BASAASKII POLLRD-Q-2

Hal toddobaad ka dib Pollard wuxuu la fadhiyay [Himmler] oo ahaa ninka ugu halisan Jalmar oo dhan marka laga reebo hitler, wada hadalkii markuu dhamaaday Pollard wuxuu ahaa mid u shaqeeya basaasiinta Jarmalka balse aan ka mid ahayn oo aan ku biirin, waxuuna noqday tiftif aad loogu kalsoon yahay si aan horay u dhicin, siiba markii dagaalkii labaad ee addunku bilowday 1939.

Febaraayo 1941 waxaa loo diray Ingriiska ayadoo la eegayo in uu aad ugu wanaagsan yahay afka igriiska iyo asagoo ah basaas aan caadi ahayn, wuxuuna ka dagay ingriiska labaatan iyo sagaalkii bishii febaraayo ka dib markii dallad uu uga booday diyaaradii siday asaga oo sita wixii caddayn uu u baahnaa iskana dhigaya kaba gade Ayrlandays ah,

Waxaa iska soo daba dhacayay markuu Ingriiska joogay war bixino uu soo dirayay oo xambaarsanaa arrimo muhiimah, taasoo ka yaabisay cajabna galisay Hitler qudhiisa keentayna in loo badalo Pollard aagaga xiisaddu aad uga kacsan tahay loona badalay ruushka.
Pollard aad ayuu ugu fiicnaa afka rush, tintiisa iyo indhihiisa buluugaa iyo duubkiisa cad ayaa aad uga kaalmeeyay inuu si fiican u dhex galo bulshada ruusha, heerka uu ka taagnaa Pollard Jarmalka ayaa keentay in gujis Jarmal ihi uu halis is galiyo oo uu u dhawaado xeebaha Ingriiska ayadoo xilli dagaal lagu jiro si uu u qaado basaaskaan halista ah kuna celiyo Jarmalka ka dibna Moosko uu aado.

Bishii May kowdeedii 1941 ayuu u kicitimay Moosko, sida caadadaa qofkasta oo dadnimadiisu ay sareyso wuxuu kasbadaa nacab sidaa darteed rag ka mid ah sirdoonka Jarmalka ayaa la yaabay ninkan afaf badan aad u yaqaan, heer sarana sidaa dhaqsaha badan ku gaaray, soddonkii sanana ay wax yar u wehliyaan, sidaa darteed waxay dib u raadsheen oo u fureen galkii warbixinta nololeed ee Rodolf Gelin [Pollard] si taxadar badana loo baaray, yaabka iyo amankaaga la arkayna waa is daba socdeen, si cabsi iyo yaab leh waxaa la ogaaday in aqoonsigiisa xubin ka haanshada xisbiga ee Pollard ay ahayd been abuur si xirfad leh loo sameeyay, magaca Rodolf Gelin qofkii lahaa ayaa la ogaaday inuu 10 sano ka hor ku dhintay shil baabuur, balse qofka hadda wata oo kalsoonidii madaxda kasbaday inuu yahay mid aan la aqoon meel uu ka yimidna aan la garanayn, ayadoon daahniin aqbalayn arrintaan ayaa durbadiiba loo gudbiyay Himmler oo asaga qudhiisu ugu yaraan laba jeer dib u fiiriyay warbixintii in tuusan Hitler la kulmin, xanaaqii Hitler oo waali casiran noqday tanna waxa ay ula dhiganayd in wiilkaa yar uu dadka hortooda ku dharbaaxay asagoo hogaamiya ah, ayaa amray in dib loo soo celiyo Pollard in kastoo warbixinadii uu soo dirayay ay ahaayeen kuwa wax ku ool ah, hadana waxaa amar lagu siiyay inuu dib ugu soo laabto laguna yiri basaas kale ayaa soo socda oo ku badali, Pollard wuxuu dareemay in halis soo socoto inkastoo uu u war celiyay hoggaankisii oo uu u sheegay in uu sugayo imaatinka basaaska imaanaya ka dibna soo baxayo oo Berlin ku soo laaban doono, balse basaaskii badali lahaa markuu yimid ma uusan arag Pollard oo ay ahayd inuu sugo balse wuxuu la kulay oo uu meeshii ugu yimid ciidanka la dagaalanka basaasiinta ee ruuska oo markiiba qabatay, Pollard se meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayay sidii uu dhulku laqay, dowladii Jarmalka oo waalli aan caadi ahayn qaaday baa amartay basaasiinteeda oo dhan in la soo helo Pollard, ayaga oo waliba ka yaaban warbixinadii oo soo diray oo dhan ay sax yihiin markay dib ugu laabteen war bixnadiisii oo aan mid khalad ah aysan ku jirin, basaasna aan dartii marna loo qaban kan u danbeeyay maahine.

Intaan Jarmalku wax cad meel ku salayn Pollard wuxuu ka muuqday dalka Ingiriiska asaga oo wata magaca [John York] watana waraaqihisii aqonnsigiisa cadaynayay oo dhan, isla xilligii basaasiinta jalmalku ay raadinayeen Pollard waxuu fadhiyay xafiiska sirdoonka ingriiska [mi6] asagoo u bandhigay inuu kaalmeeyo.

yaab ayaa ka soo haray sirdoonkii [mi6] markii uu u gudbiyay warbixino aad halis u ah oo ku saabsan ciidanka iyo sirdoonka jalmalka iyo basaasiinta Jarmalka ee ka shaqeeya ingriiska, taasna waxay shaki ku abuurtay [mi6] tii waxayna go’aansadeen in Pollard xabsi lagu hayo inta laga baarayo qudhiisa, taas oo uu si daganaansho ku jirto uu u ogolaaday waliba asagoo dhoolla cadaynaya wuxuuna u sheegay inay ku dhaqsadaan baaritaanka waayo xabsiyada ma jecla inuu dhex joogee ayuu yiri.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply