka iyo Jarmalku ka mid yihiin, sidaa darteed dhammihii wuxuu abaal marin u siiyay 1500 gini iyo asaga oo u soo bandhiga inuu la shaqeeyo sirdoonka, sidaas ayuu Sidney ku noqday basaas madax banaan.
La soco……..
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply