BASAASKII POLLARD-Q-3

Sidii caadada u ahaydba [Mi6] waxay fatasheen meel kasta si ay u helaan wax ku saabsan Pollard. Ilaa arrin kadis ah ay timid oo ah maalin maalmaha ka mid ah in nin ka mid ah sirdoonka Faransiisaka oo faransa ka soo cararay markii Kalmalku qabsaday oo hadda u shaqeeya [Mi6] ayaa asagoo faylal baaraya indhihiisu waxay qabteen sawirkii Pollard, markaasuu asagoo yaabn si kor ah waxuu yiri
“Charlei Pear ahaa maxuu halkaan ka samayn?”
Shaqa wadaagiisii ingriiska ahaa ayaa ku yiri
“ma taqaan ninkaan?”
“ haa annaguu noo shaqayn jiray oo noojoogay Jarmalka balse markii baariis la qabsay warkiisii waan weynay”
si dagdagsiimo ku jirto ayaa loogu yaacay qolkii uu ku xirnaa Pollard si arrintaan wax looga weydiiyo balse wa aysan filayn ayay la kulmeen, qolkii u ku xirnaa Pollard waa cidlo maba uu ku jiro, Ingriiskiina arritii cirkay isku shareetay waxaa la galay raadinta basaaska baxsadkaa, isla xilligaa niman khubara ah ayaa ku dhex jiray qolkii Pollard ka fakaday oo rabay inay ogaadaan sida uu uga baxsasay meeshii uu ku xirnaa waxayna ogaadeen in uu adeegsaday haraagii cunada loo keenayay si uu u halleeyo illinka taasna ay keentay in iridku uusan si fiican u xirmin.

Dhaqtarkii cilmi nafsiga oo markii hore arkay Pollard wuxuu sheegay in ninkaan garaadkiisa garashadu uu aad u sareeyo oo dadka kale dheeryahay ilaa affar darjo taas oo ka mid dhigtay inuu la garasho garaad ahaa [Einstein] basaaskii garaadka badnaana meel uu jaan iyo cirib dhigay waa la waayay iska daa ingriiskee yurub oo dhan waa laga waayay.

Gu’yaalkii dagaalka ee is daba joogay markay dhamaadeen oo isbahaysigii uu guulaystay arrintiina dagtay ayaa ingriisku helay gal warbixinneed Pollard oo dhan suuradiisuna ku dhagan tahay asagoo dhoolla cadaynaya, muuqaalkiisuna uu u ekaan karo wadamo kala duwan dadkood sida Faransiis, Ingriis, Jarmal, xataa Ruush uu u egyahay, magaca ugu qoranna wuxuu ahaa Charlie pear ku dhashay Mersiliya Faransa, in kastoo Pollard la waayay hadana Ingriisku waxay isku mashquuliyeen inay wax ka ogaadaan waxayna aad u baareen faylkiisii iyo wixii warbixin ku qornayd oo laga heli karay, waxayse la kulmeen arrin jug ku noqotay waayo wixii warbixin ahaa oo dhan waxay ahayd been abuur aan waxba ka jirin Charlie pear qof la dhaho oo sirdoonka u shqaynayay ma jirin,Mersilia iyo Baariis iska daaye Faransa oo dhan ma jirin , isweydiimihii ayaa dib u soo laabtay, Pollard waa kuma? Dhalashadiisu waa maxay? Yuu yahay? Intii lagu howlanaa weydiimahaas ayaa waxaa Maraykanka ka yimid warbixin si kooban u ornaysa John York [Pollard] halkan ayuu joogaa.
Maraykanku waa diideen waxayna u sheegeen Ingriiska inaysan aqoon qof la yiraahdo York qof xataa u eg tilmaantaa xataa uusan ku jirin faylashooda, laakin Ingriiska warkaas ma marin waayo tiftifka u soo diray warka waxuu ahaa mid lagu kalsoon yahay magac iyo muunad na ku leh basaasiinta ingriiska mana dhici karto in warkiisa laga shakiyo waligiina wuxuu soo diray lagama shakin, sidaa darteed waxaa ingriisku ka dalbaday inuu warar dheeraya raadiyo oo arrintaan ku saabsan.

Xilligaas maraykangu wuxuu aad ugu howlanaa samaynta [CIA] da hay’da sirdoonka Maraykanka, waxayna u baahnayd qof kasta oo waaya arag u ah basaasnimada xataa maxaabiistii jarlmaka ee basaasiinta ahaa waa ka faa’iidaysnayeen, qof kasta oo wax uun u tari karna waa rabeen, dadkii shaqo doonka ahaa ee u tagay [CID]da waxaa ka mid ahaa pllorad oo watay magaca hada loo yaqaan Earnet Pollard, ilaahay amarkii maraykankii waa rumaysteen waraqihiisii iyo asagaba, waxaana lagu qaatay inuu tababare u noqdo kooxaha cusub ee ku soo biiraya hay’ada, wuxuuna muujiyay dadaal iyo in uu howshiisa aad u yaqaan kana soo bixi karo, toban sanana arrintiisa cidi ma ogaan, inkasta oo oo uu nolol daggan ka samaystay Markaykana, bulsho cusubna dhex galay xiriirna la smaysatay raga sare oo awood ku leh dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadaba, hadan Ingriisku waxay ku adkaysaneen in uu joogo Maraykan uuna u shaqeeyo, wax badanna waa uga digeen maraykanka, sibaase maraykanku u aaminay Pollard oo kalsooni buuxda ayay ku qabeen sidii uu waligii u shaqaynayay oo kale, waxuu tababaray da’ cusub oo sirdoonka maraykanka ah oo hormuud u ahaa [CIA]da oo markii danbe aad caan u noqotay, boos sarena waa uu ka galay Pollard aduunka sirdoonka .
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply