BASAASKII AQALKA MADAXWEYNAHA-Q-5

 

 

Cali ayaa markaa yiri:

‘‘Qofka aad la hadlayso ma taqaan horta? Una dhaqaaqay dhinaca talefoonka, markaas ayaa Nasiim ku yiri:

‘‘Marka koowaad shaqada sirdoonka cid fara gashan karta ama jooiin karta ma leh madaxweynahaba ha ahaadee, tan labaad madaxweynuhu si buuxda ayuu u ogyahay waxa dhacaya hadda, asga qudhiisa ayaana si tallaaba talaaba ula socda arrintu meeshay marayso”

 

Wuxuuna jeebka ka soo saaray sawir Cali iyo basaas Israa’iil ah oo isla taagan danjiraha Israa’iil ee Amisterdaam, Cali waan isku dhex yaacay wuxuuna ku faariistay kursigii u dhawaa oo yiri:

 

”wax walba waan idiin sheegayaa, balse intaana ka hadlin waxaan rabaa in aan idiin sheego arrin muhiim ah oo ah, waxaan rabay inaan waxaan oo dhan ka towbad keeno toddobaadka soo socda, waxaana u aaday Holland in aan Israa’iiliyiinta gaarsiiyo go’aanka aan gaaray, guga soo socdana inaan xajka aado ayaan ii qorshaysnayd, sarkaalka Mossad xataa wuxuu igu yiri aniga iyo cidayduba Israa’iil daga, haddase ra’yi baan idiin soo jeedin idinka, arrintu si caadiya ha u socoto, anigu aan aado Holland, si aan dalkay Masar wax ugu qabto danbigana iskaga mayro”

”Ra’yi wanaagsan oo lagu qanco, ma inaad warkaas na marsiisid oo kugu kaalmayno ayaad rabtaa?” ayaa Nasiim yiri, hadalkaasna jug ayuu ku noqday Cali, wuxuuna bilaabay in uu ka sheekeeyo sheekadiisii biloow tan iyo dhammad, si caqliyana waa adeegsaday oo wax yaaba badan oo beena ayuu ku daray, raggii sirdoonkuna waa dareemeen balse waa u dhaafeen inuu hadalkiisa sii wato, ka dib waxay weydiiyeen sidee ula xiriiri jiray Israa’iiliyiinta, wuxuu u sheegay in uu boostada ugu diri jiray waraaqo si hal xiralaysan uu u oqaray, taasna waxay noqotay caddeyntii u horeysay in uu basaasnimo ku jiray ay qirashadeed ahayd, waxa uu waraaqihiisa ka soo dhex saaray buug waraaqaha lagu qorto oo mac’hadku leeyahay, oo boggagiisu wada cadyihiin, waxaana ku dhex jiray warqad ay ku qoran tahay bismillaahi raxmaani raxiim, wuxuuna u sheegay in ay warqadaan tahay warqadda kaarboonka ah ee uu u adeegsan jiray sidii khadda qorsoon,

 

Ka dib wuxuu laacay meeshii buugtu u taalay oo uu ka soo bixiyay buug oo yiri:

‘‘Waa kan buuga qoraalka hal xiraalaysan ee adeegsan jiray”

Nasiim wuxuu u yeeray mid raggiisa ka mid ah oo asag oo aan la hadlin u dhiibay xaashidii kaarbooka hayd iyo buuggii, is fahan hadal la’aan ah ayaa sarkaalkii buugii iyo xaashidii qabaty, wax yar ka dib na dib ugu dhiibay Nasiim asaga oo aan eray oray balse tusmooyin ay isla yaaqaaneen wax ugu sheegay, Nasiim waa uu garanayay in buuga uu u dhiibay uusan ahayn kii qoraalka hal xiraalaha oo Cali qarda jeex wado, markaas ayuu si kulul ugu yiri:

”aaway buuggi runta ahaa”

Inta istaagay ayuu meel kale ka soo qaaday, Nasiim wuxuu amar ku bixyay in guriga meel kasta laga baaro, wuxuuna ku soo labtay Cali, asagoo buuggii sida ogaadayna in uu kii runta ahaa yahay. Xaaskiis Cali ayaa ayaduna ku soo biirtay meeshii iyo wiilkiisii labaad Cumar, raggii sirdoonkuna waxay u sheegeen dhabtii wuxuu yahay odayga gurigu inuu yahay basaas Israa’iil, xaaskiisii waa qaracantay dib ayaana laga ogaaday in aysan waxba kala socon arrinta ninkeedu ku jiray, aad ayay ugu qaylisay ayada oo caynaysa sidoo kale wiilkiisii curadka ahaan waxba ulama harin, Calina markaas ayuu oohin jabsaday.

 

Kulankaas guriga dhexdiisa wuxuu socday tan iyo 7dii ama 1kii saac ee aroornimo, Nasiimna laba raggiisa ka mid ah ayuu u sheegay in xaaska iyo caruurtu waxay qaadan karaan guriga ka qaataan oo ay ka wadaan guriga, waayo xilligaas laga bilaabo guriga maamulkiisu wuxuu ku wareegay sirdoonka, markaas ka dib raggii ayaa ayaguna baxay ayagoo Cali horay u sii watay,

 

3 saac ”9 kii” aroonimo ayay ahayd markii Nasiim iyo raggiisii oo Cali la socdo ay baxeen, qaarse waxay ku hareen guriga gudihiisa iyo dabeddiisaba koox kalena waxay sii aadeen mac’hadka daaweynta dabiicigaa, in yar ka dib waxaa soo galay dayrkii mac’hadka fatuurad sida Cali, ardadii iyo barayaashiina waxay sheeda ka daawanyeen maamulahoodi oo jeebaysan, raggii sirdoonku waxay xafiiskiisa ka heleen qalab ka warka laysugu tabiyo oo casri ah, wuxuuna ku qarsoonaa meel aad u qarsoon oo adag tahay asaga maahane in cid kale hesho, markaas ka dib xafiiskii ayaa lagu dhajiyay shumac guduudan si looga fogaado in la galo waana ay baxeen ragii sirdoonka oo wata Cali.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply