Sida markasta dhacdana xaasid waa jiraa iyo masayroow sidaa darteed markale ayaa dib loo baaray faylkii Pollard sida ku qornaydna Pollard waxaa iska dhalay hooyo Biljam ah iyo aabe Polandiis ah waxuuna ku dhashay Yugoslafiya waxaana soo korisay hooyadii ka dib markii aabihii la waayay siduu u joogay yugoslaafiya, waxaase lays weydiiy, maxay hooyadu ugu laaban weyday dalkeedii Biljam? Maxaa dhigay ayada iyo wiilkeeda Yugoslaafiya? Balse wax huban waa la ogaan waayay ka dib markii dagaalku uu wax badan burburshay, xaasidiintii iyo masayroowyaashii dib ayay u laqeen waxay wateen, waxaase dhacday waxaan cidna filayn oo 1960 basaas Rush ah ayaa ka soo goostay dalkiis aadna ula socday sirta basaasiinta ruuska wuxuuna isku soo dhiibay Maryakanka asagoo sida sirar badan iyo waraaqo ay ku qoran yihiin basaasiinta Ruushka ee Yurub iyo Amerika ka shaqeeya,
ingriiska iyo Maraykankuna aad ayay u baareen warbixinnadaas taasoo keentay in la qabqabto tobonaan basaasiin Rush ah oo uu ku jiray ku xigeenka madaxa sirdoonka ee ingriiska qudhiisu, waxaa soo haray magaca [Sapaski] oo ah basaas aad ugu fiican afafka Ingriiska, Faransiiska, Jarmalka, iyo Ruushka, lehna awood iyo xeeldheeri uu dhib kasta kaga gudbi karo oo darbigii ka hor yimaadaba dhaafi karo, markii warbixinta basaaskaas si fiican loo eegay iyo cida soo dirsatay waxa lala xariiriyay ninka ah maamulaha qaybta tababrada ee CIA da xilligaas Earnest Pollard, balse cid ku dhiacday malahayn inay warkaas ula tagaan ayadoon lahayn cadayn sugan, waxaana qasab noqotay in dib loo baaro sooyaalka basaasiinta ruushka oo dhan tasoo qaaday mudo sanad ah.
Waxaa xafiiska madaxa sirdoonka Maraykanga soo galay asagoo dig dig leh madaxa sirdoonka gudaha ee Maraykanka fayl yarna hor dhigay asagoo si xanaq ku jiro u leh Ivan Turkinov, madixii CIA da ayaa weydiiyay
“waa kuma ninkaan?”
durbadiina waxuu ugu war celiyay
“waa magaca runtaa ee Earnest Pollard, shaqo wadaagaaga” amankaag baa helay madaxii CIA da dib ayuuna ugu laabtay faylkii, yaabkiisiina wuxuu kun jeer jibaarmay ,markuu arkay suuraddii Pollard, waa asagii Earnest Pollard sawirkiisii waaba kan faylka ku jira, waxaa ku qoran warbixinta inuu Ivan ku dhashay Petersburg una shaqeeynayay sirdoonka Ruushka laga soo bilaabo 1938, halista arrintaan owgeed waxaa faylkii la hor geeyey madaxweynaha maraykanka asna uu amar ku bixiyay in la soo qabto maxkamad la saaro wixii sirana laga ogaado, go’aankaas madaxweynuhu wuxuu gaaray subixii 31 desembar 1961, isla fiidnimadaasna ciidamo sirdoonka ayaa u dhaqaaqay guriga Pollard, wixii dhacayna waa la ogaa Pollard waa la waayay sidii uu horay ugu sameeyey Jarmalaka iyo ingriiska, waalli cas baa ku kacday maraykanka meel kastay ka raadiyeen, waxaa la garn waayay siduu ku ogaaday waxa u soo socda iyo sida waqtiigii ku haboonaa uu u dhuuntay, laakin markasta taas waa samayn jiray .
Saanad dhan ayaa maraykanku daba joogay arrintaa meel uu jaan iyo cirib dhigayna waa waayeen, sanadkaas gudihiisa warbixno ayaa imaanayay yaabkooda iyo caradooda kor u sii qaada, Pollard waa u shaqynayay Ruushka balse aqoonsi been abuura ayuu ugu shaqayn jiray, magaciisuna Ivan ma ahayn waligiina magaalada petersbrug ma tagin iyo magaala kale oo ruushka ku taal toona.
Warbixinaduna intaas waa isdaba socdeen, Pollard waxuu u soo shaqeeyey sirdoonada aduunka u waaweyn dhamaan si daacad ah asagoo ujeedo cad aan ka lahayn ama higs gaara, maalina maal dartii uguma shaqayn iyo mabd’a iyo diin xataa naag awgeed ugma shaqayn, naagaha xataa saas uma danayn jirin, inta la ogyahay laba naag maahine oo si ku meel gaara ahaa, waxay u muuqatay in ujeedkiisu uu ahaa inuu dhax quuso badda baaxadda weynleh ee basaasnimada guntana soo taabto iyo inuu halistaa iyo qar iska tuurkaas daahsoon uu ku noolaado, in magiciisa lagu qoro sooyaalka sirdoonka adoonka laakiinse magacee loogu qoraa, Rodolf Gelin mise Charlie Pear, mise John York, mise Ivan Turkinov, mise Earnest Pollard qof sheegi kara kee sax ah ma jiro ilaa maantadaan, warkiisiise intaas kuma dhamaan oo waxaa iska soo daba dhacayay warbixino kala gadisan ee sheegaya in meelo badan lagu arkay sida Moosko, Waarsow, Berlinta bari, qaar waxayba xaqiiyeen inuu la taliye dhica nabada ugu shaqaynayay Bakiin Shiinaha, iyo bariga dhexe balse wax la hubo oo laysku halayn karo maahayn, Pollard markaan kama danbays buu u dhuuntay wuxuuna ka tagay sooyaal aan sirdoonka aduunku eray ka sixi Karin, meel uu aaday cid taqaan maleh, meel uu ka yimidna cid taqaan maleh, balse waxaa la ogyahay inuu ahaan doono basaas aan noociisa oo kale uusan jirin waxuu ahaan doonaa basaas daahsoon basaas summad laawaa.
DHAMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply