Israa’iil hunguri waxaa galay ah in ay hesho naqshada dhismooyinka, sal dhigyada, garoomada ciidamada ee shirkadaan dhisto, si taas loo fuliyo Bahjat wuxuu muddo ka dheeraaday Mutuwali, asagoo u sheegay in uu ku howlan yahay ganacsi dibada ah, ugu danbayn wuxuu u sheegay in nin ka ay wax wadaagaan uu u baahan yahay in uu ogaado intee la egtahay aqoonta iyo xeel dheerida Mutuwali ,  wuxuuna ka dalbaday in uu u keeno oo u arko naqshay dhismeedka ciidanka si uu u fiiriyo oo uu u ogaado inta Mutuwali  khibrad iyo wax qabad leeyahay iyo heerka aqoontiisu joogto, mutuwlina waa ogolaaday waxuuna farta ka saaray naqshado badan oo sir ciidan ah oo in la bixiyo aan la ogolayn, balse wuxuu gaaray heer uu u fahfaahiyo dhimooyinka ay hadda wadaan oo xariiqda dagaalka iyo meelo kale, gaar ahaan ku jeedka badda, basaas xeel dheer uu yahay Bahjat wuxuu weydiimo badan weydiiayay seedigii, waana uu qorayay hadalada Mutuwali , wuxuuna tallaabo tallaabo ugu gudbinayay Albert, oo asagu aan joojin soo wad soo badi dalbasho ah.
Jimcadii 22may 1969 aya Bahjat ku laabtay Jarmalka asagoo xanbaarsan liis dheer oo ah weydiimihii israa’iil iyo jawaabihii Injineer Mutuwali, wuxuuna u sheegay Mutuwali  in ogolaanshahii shirkadiisu dhowday oo lagu qaadan doono mushaar ah 200 oo gini, xilligaas musharka uu ka qaadanayay dowladana 25 gini ayay ahayd.
Mutuwali  wuxuu aad urabay in fursadaan aysan ka fakan wuxuuna u sii hanqal tagayay barwaaqada u soo socota, wuxuuna kenayay tobbonaan naqshadood oo wada sir ah oo dhimayaasha ciidamada ah iyo warbixinno aad halis u ah, Bahjatna guri kale oo u kiraysan ayuu ku keydinayay si uu Jarmalka ula aado., si uu u sii weyneeyo shabaqiisa basaasiinta Bahjat wuxuu ku ag wareegay Jumca Khaliifa oo ahaa qareen qoyskooda la saaxiib ah oo uu ku soo jiitay in uu ka dhigayo qareenka shirkadiisa qaybta Masar, wiilkiisana wuxuu wax barasho ugu diray Jarmalka,  ugu danbayna wuxuu ku soo dhacay Jumca godkii basaasnimada, wuxuuna u duulay Jarmalka, indhihiisa ayuuna ku soo arkay wiilkiisii oo jaamicada Injineeryada dhiganaya, wuxuu dhowr kulan la yeeshay Albert, waxayna ka wada hadleen sharci ahaan waxa ka hor imaan kara shirkada, Albert wuxuu ogaaday in Jumca uu xariir fiican la leeyahay rag meela sar sare haysta wuxuuna u xil saaray in uu raadiyo saraakiishii sar sare ee howl gabka noqotay si ay shirkada ugu shaqeeyaan la taliyayaal ahaan, ujeedkuna wuxuu ahaa in la abuuro shabaq tif tifnimo ayada oo loo sii marayo saraakiishaas oo la sheekaysigooda laga helo sirta ciidanka, ayaga oo aan war ka hayn in ereygii aan ay dhahaanba Mossad la gaarsiinyo.
Hoggamiyaashaas ciidan waxay Bahjat u ahaayeen, riyo u rumowday, waxaa ka soo burqan doona warbixinno aan dhammaad lahayn, wuxuuna siin doonaa mushaarooyin hoose marka loo eego inta jeebkiisa galaysa.
Xilligaas xaaskiisa Ingrid waxay ku noolayd Jarmalka oo ay ku dhex jertay nolol sare, guri weyn oo meel fiican ku yaal, fatuurad ay ayadu wadato oo ford ah, ayada iyo saaxiibadeedana ay ku dhafraan gurigeeda aad u malaysid matxaf waxa yaala dhexdiisa, aadna ugu faanaysa ninkeeda ganacsadaha hodmay ah oo maal iyo jacayl iyo hadiyooyin qiima badan ku hafajiyay.
Guushii dagaalkii 1967 israa’iil waxay aad dacaayad ugu fidsatay in ciidankeedu uu yahay mid aan la loodin kari, diyaaradaheeda  dagaalkuna waxay dul buubi jireen xariiqda dgaalka laga bilaabo waqooyi kanaalka suweys, koofurna loo gaaro gacanka suweys, isla xilligaas ciidamada kumaandooska ah ee hawada ka imaanayay ayaa howl gallo dhowr ah ka fuliyay ciida Masar, waxaana muuqtay kala daadsanaan iyo awood iska caabin la’aan dhinaca difaaca cirka ee Masar, Jamaal Cabdi naasirna waxaa ku dhacay wadne xanuun.
Kowdii bishii 11 ee 1968, diyaradaha qumaatiga u kaca ee israa’iil ayaa soo gudbay difaaca cirka ee Masar oo yimid halka la yiraahdo Xamaadi, waxayna burburiyeen saldhiigii danabka taas oo keentay in dabkii ka go’ Qaahira iyo aaga badda ee waqooyi, ujeedka howlgalkaasna wuxuu ahaa in khal khal la galiyo tamarta Masaarida.
Basaaska Bahjatna farxad ayaa buuxin jirtay marka uu maqlo diyaarad israa’iil baa garaacday ciidan Masaariya awood ay ku joojiyaana waa ay waayeen hoggamiyaashii, meelo badan ayaana israa’iiliyiintu duqeeyeen oo ay ka mid tahay burburintii agabkii ciidamada badda ee Iilaat, intaas o dhanna dicayaada Yuhuudu waa socotay oo Carabtii neefta ku dhajisay, kuna faaneen Yhuhuudu in Carabtu ayasan ku dhicin in ay dagaal weyn la galaan israa’iil oo ay ku khasaarayaan.
Markii ciidanka Masaaridu uu ku howlanaa dib is ku dubba rid, ciidanka sirdoonku wuxuu ilaalsanayeen dhaq dhaqaaqa Bahjat Xamdaan, kaas oo Masar yimid 12 jeer kuna laabnayay Jarmalka, waxayna dareemeen sirdoonkii in la kulankiisa uu la kulmayo seedigiis iyo Jumca iyo saraakishii ciidamada ee hore ay badatay.
Muddo markii dusha laga eegayay dhaq dhaqaaqiisa waxaa u soo baxay sirdoonkii in ay jirto shabaq basaasnimo oo uu hoggaminayo Bahjat, 2 may 1969 sarta sirdoonka gudaheeda Bahjat waxaa lagu eedeeyay basaasimo, saacada gudohoodna waa uu isku dhex yaacay oo wax walba qiratay, sheegayna qaybta uu ka qaadatay iyo qof walba oo ku jiray shabaqii basaasnimada.
Isla daartii sirdoonka waxaa laga wacay Albert oo loo sheegay in dowlada Masar ay oggolaatay qandaraaskii in la siiyo lana sugayo in uu yimaado oo uu saxiixo si shaqadu u bilaabato, lagana doonayo in uu si dhaqsa ah Masar ku yimaado, markii u yimidna raggii sirdoonka ayaa Jaran jarta diyaada ku sugayay.
Intii baaritaankii shabaqaan basaasiinta ah lagu jiray waxaa kadis ku noqday Bahjat, in uu u sheegay gaashaale sare Ismaaciil Maki, in sarkaalka basaaska u ah israaiil Bota uu yahay yuhuudi Masri ah oo ku noolaa Aleksadariya, dalkana uu ka tagay 1956, kuna shaqay jiray dallaal saylagda ganacsiga ee suufka.
Hal gu’ markii ay ka soo wareegsatay qabashadoodii waxaa soo baxa go’ankii maxkamada, oo Bahjat Xamdaan waxaa lagu xukumay madaxa ha ku furto iyo shaqo culus, waxaana dilkii ka badbaadiyay dhalshada Jarmalka ah ee uu watay, basaaskii Mossad, Mutuwali iyo qarenkii Jumca kiiba shan sano ayaa lagu xukunay.
DHMMAAD
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Americo
Leave a Reply