Waxaa galkii gacanta loo galiyay oo loo dhiibay, gaashaanle Maxamad Nasiim oo ku caan baxay naynaasta ”wadne libaax” wuxuuna ka mid ahaa ragga ugu halisan ee soo maray sooyaalka Masaarida, wuxuuna si xoog iyo xawaare ku jiraba u baaray arrinta basaaska daahsoon.
Gaashaanle Nasiim oo asagu baartitaankaas madax ka ahaa in badan ayaa hurdo beel ku dhacay asaga oo ku hawlan helida basaaskan, tan iyo intii uu ka helay cadaymo aan tuhun ku jirin, ka dibna waxaa loo bandhigay galkii madaxweyne Saadaat, oo asagu aan u rumaysan si buuxda waxa loo sheegay, wuxuuna weydiiyay madaxa sirdoonka Masaarida, ma la hubaa in warkaan sax yahay, iyo yaa soo hubiyay oo warbixitaan keenay, balse markii madaxweynaha loo sheegay in ninka baaritaanka galay oo warka soo gudbiyay uu yahay Maxamad Nasiim, si buuxda oo kalsooni ku jirto ayuu u rumaystay warkii, arrinta iyo meelaha ay taabanayso owgeed Saadaat wuxuu amar ku bixiyay in tallabo tallabo loola socodsiiyo waxkasta oo arrinta Cali ku saabsan, qorsoodi buuxdana lagu xayn daabo, markaas ka dib ayuu bixiyay amar lagu soo qabto Cali.
Waxaa amar lagu siiyay sirdoonkii Masaarida ee Holland joogay in ay kor kala socdaan Calioo uusan dareeminna in la ilaalinayo, si uusan u galin dan jiraha Israa’iil ama uusan isku dhiibin dowladda Holland oo ayaguna ay diidaan in ay Masarida u soo gudbiyaan,  Cali wuxuu tikit ka jartay shirkada duulimaadka, sarkaal sirdoonka Masaaridana waxaa amar lagu siiyay in uu diyaarada la soo raaco si markuu cagaha soo dhigo Masar durbadiiba loo qabto, 22 Maarso 1979 ayaa dayuuradii ka soo caga qaaday Amisterdaam ayada oo uu saran yahay sarkaal sirdoonka Masaaridaka tirsan, kaas oo hubiyay in magaca Cali Cadfi uu ku jiro dadka diyaaradda saaran, diyaaradii markay soo caga dhigatay Qaahira sarkaalkii wuxuu hoos istaagay sallaanka diyaarada asag oo ku sugaya in Cali soo dago, balse kadiskii dhacay wuxuu ahaa in Caliba la waayay, xaggee ayuu aaday? Ma uumi baxay?  Sarkaalkii wuxuu u tagay raggi ay isla shaqaynayeen oo ayagu dariishada xafiis kala socday, waxayna u caddeeyeen in Cali uusan diyaarrada ka soo dagin, durbadiiba waxaa warkii la gaarsiiyay Maxamad Nasiim, oo asagu xooga ka dib habkiisa gaar ahaaneed ku ogaaday in Cali uu gurigiisa joogo, uuna diyaarad kale laba maalmood ka hor ku yimid Masar, habkaasna waxay ahay hab Cali sameeyo oo raacda reeb ah, waxayna ka fursan weyday in la keeno qorshe lagu qabto Cali.
Subixii ku xigtay Cali wuxuu telefoon ka helay wariye u shaqeeya wargayska Aakhir al saaca oo ku yiri waxaan rabaa inaan waraysi dheer kula yeesho oo ku saabsan horumarka laga gaary daaweynta dabiiciga ah, wuxuuna balan u qabtay wariyihii 9ka ama 3 saac fiidkii, intii uusan khada ka bixinna wariyihii wuxuu ka codsaday in uu meel ku xiro eygiisa uu aadka uga baqo oo markuu guriga tagaba aan ka harin, Calina asagoo qoslaya ayuu u ballan qaaday, balse waxa uusan ogayn in qorshahaan ay ka danbeeyaan sirdoonka masaaridu.
8 iyo barkii 23kii Maarso 1979, xaafadda Zamaalik waxaa lagu xayn daabay ilaalin heer sare ah, ayada oo aan dadku dareemayn, waayo xaafdu waxay ka mid ahayd xaafada sare waxaana u badnaa oo ku yaal dan jiryaalka, waxaana aad u daggan  diplomaasiyyinta qalaad, arrinta loo socdo oo aad u ahayd mid xasaasi ah ayaa loo baahnaa in wax walba layska fisho, sarta LM 4 ee jidka bahjat Cali, ee xaafdda Zamalik aad ayuu u daganaa, meel u dhowna waxaa istaagay baabuur yaryar oo madoow oo ay ku dhaggan tahay aqoosi baabuurta dadweynaha, ”taariko” waxaana ka soo dagay rag qaba dhar caadiya oo wax si kala ah ayasan ka muuqan, Cali na xilligaas wuxuu sugayay wariyihii ay ballameen, raggii sirdoonku waxay gaareen qaybtii uu Cali ka dagganaa dhimaha uu asagu leeyahay oo ku fadhida dabaq dhan, waxaa illinka ka furtay gabadhii shaqalaha ahayd oo u soo waday dhinaca fadhiga, balse waxay ku baraarugtay gaashanle Nasiim oo durba horay ka galay qolka wax akhriska oo uu Cali ku jiray kuna fadhiyay kursi uu ku sugayay wariyihii, in kasta oo uu aad ula yaabay sidan kadiska ah ee loogu yimid haddana wuxuu isku dayay in uu is dajo, Nasiimna raggisii ayuu amar ku siiyay in guriga ay isku ballaarshaan.
Nasiim wuxuu jeebkiisa ka soo baxshay xaashi maxkamada ka socota oo amraysa in Cali la qabto gurigiisana la baaro, ayada oo lagu eedaynayo inuu dowlad qalaad wax la wado halisna ku yahay nabad galyada dalka, waana uu tusuyay Cali xaashidii, Cali wuxuu iska dhigay nin ay yaab iyo amankkag ku noqotay wuxuu maqlayo, wuxuu bilabay hadal handaad ah oo uu uga digayo Nasiim cirib xumida ay U keni karto waxa uu wado, balse raggiI waxay sii wateen howshoodii, waxaana markaas soo galay shariif wiilka Cali oo jaamicadda qaybta injineeriya dhigta waana uu la yaabay xaalka aabihiis ku jiro, af Jarmal ayay ku sheekaysteen shariif iyo aabihiis waxaana wiilku ku yiri aabihiis waxaan wacayaa jamaal, wiilka Saadaat si uu madaxweynaha ugu sheego waxa meesha ka socda, balse ragga sirdoonka ah waxaa ku jiray nin aad u yaqaan afka Jarmalka oo intii kale u sheegay waxa uu wiilku yiri iyo falkuu rabo in uu ku kaco, wuxuuna ka codsaday ninkii ka socday qaybta nabad sugida in aan taasi dhicin oo wiilku uusan wicin ina Saadaat si aan howshooda kala go ugu dhicin.
Gaashaanle Nasiim ayaa markaa yiri: ”diktoor Cali Cadfi waxaad ku eedaysan tahay in aad basaas u tahay dowlad qalaad, halkaana waxaan u nimid in aan ku qabanno taasna aan fullino”
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply