Basaaskii Fritz cadres Q-3

 

Sidii caadada ahaydba dib ayaa loo fiiryay Fritz iyo arrintiisa , baaritaan culus, baaritaankaas oo waxyaabo badan oo cabsi iyo halis leh lagu arkay,  waxaa la ogaaday in Fritz  uuba ku jiray ganacsi iyo kala iibin waxaan jirin intaas oo dhan, indhaha sirdoonka Jarmalka oo shan ahna uu beentaas ku shaqaysanayay.

Go’aankii ka soo baxay baaritaankaas, sirdoonkii Jarmalku waxay is tuseen in uu yahay basaas Soofiyeeti waxaana soo baxay go’aan ah in lays dhaafsho asaga oo dhan,

Markii go’aaskaas laga gaarayay asaga, ayaa waxaa dhacay isku dayid dil oo dhicisoobay oo lala beegsaday Hitler 1944 oo ay ka mid ayaaheen dadkii waday saraakiil sare ee sirdoonka Jarmalka, amar ayuu soo saaray Hitler lagu baabi’inayo sirdoonka Jarmalka oo meeshiisa la galinayo sirdoonka Naaziyiinta, kaas oo booskii buuxinaya, burburkii sirdoonka Jarmalka waxaa la burburay galkii warbixineed ee Fritz gabi ahaan,

 

Waxaase yaab lahayd in sirdoonka Naazigu ay koolkoolinayeen Fritz oo ay u haysteen basaas aan noociisa la helin, waxaana loo badalay xafiika ay ku lahaayeen Hangeeriya ayada oo ay xaaraan tahay in qof isirkiisu lug ku leeyahay Yuhuud shaqo laga siiyo basaasiinta, balse go, aankaas Hitler ayaa gaaray waxayna ahayd markii u danbaysay ee ay labadoodu is arkaan.

 

Jarmalkii waa jabay, hoggamiyahoodii waa is dilay, mar kalena Fritz gacanta ayaa lagu dhigay, balse markaan maraykanka ayaa qabatay ayagoo ku eedaynaya inuu ahaa basaas Naaziyiinta oo waliba halis ah,  balse Fritz wuxuu muujiyay inuu yahay xeel dheere dhargar yaqaan ah oo kaba daran torkol , waayo wuxuu maraykankii ka dhaadhiciyay inay sii daayaan oo waliba ay shaqo u diraan si uu u soo dhagro Soofiyeetka, Soofiyeetkuna dabinkii waa ku dhacay.

 

Waxay ula dhaqmayeen sidii nin ka mid ah, asna warkooda ayuu qaadayay oo uu u gudbinayay maraykanka, torkol baase  dareemay oo u sheegay Soofiyeetka, ciil iyo caro ayaa cirkaa isku shareertay waxayna go’aansadeen in ay ka aarsdaan Fritz intay rabto ha ku qaadatee.

 

Febaraayo 1946 koox sirdoonka Soofiyeetkaa ayaa u labisatay sida ciidanka maraykanka rabayna inay ka soo afduubaan Fritz bartamaha viyeena waase dhicisoowday taas, oo hal saac ka hor ayaa maraykanku ogaaday qorshaha Soofiyeetku wato oo dhicisiyeen, saasna uu ku badbaaday Fritz, inkasta oo uu badbaaday haddana si fiican ayuu u gartay waxa socda iyo waxa dhici kara.

 

In kasta oo aad loo ilaalinayay hadana maalintii labaad Fritz waa la waayay meel uu ka baxay, lama garanayo sida ninkaa gaaban ee buuran uu uga fakaday ilaaladaa xoog leh, balse waxaa muuqatay in laysku hawlay sidii dibada cid uga timaada looga ilaalin lahaa ee aaban laga fakarin inuu baxsado.

 

Labadii dhinacba caro ayay la karkareen, maraykanka iyo Soofiyeetkii, waxayna raadis u galeen basaaskaan la waayay oo jaan iyo cirib meel uu dhigay aan la ogayan sidii uu dhulku laqay ama uu hawada ku milmay, markii la waayay oo laga quustay in la helo ayuu ka soo mudh yiri viyeena oo maraykanka u bandhigay inuu u shaqeeyo, cosdigiisii waa diideen oo markaan inay iska ilaaliyaan ayay go,aasadeen, balse si qunyar socodnima ah in loo waraysto ayaa la rabay, Fritz mar kale ayuu dhuuntay intaan nabad suggidii warsan lahayd soo gaarin, caradii maraykangu waali ayay isku badshay meel kastana waa ka raadsheen basaaska buuran oo dad oo dhan si fudud u siray.

 

Firtz waa la barbar dhacay maraykanka oo cid war danbe ka maqashay maleh sidii qof aan jirin oo kale oo aaban dhalan ayuu noqday dunida korkeedaba waa laga waayay si kasta oo loo raadshay.

DHAMMAAD

Diyaarye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply