Shaqadiisa awgeed Cali wuxuu xiriir wanaagsan la yeeshay ragga sar sare ee Masar, waxaana saaxiibadiis ugu horeeyey oo ay aad iskugu dhawayeen, Kamaal Xassan Cali, ahaa nin soo ahaa madaxa sirdoonka Masar iyo madaxa wasiirada, iyo Cismaan Axmad Cismaan oo ahaa Saadaat seedigiis, lahaana shirkada dhismaha ee xilligas u weynayd Masar.
Dalligidiisa wuxuu saxiib kula noqday, kabtan Cumar Saalax oo ahaa xiddigii kooxda Al Ahli ee xilligaas ahaana oo kale maamulaha xulka qaranka ee Masar, wuxuun Cali ka dhigay kormeeraha caafimaad ee xulka qaranka, xiriiraddiisiina waa sii bateen tan iyo intii uu ka noqday daliigaha madaxweynha ee gaarka ah, laga bilaabo 1972.
Baaritaanadii waxay caddeyeen in Cali wax ka sareeya shahaado dugsi dhexe uusan haysan, asaguna uu luguhiisa ku raadsaday Mossad, ka dib markii uu u maray safaaradda israa’lii ee Holland, waxaana u cadaatay raggi Mossad in uusan ahayn qof karaamo leh oo saaxiibka kaliya ee uu ifka ku leeyhayna ay tahay lacag, in uusan lahay wadanninimo, mabda’ xirana uusan lahayn caynkuu doonaba ha noqdee, waxayna Mossad isku af garteen in uu noqdo ruufiyaan daacad u ah ayaga.
Oggolaanshadii markii ay dhacday ayaa lala xiriiray Cali oo Qaahira jooga ayaga oo warka u marsiiyay qof la shaqeeya ayaga oo Masar joogay waxayna u sheegeen in uu si dhaqso ah u yimaado Amistardaam, affar maalmood ka dibna diyaar ayuu ku ahaa Amistardaam asaga oo aan ogayan waxa loogu yeeray iyo wax laga rabo iyo waxa loo diri doono iyo ayuu la kulmi doonaa, wuxuu iska dhex mushaaxi jiray jidadka iyo beeraha nasashada ee magaalada.
Tan iyo intii ay maalin gabar isku dhaceen asagoo beer dhex socda, dhulka ayayna ku dhici gaartay gabadhii, markii uu isku dayay in uu kaalmeeyo ayay magaciisii ku dhawaaqday una sheegtay in uu akhriyo xashida ay jeebka koorka u kalisay ee uusan asagu daremin, ilbiliqsiyo ka dibna gabdhii waaba uu arki wayaay oo waa qarsoontay, jeebkii koorka ayuu gacanta galiyay oo soo saaray xaashidii gabadhu u galisay waxaa ku qornaa ciwaan meel oo loo shegay in uu aado maanta dhowr saacadood ka dib, markii uu gaaray bilowgii jidka cinwanku ku qornaa waxaa soo garab dhigtay faruurad madoow oo wadihii uu ka dalbaday In uu u soo fuulo si dhaqs ah, uu galayba fatuuradii horey ayay ka dhaqaaqday wuxuuna ku naxay geeskiisa oo ay fadhido gabdhii waraaqda jeebka u galisay,  fatuuradii waxay istaagtay sar horteed asaga iyo gabadhiina waa ay ka dageen, wuxuuna daba galay gabadhii oo ay dhowr qol  oo sarta gudaheeda sii mareen tan iyo inatay ka gaareen qol si gaar ah u qalabaysan, oo uu dhex fadhiyo nin muuqaal masaari leh,
Ninkii intuu istaagy si uu u soo dhaweeyo Cali ayuu yiri:
”Eli Bregman, sarkaan Mossad ah ayaan ahay oo adiga loo xilsaaray, waxaan ku dhashay oo ku barbaaray Qaahira, ka dib aniga iyo cideenii waxaan u guurnay Israa’iil”
Markaas ka dib waxaa la falanqeyey oo la isla meel dhigay qorshihii shaqada, Bregman wuxuu u sheegay in uu gali doono Cali tababar aad u culus, waxayna ku heshiiyeen dhaqalaha Cali la siin doona howsha uu u qabto Mossad, wxaana la marsiiyay qalabka been sheegida lagu ogaado intii aan tababarka loo bilaabin.
Tababarka Cali la siinayay waxaa loogu diyaarinayay in uu dhex galo oo soo basaaso dhinaca caafimaadka aqoonyahanada Masar, waxaa lagu tababaray oo la siiyay casharro ku saabsan sida loo adeegsado war lalainta, sida loo furo eryada daahsoon ee loo soo diro ama kuwa uu dirayo, sida warbixinnada iyo dukumiintiyada loogu sawiro kaamirooyinka yaryar, sida loo adeegsato qalinka qoraalka aan la arkin, sidoo kale waxa ka mid ahaa in nafsiyan ahaan loo dhiso asaga si uu shaqadiisa cusub uu ula qabsado bulshada, tan iyo markii danbe uu ka noqday qof fullin kara howlaha basaasnimo ee uu Mossad uu uga fulinayo Masar gudaheeda.
Balse Bregman intaas in kabadan ayuu u arkayay in uu Cali u adeegsado, hunguri weyn ayaa ku jiray Bregman oo lagu heli karo fursad dahab ah, wuxuuna go’aansaday in uu la tashto madaxa sirdoonka Mossad, waxaana shir isugu yimid madaxda laamaha sirdoonka Mossad halkaas oo Bregman uu ku furay boorsdiisa oo uu ka soo bixiyay xaashiyo uu u qaybiyay intii meesha fadhiday, ka dibna wuxuu yiri:
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply