Gu’gii 1967 sirdoonkii Mossad waa hubsadeen in basaaska qarsoon Bahjat Xamdaan uu noqday mid wax badan ka bartay arrimha ganacsiga adduunka iyo shaqada sayladaha lacagaha, dhalashadiisa Jarmalka ahna ay u horseedayso in lagu kalsoonaado markii uu dhex galo sayladda ganacsiga ee bariaga dhexe oo aan tuhun iyo dhib toona ka hor imaanayn.
Howshiisii wuxuu ka bilaabay inuu la xariiro shirkadda shidaalka ee Masar, oo uu u soo banhigay in shidaalka Masar uu u soo dhoofiyo asaga oo ka wakiil ah shirkad Jarmal ah, wuxuuna u socdaalay Masar si asaga iyo shirkadu u wada hadlaan.
Guuldaradii 1967 Masar dhinac walba wa ka samaysay, dhinac ciidan, dhaqaale, siyaasad, aabihiisna wuxuu u sheegay in uu ku khasaaray ganacsigii, Bahjat wuxuu qoyskiisii ku waalay hadiyooyin qaali ah markasta oo uu Masar uu u yimaado wada hadalka shirkadda.
In kasta oo uu ku guuldaraystay la ganacsigii shirkada shidaalka ee Masar, haddana Bota hoggaamintisii wuxuu u jeediyay in Bahjat uu ka ganacsado hubka, waxna waa laga baray dhinacaas, wuxuuna ku dhaqaaqay sidii uu Carabta uga gadi lahaa hub gaar ahaan xilligaas oo goobtaas loolan ka jiray.
Fikardaas aad ayuu ula dhacay, wuxuuna ka bilaabay urdun si uu hub uga iibiyo balse urdun waxay u sheegtay in aysan ka gadan hubka xiriiriye ama dallaal ee ay toos uga gadato dowladaha, wuxuu ku laabaty Masar uu ku hanweynyahay in markaan uu ku guulaysto, wuxuu la kulmay xil hayayaal sar sare una bandhigay shaqadiisa iyo sida uu u qabnayo iyo meelaha uu ka soo dhoofinayo hubka iyo agabyada kale, wxuu ku naxay in ogolaansho horu dhac ah ay ogalaadeen mid ka mid ah intii uu soo bandhigay, waxay ku xireen in uu u soo gudbiyo caddaymo ku saabsan shaqooyin hore oo uu soo qabtay.
Bota wuxuu aad ugu xeel dheeraa sida daah ama gabbaad basaasnimo loo sameeyo oo qofku gadaashiisa isku qariyo, wuxuuna sameeyay shirakad saamilay oo aan jirin oo sidata magaca “nord baw” ee dhismaha iyo qalabaynta ciidamada, oo uu maamule ka yahay Bahjat Xamdaan, madaxna uu ka yahay Albert Fritz, sarkaal Mossad ah waa sita baasaboor Jarmal ah, daahaas loo sameeyay gadaashiisa Bahjat waa ku nabad galayaa lugahana dhulka u dhigan si fiican oo ka nabad galayaa tuhunka sirdoonka Masaarid oo ayagu wax kasta tuhun ka qaba.
Bahjat wuxuu tusay una sheegay Bota halka wax u maryaan asaga iyo Masaarida, waana uu hubay in uu tan ku guulaysanayo oo tobonnaan kun oo doollar ka heli doon, Botana waa ugu hambalyeey, wuxuuna siiyay waraaqo been abuur ah oo cadaynaya in uu hawshaan horay u qabtay, Bhajtna wariqihii wuxuuna tusiyay dowladii Masar, markaanse waxaa horay Masar ugu sii racay oo la codsaday Albert si uu dowlada kala hadlo qiimaha.
Masaaridii waxay ka dalbadeen in ay u keenaan wax ka mid ah qalabka ay iibinayaan iyo 20 kun oo doollar oo looga haynayo caymis ahaan, kala gadidiinkiina guul ayay ku dhamaatay ka yaabisay israa’iiliyiinta, waayo basaaskoodii wuxuu hantiyay kalsoonidii Masaarida, ayagoo Masaaridu u arkaya inuu yahay Masri dalkiisa inuu u adeega doonaya.
Mossad waqti iskama lumin waayo xaalada Bahjat ku jiro Qaahira ayaa ku kaalamaynaysay inuu nabad iyo si hufan oo dhaso ah u shaqeeyo, wuxuuna Mossad u noqday maal gashi fiican, war bixinno qudha maahane wuxuu abuuray shabaq weyn oo uu ku soo xira galiyo dad badan.
Markuu hareerihiisa eegay oo shabaqiisa daadsan rabay qofka u horeeya ee uu rabay inuu ku soo dhaco wuxuu ahaa seedigii walaashiis qaba, Mutuwali Mandoor, ee u shaqeeya shirkada qandaraasleeyada Carabta ee aagga Qaahira, tabartiisa dhaqaale oo xumayd si fudud ayuu dabinkii ugu soo dhacay Mutuwali , ayada oo Bahjat uu u sheegay inuu shaqa fiican oo dibadda ah siindoono asaga oo saxiibkiis Albert la kaashanaya, waasea marka ay howshooda Masar ay ku guulaystaan.
Sidaa darteed Mutuwali wuxuu noqday adeege Bahjat, oo si uu kalsooni uga helo wuxuu tusiyay waraaqo dhismayaal sir ah oo qandraaslayaasha Carabtu dhisyaan.
la soco qaybta kale
Walaal waan soo dhaweynaynaa qoraalladiina, sheekooyinkiina, buugtiina, waana ku soo bandhigayna website ka akhri.so,
Turjume
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply