Cid taqaanay ma jirin goormee iyo xagee ayuu ku dhashay Ernest Pollard, balse magaciisa inuu yahay kan loogu yeero xataa lama hubin, markii u horeeysay ee uu Jarmalka ka soo if baxay Ernest waxuu ahaa nin dhalinyar oo aad u firfircoon aadna u taagera lana dhacsan fikaridihii hogaaminyihiisa Adolf Hitler oo ahaa hoggaamiye cod kar ah ayna u riyaaqeen dadkii Jarmalku xiiso iyo xamaadsana hadalladiisu ku beereen, hantiyayna garaadkii dhallin yarada yurub inta badan, war warna ku abuuray madaxdii yurub oo wadnaha farta ku hayay isna weydiinayay maalmaha soo socdaa maxay xanbaarsan yihiin, baqdinna galiyay aayaha yurub oo dhan, xilligaas Pollard magaciisu waxuu ahaa ama loogu yeerayay Rodolf Gelin xubbinna wuxuu ka haa xisbigii Naasiga, aadna wuxuu u soo jiitay indhihii iyo caqligii dadka ayagoo la yaabanaa firfircoonidiisa iyo sida fudud ee uu saaxiibada u kasbado, bulshadana u dhex galo ama ugu dhex milmo iyo sida uu u faafiyo mabaadi’da xisbiga, sidaa darteed waxaa qabtay indhaha madaxda xisbiga, waayo xisbigu waa u baahnaa dhalinyaro asagoo kale ah oo soo jeedan kara malaayiin dad ah si loo galo dagaalka la qorshaynayo oo Jarmalku rabo inuu yurub oo dhan ku qabsado. Habeen habeenada ka mid ah [Pollard] asagoo u socda gurigiisa oo ku yaal hareerta Berlin ayaa waxaa is taajiyay nin buuran oo ku yiri
“Waqti ma haysaa inaan arrin yar ka hadalnaan rabaaye?”
Asagoo argagax iyo la yaab midna muujin ayaa Pollard weydiiyay
“Maxaan ka hadlaynaa?”
ninkii intuu dhiciisa u soo jaleecay ayuu dhagta ugu sheegay
“Arrin Jarmalka oo dhan dan u ah”
si daggan intuu u fiirshay ninkii oo sii dhaqaaqay ayuu ku yiri
“kaalay”
Ninkii sirdoonka Jarmalka ka socday aad ayuu ula yaabay dhaqanka Pollard, blase waa daba galay asaga oo aamusan ila ay ka gaareen gurigii yaraa oo Pollard daganaa markaas baa ninkii yiri
“Waxaan rabnaa inaad qaybta labaad ee soo socota naga mid noqotid”
Pollard intuu kursigii dib isugu tiiriyay oo fadhigii qaabaystay ayuu yiri
“Idinka oo ah? Qaybta labaadse waa maxay?”
ninkii intuu dhoola cadeeyay asaga oo wajigiisa ay ka muuqato sida uu ula dhacay geesinimada Pollard iyo dagaanshihiisa ayuu si dhab ah u yiri
“Weydiintaada qaybta labaad jawaab kama helaysid siiba xilligan la joogo, balse su’aasha koowaad tan ayaa kuu jawaab ah”
oo inta jeebka jubbad gacanta galiyay ka soo saaray aqoonsi oo u dhiibay Pollard oo ka akhiriyay magaca sirdoonka Jarmalka oo inta dhabnnada qabsay Pollard yiri
“Ma waxaad rabtaan inaan idiin shaqeeyo”
Dhoolla caddeyntii ninka buuran intay sii ballaaratay ayuu yiri
“Hadalka saxdaahi waa inaad nala shaqayso , waxaa si gaara kuu soo doortay hoggaanka sare ee sirdoonka si aad nooga mid noqoto”
qof kasta oo dhallin yaro ah riyadiisa ayay ahay inuu kamid noqdo basaasiinta Jarmalka oo naftiisa u hore dalkiisa iyo hoggaamiyaha, waxaase yaab ku noqotay ninkii buurnaa markii uu yiri Pollard
“Inaan ogolaado ma igu qasab baa”
Buurane intuu Pollard si fiican u eegay buu asaga oo amakaagsan kor u yiri
“Waxaan kuu soo ban dhignay waa inaad ku biirto basaasiinta Jarmalka… dalkaaga inaad wax u tartid ma rabtid miyaa?”
Pollard baa si dhaqsa ah ugu hadal celiyay
“Diyaar waxaan u ahay inaan naftayda u huro dadka iyo dalka Jarmalka, balse dabeecadaydaa ah shaqooyinka ma jecli”
Buuranaa ayaa markaas yiri
“Tan shqo maahan caadiya”
“Balse waa shaqo waxay tahayba” baa Pollard yiri, habeenkii in badan baa gudbay intay is jiijiidayeen, ugu danbayntii Buurane asagoo amankaagsan ayuu tagay hubana inuu arrintaan u gudbin doono madaxdiisa balse aan ogayn sida dhaqankoodu noqon doono waayo sooyaalak Jarmalka ma dhicin in qof diido ku biiridda basaasinta, waxaase yaab kale ku noqotay markii madaxdisii ay si dagan u aqbaleen wixii dhacay, balse waaba ka sii heleen ninkaa dhallin yaradaa ee Pollard la leeyahay.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply