BASAASKII BAHJAT XAMDAAN Q-4

 

Sidaa darteed waxa uu ku casuumay casho, makhaayad heer sare ah, halkaasna uu ku baray George Simon, basaas Mossad ah balse isku sheega inuu yahay ganacsade, sheeko dheer oo dhinacyo badan oo Masar ku saabsan taabanaysa sida ganacsiga, dhaqaalaha ayay yeesheen, tan iyo intii sheekadu la gashay ”mashruuca shanta sano”.

Simon kadis ayay ku noqotay markii Bahjat u sheegay in uu galal dhan oo warbixina ah ka hayo mashruucaas oo ay Qaahira u yaalaan oo warbixino halis ah ee dhaqaale ku jiran. dhowr habeen markii golayaasha cawasyska la tagay-dabcan lagacta Mossad lugu tumanayay- oo uu si fiican Simon ugu fiirsanayay meelaha uu u jilicsan yahay Bahjat, ayaa waxaa u soo baxay in ninkaan uu aad u jeeb maran yahay, lacag caabudna uu yahay, wax kastana uu u samaynayo si uu lacag  helo.

Sidaa darteet dhib mahayn qabashada Bahjat marka loo eego  hanti jacaylkiisa iyo shaqa la’aanta haysay, warkiina waxaa soo af jaray tel aviv, oo hadalka ka yamid uu ahaa

” Waa loobaahanyahay, tif tif ha laga dhigo, lacag kasta oo ay ku kacdo”

lacag badan maahayn lacagtii lagu qabsaday Bahjat oo basaaskii Mossad wuxuu siiyay 500 oo farank, una ballan qaaday in uu shaqo fiican u helayo, haddi uu warbixin fiican ka qoro ”mashruuca shanta sano” iyo dhibaha dhaqaale ee horyaal dowlada Masar, tana waxay ahayd tallabadii ugu horreysay ee lagu soo dabay Bahjat.

 

So dabid basaas cusub waa tan ugu halisan ee ay arkaan sirdoonadu, bilowga horeba ninka sirdoonka aad ayay u adagtahay in uu qof soo xera galiyo, waayo, laga yaabee qofka uu rabo in uu soo xera galiyo in uu dhagar wato, oo markaas asaga la ogaado.

Sidaas darteed xiriifnimadu qayb weyn ayay ka qaadataa howl galka carbinta iyo soo helida basaas cusub, waa in qofka sirdoonka ahi uu hubaa xaaladda, waa in uu ilaaiyaa hadalkiisa oo xilliga ku haboon uu u bandhigaa qofka la soo xera galinayo.

Simon si dacay  uusan uga fakan ugu  qabto Bahjat, wuxuu is arag u habeeyay Bahjat iyo xoghayntiisa aadka u qurux badan, xeeshaan raaxada lagu soo dabo basaasiinta cusub Mossad waa kaga dunwan tahay sirdoonka adduunka intiisa kale, siyaabo kala gaddisana waa u adeegsadaan, mar video laga duubo howl galmo oo socota, ama laga duubo hadal siyaasad ah, qofkana markii loo bandhigo  ama la tuso ama la maqashiiyo wixii laga duubay wuu isku dhex yaacayaa oo is dhiibyaa asaga oo siyaabo kala gaddisan u diidaya in la ogaado faraha laga hayo, sidaa darteed qofku  sina ugama fakan karo dabinka caynkaas ah.

Bahjatna markii uu arkay aflaantii asago oo qaawan iyo asga oo caynaya madaxda Carabta dhidid ayaa ka yimid, meel uu wax ka qabtana ma joogin, wax uusan filayna waa ku dhaceen.

Markaan ciyaartii waa cadaatay oo kii wax gaadayay iyo kii la gaadayay waa is ogaadeen oo wax walba banaanka ayay yimadeen, qorshuhuna wuxuu ahaa in Bahjat u duulo Farankfort halkaasna uu Masar uga sii duulo oo markaas ka dibna la sameeyo shaqadii uu ku daba dhuuman lahaa ama gabbaad ka dhigan lahaa.

Basaaska cusub wuxuu ku dagay hotel markii uu farankfort tagay, waxa uuna wacay xaaskiisii ingrid oo u timid wuxuuna u sheegay in ay isbarteen nin ganacsade weyn ah oo shaqo uga helay sayladda lacagaha ee Masar, dhowr maalood markii uu hotelkii dagnaa waxaa u yimid Samuel Bota oo asagu xeel dheere ku ah shaqadaas iyo ganacsiga aduunka. Bota wuxuu bilaabay in uu baro Bahjat wax kasta oo ku saabsan suuqa lacagaha iyo sarifka lacagaha, wuxuuna baray rag badan oo ganacsato ah, wuxuuna u diyaariyay qaab uu uga soo bixi karo howlaha jaadkaan oo kale ah oo looga baahan qofka xirfad iyo maskax furnaan, waxa uu ku dadaalay ninkii sir doonka ahaa in uu abuuro ganacsade Masaari ah, wuxxu ku dalaadalay in uu howshiisa guul ka gaaro oo markii xilligu soo galo Masar loo diro oo uu si fiican u dhex galo dadka ganacsiga ku shaqaysta, oo bulshada qaybteeda sare dhex quuso iyo dadka jagooyinka sare jooga.

Sirdoonka israa’iil lacagtooda cidlo kuma bixiyaan, meel aan dheef fiican aysan ka soo galayn kuma lacag beelaan.

Waxaa sii socotay samaynta basaas xirfadle ah, Bahjat wuxuu u wareegay magaalda Bermen, halkaas oo Bota ku baray ragga shirkadaha shidaalka iyo ganacsato, muddana uu la shaqeeyay oo uu khibrad ka helay saxiibina ku kasbay, asag oo loo eegay inuu yahay nin Jarmal ah oo naag Jamal ah qaba.

Turjime

Suldaan Cali Adam Ameeriko

 

Leave a Reply