BASAASKII AQALKA MADAXWEYNAHA Q-3

 

 

”Datoor Cali wuxuu si gaara u baratay daaweynta dabiicigaa, waana wax ku cusub Masar, aad bayna u yaryihiin dhakhtarada iyo aqoonyahanada dhinacaas ka howlgala Masar gudaheeda, wuxuuna fursad u heli karaa inuu noqdo mid  ka dhex muuqda inta kale taakulo cilmiyeedka aan siinayno awgeed, waxaan awoodnaa inaan siino daawooyinka iyo kiriimyada kuwa ugu danbeeya, waxaan qaban karnaa kullammo aqooneed oo ku saabsan shaqadiisa, oo aan buun buuninno asaga Masar gudaheeda iyo dibaddeedaba si ay ugu yimaadaan dadka muhiimka ah ee dowladda meelaha sare ka haya si uu ugu dhawaado kuwa go’aamada dalka gaara, Ka dib waxaan gaaraynaa in aan fullino arrinta aan la guuxayo oo ah in madaxweyne Saadaat ka mid noqdo dadka uu u shaqeeyo, maxaynaan isgu dayin in Cali uu noqdo jir dalliigaha gaarka ah ee madaxweyne Saadaat?  waqti iyo dadaal badan ayay u baahantahay, balse waan dhex galaynaa hoggaanka dowladda, nolosha madaxweynaha Masarna labadeena gacmood dhexdooda ayay ahaanaysaa”

 

Si fiican ayay u dhagaysteen soo jeedintii Bregman, madaxa sirdoonkuna wuxuu soo jeediyay in cod loo qaado in la yeelo iyo in la diido fakarka Bregman, saacada badan oo ka hadal ahaa ka dib Bregman waa uu ku guulaystay in uu helo oggolaanshada inta badan, wuxuuna go’aansaday in uu Holland u socdalo si uu ugu diyaariyo Cali howl galkan cusub ee uu ku magacaabay,”howl galkii aan dhici karin”

Cali wuxuu ku soo laabtay Masar, asga oo horay ay u soo siyeen Mossad wixii agab ah ee uu ku hawl gali lahaa, sida qalinka aan fartiisa la arag, iyo hal xiraarayllka fariimaha loo adeegsado, qalabka warka lagu tabiyo, kaamira aad u yar, balse waxba kama uusan ogayan waxa Bregman u qorshaysan iyo halka uu  la rabo, dhowr jeer ayuu socdaallo ku tagay Holland oo isbitaalada u sareeya dalkaas uu ku soo qaatay tababarro, tan iyo intii uu noqday ku xeel dheere dhab ah, waxaana iska soo dabadhacayay jaamacadaha dalbanaya oo rabay in uu muxaadaro ka jeediyo, wargaysyadii Masar iyo kuwii qalaad waa ay  daba roorayeen si ay u warsadaan, intaas oo dhanna waxay ka mid ahayd qorshaha uu dajiyay Bregman si Cali u noqdo daliigaha Saadaat.

 

Xilliyadaas ayaa la furay mac’hadkii ugu horeeyay ee daawaynta dabiicigaa ee Masar, waxaana loo doortay Cali inuu noqdo maamulihii u horeeyay ee mac’hadka, maalin asagoo xafiiskiisa jooga ayaa kadis waxaa ku noqday in looga baahan yahay madaxa xafiiska hawlaha ee madaxweynaha, waana uu tagay wuxuuna rumaysan waayay in uu noqday mid ka mid ah dhaqtardda madaxweynaha, waxaana loo gaar yeelay fatuurad madaxtooyadu leedahay oo gurigiisa ka soo qaada maalin walba geeysana hadba qasriga madaxweynuhu joogo markaas.

 

Shaqadiisii waxay ku sii fiday cidda madaxweynaha oo dhan wuxuuna noqday mid aad ugu dhow Saadaat, si tartiib tartiib ahna awoodiisii iyo maamuuskiisa ayaa u sii koray oo wuxuu gaaray in gegida diyaaradaha qaybta madaxdu ku soo dagto irdaheeda loo furo oo ay ma dhacdo noqotay in labaaro agabka uu wato.

 

Mudadaas oo dhanna kama usan hagran Mossad in uu warbinno u gudbiyo oo wax walba oo uu arko ama maqlo u sheego, oo ay ka mid ahaayeen wax walba oo guriga madaxtooyada ka dhix dhaca, kulammada, iyo sheekooyinka dadka dhex mara ee uu maqlo oo is kuna taxallujiyay inuu maqlo, Cali wuxuu rumaystay in aan cidna ogaan karin, waana is yara dhigtay, marka uu fatuuradiisa ku tamashleenayo Qaahira iyo magaalooyinka waaweyn ee Masar warqaha ayuu u diri jiray Mossad oo mar walba sanduuq hor leh ku ridi jiray, ka dib wuxuu bilaabay in uu ku rido sanduuqa ugu dhow mac’hadka ama golaha bulshada ee uu xubinta ka yahay.

 

Wxaa aad u fara batay socdaaldii uu u baxay oo xataa dan iyo heello kama uusan lahayn visooyinka uusan dalalkooda tagin oo beenta ah ee u saaran baasaboorkiisa, balse boorsadiisa gacanta ee uu wato markuu dalka ku soo laabanayo wuxuu ku soo ridan jiray qalabka uu wax ku basaaso, feejignaantii uu iska daayay ayaa keentay in la ogaado.

 

Booqashii u danbaysay intaan la qaban ka hor ee uu Holland ku tagay, waxa ay gaartay dhiirranaantiisu in uu dhowr jeer luguhiisa ku tago rugta dan jiraha Israa’iil, wuxuuna ahaa nin caan ah oo aad loo yaqaano, sirdoonka  Masaridu waxay  hubeen in uu jiro basaas qarsoon oo meel halisa jooga, basle ma aysan ogayn kuu yahay, waana hubeen in basaaskaas uu war bixinno ku saabsan aqalka madaxtooyada iyo nolosha madaxweynaha uu u gudbiyo Israa’iil, sirdoonka Masaariduna waxay u bixiyeen ”basaaskii aan la aqoon” gal gaar ahna waa u sameeyeen, warbixnada ku qoran galku waxay sheegayaan inuu yahay qofkaasi mid aad ugu dhow dadka sameeya ama go’aan ka gaara siyaasada dalka, wuxuuna eray eary u garsiiyaa Israa’iiliyiinta dhaqdhaqaaqyada madaxweynaha oo dhan.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply