BASAASADII NOOR INAYAT KHAN

Ogost 1943, basaasadii taarwalaha  baariis joogtay, waxay ahayd In ay fariista u dirto London, wax walba ayada ayay ku xirnaayeen, ciidankii sirdoonka jarmalka Gestapo na illinka hore ayay soo marayeen, sidee ayaa muusikiiste ka qalin jabiyay jamicadda Sarbonne, ahaana qoraa ay ku noqtay basaasad joogta oo ka howl gasha faransiiskii markaas jarmalku haystay?

Waxay ku dhalatay magaalada Moosko 1dii Jnaayo 1914kii magaceedu Noor-un-Nissa Inayat Khan, waxaa kaleoo loo yaqaanay Nora Inayat-Khan iyo Nora Baker, aabaheed Inayat Khan wuxuu ahaa suufi fanaan ah oo hindi ah, hooyadeed  Ray Baker waxay ahayd maraykan, noor waxay u weynayd affar caruur ah, waxay ahayd hindiyad basaasad u ahayd dalka ingriiska dagaalkii labaad ee aduunkaWaxay yar ka hor dagaalkii koowaad ayaa qoyskeedu ka soo tageen ruushka, 1927 markii aabaheed dhintay waxay mas’uul ka noqotay hooyadeed iyo walaalaheed oo booskii odaga gashay, waxay noqotay qoraa, muusikiiste, heesaa, dagaalku intii uusan dhicin waxay ku tala jirtay in ay samayso wargays caruurta u gaar ah, wuxuuna ahaan lahaa kii u horreeyay ee la sameey,  dagaalkii labaad markii uu dhacay waxaa loo tababaray in ay ka mid noqoto ciidamada gaarka ah [special forces] ee ingriiska waaxda faransiiska, Feberaayo 1943 waxay ka mid noqotay sirdoonka ciidamada ciraka, waxay atabar ku qaadatay dhinaca isgaarsiinta ah magaalda Buckinghamshire,waxayna ahayd qofkii ugu horeeyaya ee dumar basaasad ah oo la baro is gaarsiin casri ah oo caynkaas ah,

howl haliseeda leh ayay ahayd taar dirido, oo qofka jooga goob cadow kana soo tabinaya warka ay ahayd in qofkaas qarka u saaran yahay la gaado,  taar waduhu waxay ahayd inuu ilaaliyo isku xidhka aagga uu joogo iyo London, dirista iyo helitaanka farriimaha ku saabsan hawlgallada jibaaxida ah, ama meelaha hubka looga baahan yahay ee dagaalyahannada iska caabinta. Isgaarsiinta caynkaas ah la’aanteed waxay ahayd wax aan maan gal aheyn in la helo hab raac iska caabin, laakiin howl wadeenada taararku aad ayey halis ugu jireen in la ogaado waliba xilligaas oo baaritaanka iyo helida taararka la dirayo ay aad u horu marayeen oo wax badan lagu soo kordhinayay, sida ya isku qariyaan ba waa in ay is qariyaan dadka shaqadaas ku jiraa, atneenooyinka waxaa lagu rakibaa kaabdaha qiicu ka baxo ee guryaha ama waxaa loo ekaysiiyaa xargaha dharka lagu waro, haddii ay hawada ku jiraan 20 daqiiqo ka badan halis waxay ugu jiraan in nacabku ogaado,

Noor waxay  ahayd basaasad nooceeda oo kale uu yaraa, tan iyo markii loo basaasay jarmalka in ay basaasad tahay oo ay gacantooda ku dhacay.

Shekadaan oo dhammays tiran dhawaan Ayaan idiin soo dugbin doonaa haddi eebe idmo.

 

La soco……..

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply