Basaaskii Fritz cadres Q-2

 

Bilowgii 1942 laga soo bilaabo waxaa wartabiyaha Fritz ka soo burqanyay  war bixinno qiimo leh oo hambaarsan sirta Soofiyeetka oo suura galisay in ciidanka Jarmalku uu gaaro guulo dhowra, taasna ay raynrayn  iyo layaaba ku beertay madaxdii Naaziyiinta si aan horey loo arag.

Aragtidooda Fritz dhab ahaan wuxuu noqday basaas dahab ah, waxaanse cidna ayasan ku fakarin waxay hayd in Soofiyeetku uu huray guutooyin dhan baaba’ooda iyo qalab ciidan oo qaaliya si ay u geeyaan basaaskooda meel fiican  oo  u soorto galin karta in ay gaaraan higsigooda majaxaabiska ah.

Dhammaadkii jilaalkii 1942 Fritz wuxuu gaarsiiyay Jalmarlka war bixin halis ah oo oranaysa Soofiyeetku wuxuu weerer ku qaadi rabaa guutada lixaad ee ciidanka Jarmalka ee Stallingrad ku sugan, waxaana qof ahaan soo amaray Stalin soona faray intay rabto ha qaadato ee waa in la jabiyaa guutadaas, waxaana ku kabnaa warbixintaas inta urur ciidan ka qaby galaysa dagaalkaa, qorshaha ciidanka habeen gurmadka ah ee gudbaya webiga Volga, magacyada sarreeye guutayaasha ciidanka wata oo ka mas’uulka ah ka cayrinta jalmalka magaalada Stalingrad.. sida uu sheegayna warbixintaan wuxuu ka helay saraakiil sare oo tan iyo Stalin qudhiisa ag jooga.

Tani waxay ahayd dhagar aad u weyn oo Soofiyeetku maleegayay, balse in kast oo warbixintaas ay dhab ahayd haddana waxaan ku jirin in marka hore si qumaatiya uusan Soofiyeetku u garaacayn ciidanka lixaad ee Jarmalka balse ay ka samaynayan marka hore dhaqdhaqaaq dhinaca bari iyo kan galbeed ee magaalda, lana burburiyo aagagga Hangari iyo Roomaaniya ee Jarmalka la jira markaas ka dib go’doon la galiyo ciidanka lixaad ee Jarmalka.

Hal bil gudaheed waxaa kala daatay iska caabintii ay wadeen ciidan lixaad oo tiradiisu ahayd rubuc milyan Jarmal ah, intii dhimasho ka badbaadayna waxay isku dhiibeen ciidankii Soofiyeetka, taasna waxay ahayd mid ka mid ah guulihii ugu waaweynaa ee Soofiyeetku dagaal ka soo hoyo.

Jabkaas ka dib waxaa bilooday dhaq dhaqaaqyo ka shakisan daacadnimada Fritz iyo Jarmal ahaantiisa, balse qaarbaa si cad ugu eedeeyay inuu yahay basaas Soofiyeeti. Mar kalese waxaa is muujisay xeel dheerida Soofiyeetka, dhagarta  iyo hibada garaad ee Torkol oo ku qanciyay jalmalka in warbixintii Fritz ay ceeb ka saliin ahayd, balse ismaan dhaafku ka imaan karo dadkii faah faahinayay ee warbixinta u kuurgalay, taasna waxay ula ekaatay Jarmalka wax maan gal ah, dawac dhagar badan uu yahay Torkol waxaa u suurto gashay  inuu dhowro kalsoonidii jarmlku oo ku qabay Fritz.

Kalsoonidii lagu qabay Fritz waxay socotay tan iyo 1944

gugaas Fritz wuxuu soo gaarsiiyay hogaanka sirdoonka Jarmalka in hoggaanka sare ee Soofiyeetku ay go,aan ku gaareen in weerar culus lagu qaado ciidanka Jarmalka ee koofurta Okraaniya jooga, ayada oo la tixraacayo warbixintaas halista ah iyo ayadoo la eegayo warbixinnada Fritz oo markasta sax ah ayaa Jarmalku ciidankiisii iskugu geeyay Okraaniya si ay ugu diyaar garoobaan duullaanka Soofiyeetka.

Dagaalkiina waa dhacay balse koofur kama dhicin, ee biriq oo kale ayuu uga dhacay aaggii dhexe ee ciidan Jarmalka oo lix boqol oo km ka fog meeshii laga filayay, nus milyan ciidan Jarmal ah ayaa ku baaba’ay, aaggi dhexe ee Jarmalkuna waa burburay, burbur aan kabsiimo lahay oo waxa hor istaagay ciidankii Soofiyeetka aysan jirin ilaa uu bartamaha berlin ka galo markii danbe.

Diyaarye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply