BASAASKII AQALKA MADAXWEYNAHA-Q-6

 

 

Tan iyo markii kooxdii sirdoonku galeen guriga Cali, madaxa sirdoonka Masaaridu kama uusan tagin xafiiskiisa, wuxuu tallaabo tallabo ula socday meesha xaal marayo tan iyo intii Nasiim ugu soo galay xafiiska oo salaan ciidameed u saaray, uguna bishaareeyay in wax walba wanaag ku dhamaadeen, durbadiiba madaxii siroonku waxa uu telefoon u diray madaxweynihii oo uu u sheegay, balse madaxweynihii wuxuu ku yiri waxaan rabaa inaan qof ahaan aan warka dhan ka maqlo Nasiim, labadoodii ayaa markaa isku raacay halka madaxweynuHu ku nasto ee ku taal aaga Ahraamta, Nasiimna wuxuu u sheegay oo u faahfaahiyay dhagartii dhaqtarka basaaska ah uu ku dhex jiray, iyo sidii loo qabatay iyo in caddaymo culus lagu hayo, Saadaat markaas wuxuu amaray in arrinta si qarsoodiya loo wado oo aysan war baahintu waxba ka ogaan.

 

20kii maalmood ee ku xigtayna waxaa socday qirashadii Cali ee danbiga, waxayna buuxisay qirashadiisii ilaa 1000 xaashi, balse maalmihii hore ee la waraysanayay Cali wuxuu ku adkaysanayay in uu hal gu’ uun uu la shaqaynayay Mossad, balse war bixinnadii sirdoonku waxay sheegayeen in tan iyo 1972 uu warka ugu dirayay qalabka isgaarsiinta ka dib markii la baaray qalabkii Cali haystay XILLIGII la qabtay, waxaana isku mid noqday hirarkii uu ka gali jiray iyo hirar ay dareemeen sirdoonku xilligaas balse meel lagu saleeyo la la’aa, waxaa ka mid ahaa walxaha lagu qabatay, qalab aad u yar oo muqaalka iyo maqalka duuba oo  samayn gaar ah ah oo jeebka lagu qaadan karo.

 

Intuu baaritaanka la waday xeer ilaliyaha guud ee dowladu wuxuu soo saaray 3 febaraayo 1979 amar looga joojinayo Cali, iyo xaaskiisa iyo carruutiisa in ay ku takri falaan hantidooda, ilaalin ayaana laga qabtay wax kasta oo ay lahaayeen, 1 Maarso 1979 maxkamada sare ayaa soo saartay in lala wareego dhamman hantidii Cali iyo qoyskiisa, waxayna dhamayd laba milyan iyo laba boqol oo kun oo gini.

 

Calina waxaa loo wareejiyay galkiisii lambar 4 maxkamadda sare ee dalka taas oo ku xukuntay dil dal dalaad ah balse madaxweynaha ayaa ka fududeeyay oo waxaa looga dhigay xukunkii 15 samo oo xarig iyo shaqo culus, waana uu diiday in uu sii daayo ama cid kale uu Israa’iil kaga badasho, in kasto oo asaga iyo madaxa wasiirada Israa’iil dhow jeer kulmeen xilligaas, si ay u hirgaliyaan nabad ka dhex waarta israaiil iyo Masar.

Muuqaal kale ee sheekada oo uu sheegay Dr Faaruuq.

 

Maalmihii u horeysay ee wada hadalka Masaarida iyo israaiil ee nabada ku saabsanaa, ayay Qaahira ku kulmeen, Saadaat iyo ra’iisul wasaaraha israaiil si kasdis ah oo aan cid dhowrayn ayaa  begin madax wasiirada isra’iil uga codsaday Saadaat in masaaridu ay ku soo warejiso Cali Cadfi, wuxuuna ku dary intaas in tan ay ka mid tahay shuruudaha Israa’iil, waxa uu gartay Saadaat in arrinta Cali ay buur gudban ku noqon doonto nabada la rabo in horey loo wado waliba asagoon diyaar u ahayn in maawadin Masri ah oo baasaasnimo ku eedaysan uu Israa’iil ku wareejiyo, gaar ahaa Cali Cadfi oo gurigiisa soo dhex istaagay, oo asga qof ahaan basaasay oo sirtiisii u gudbiyay israaiil balse laga yaabo inuu qorshaynayay in uu maalin dilo,

 

Sidii caada u ahayd Saadaat markii wax ka baaraandagid u baahan la weydiiyo wuxuu isku mashquuliyaa shidida beebkiis tubaakada asagoo arrintaas ka baaraan dagaya, wax yar ka dibna si dagan oo ka xumaasho ka muuqato ayuu begin ugu yiri:

“Dalbashada Cali waad la soo daahdeen, waan ka xumahay, oo Cali aroortaan ayaa la daldalay”

Madaxa sirdoonka Masar oo meesha fadhiyay fariintii si fiican ayay ugu daadagtay waana gartay ujeedka madaxweynaha, shirkii loo fadhiyay ayuu si tartiiba uga baxay oo xabsigii si dhaqsa ah ku tagay Calina la daldalay, isla durbadiina shirkii ku soo laabatay asaga oo madaxweynaha u sheegay wax walaba in ay hagaagsanyihiin.

DHAMMAAD

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

Leave a Reply