BASAASKII AQALKA MADAXWEYNAHA Q-1

 

 

Ma ahayn baasaaskaan mid fariista maqaaydaha lagu shaaho iyo goloyaasha lagu sheekayto oo dhagaysta wararka uu ka maqlana u dira dhinaca uu la shaqeeyo, mana ahayn mid ku ag wareega ama war ka raadsha xarumaha ciidamada iyo dhaqaalaha si uu warbixin u helo, balse wuxuu ahaa mid dhix jibaaxay oo bu’da u fariistay maamulka u sareeya ee dowladda, bartamaha aqalka madaxtooyada, isha uu war bixinta ka helana waxay ahayd madaxweynaha dowladda, waa basaaskii caanka noqday ee Cali Cadfi, ahaana jir daliigaha ”masaajaeeyaha” gaarkaa ee madaxweynii tagay ee dalka Masar Anwar Al Saadaat, wuxuuna ka dhex shaqaynayay aqalka madaxtooyada mudoo 7 gu’ ah, asaga oo aan cidna ogaan, wuxuuna u shaqaynayay sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

 

Bilowgoo siddeetameeyadii qarnigii tagay, ayaa waxaa soo baxay book uu qoray Cali Cadfi, waana markii u horeysay ee magaca Cali Cadfi laga maqlo aduunka, buuggaas wuxuu buuq badan ka kiciyay Masar iyo dowladaha carabta.

 

Buuggu waxa uu ku sheegay Cali in uu asagu dilay, madaxweynihii Jamaal Cabdi Naasir, asagoo jir duuge u ahaa oo uu kiriim sumaysan uu ugu daliigi jiray oo jirkiisa si tartiib tartiib ah u galay, taas oo macnaheedu yahay sirdoonka Israa’iil waxay dhex galeen gurigii Jamaal Cabdi Naasir, Jamaal Cadi naasir wuxuu caafimaad ahaan u aadi jiray dowladii soofiyeetka, halkaas oo lagu daaweyn jiray laguna daliigi jiray, markii buuggan soo baxay waxaa dhalatay tuhun ah in soofiyeetku dileen oo kiriimo sun ah u adeegsadeen, dadkiina waxay iska dhaadhiciyeen oo rumaysteen in madaxweynihii uu dil la dilay ku dhintay, balse aan soofiyeetka ahayn ee ay dileen sirdoonka Israa’iil sida uu Cali Cadfi buugga ku qoray.

 

Wararkaas in muddo ah ayaa la isla dhex marayay oo dadka qaar rumaysteen qaarna diideen, tan iyo intii uu Saami Shariif oo ahaa maamulihaii xafiiska madaxweyne Cabdi Naasir iyo wasiiru dowlaha  madaxtooyada uu sheegay 9 sibtember 2004, in Cali Cadfi uusan marna hawl u qaban madaxweyne Naasir si dadban iyo si toos ah toona, markaas ka dib ayaa qoraayaal badan daba dhigteen wixii ku qornaa buugii uu Cali Cadfi xabsiga ku dhex qoray, ugu danbaynna waxaa bannaanka timid in Cali Cadfi ay Mossad tababartay ka dib dhimashdii Cabdinaasir,

 

Warkaan in uusan aad u fidin sababta  keentay waxay ahayd, in markii Cali la ogaaday arrintiisa, oo maxkamad la saarayay in madaxweyne Saadaat uu amar ku bixiyay in arrintaan si qarsoodi buuxda ah loo dhameeyo oo aan war baahintu ogaan, waayo dadweynuhu maxay oranayaan haddi ay ogaadaan in gacanta Mossad ay gaartay aqalkii madaxweynaha,

 

War bixinadu waxay sheegen in Cali Cadfi uu ku dhashay xaafadda Siti Zaynab ee Qaahira gu’gii 1922, waxbarashana uu ka gaaray dugsiga dhexe uun, markaas ka dib asaga oo yar uu ka shaqeeyay daas cunno, marna foorno rooti, ka dibna ka shaqa bilaabay farmashiye, ugu danbayntiina uu ku danbeeyay shaqada jir  daliigidda ama duugida jirka, shaqadaas oo aan xillgaas aad dalka ugu badnayn, waxaana danayn jiray dilligida xilligaas dadka aad u ladan uun, Cali wuxuu kaaliya u ahaa nin qalaad oo dadka u dalliigi jiray, markii  kacaankii Masar yimid, oo dadkii qalaad ee shaqadaan ku shaqaysan jiray ay dalkii ka baxeen, goobtii waaxay u kaliyowday Cali, oo aad dalbashadiisu u badatay, ballamihii aad u bateen oo ka bixi waayaey qasrigaan tag iyo fiilladaan tag iyo hebel iyo hebel, wuxuuna isku bixiyay oo asagu isa siiyay darajada ah, xeeldheere dawaynta dabiiciga.

 

Magaca ama darajada caynkaas ah waa ku cusbayd Masar, markii ayay soo baxday baahina loo qabo daawayn dabiiciya Cali wuxuu noqday macallin daawaynta dabiicigaa, taas oo gaarsiisay inuu ka mid noqdo dadka aad loo yaqaan oo laga danbeeyo, wuxuuna ka mid noqday tababarayaasha daaweynat dabiiciga ah mac’hadyada ciyaaraha ee Masar, dowladduna waxay bilowday in aradada ka soo qalain jabiyasa mac’hadyaas ay waxa barasho ugu dirto dabadda, yurub, ameerika iyo soofiyeedka, kuwaas oo ku soo laabta dalka ayagoo wata shahaadada heerka saddexaad ah”PHD”.

 

1963 ayaa Cali iska dhex arkay asagoo ku jira dadkii wax barasha sare loogu dirayay maraykanka, wuxuuna u arkay arrintaas inay ay furasadii uu sugayay ee uu ku heli lahaa shaadada sareay tahay, balse sidee ayaa hor timid waaya waxa kaliya ee uu wato waa shahaado dugsi dhexe.

 

Balse shahaadadii uu raadinayay si kale ayuu ku helay oo wuxuu ka helay sirdoonka Mossad ee joogay safaardda Israa’iil ku leedhay Amistardaam, Holland, halkaas oo uu muddo ku noolaa oo gabar cidaas ah ku guursaday, markii danbana uu qaatay dhalasho Hollandays ah taasna waxay cudur daar weyn u noqotay ku laalabashadiisa Holland, waxay u ahayd dabool uu ku qariyo dhaq dhaqaaqiisa basaasnimo, markii u helay shahaadadiisii been abuurka ahaydna wuxuu bare ka noqday macaa’hida barbaarinta ciyaaraha, wuxuuna noqday maamulihii u horreeyey ee mac’had sare oo caynkaas ah oo la unkay 1972, wuxuuna ka ahaa tan iyo intii la qabtay Maarso, 1979.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply