BASAASADII HIBA SALIIM-Q-6AAD

 

 

 

Sidaas ayay ku guulaysatay qorshahii Masaaridu, mossad na beentii u aamintay, telegaraam dag dag ah ayay soo dirtay Hibo ay ku leedahay diyaarada u horreysa ee tiriiboli u soo baxaysa ayay so raacaysa, berri ayayna imaanaysaa tiriiboli, sidaas ayaa sirdoonkii maasirida oo kaashanaya kii liibiya qorshe u dageen sii lagu qaban lahaa Hibo, sirdoonkii maasriduna waxay xidhteen dharkii dadka soo dhaweynta oo ay gigadii isku kala habeeyeen, qofka diyaarada saaran wax is badal ah kama dareemi kari garoonka, wax walba caadi ayay u ekaayeen, in kasta oo sirdoon badan ay ku faafsanaayeen halka diyaaraduhu soo caga dhigtaan.

 

Diyaaradii waa soo caga dhigayaty, dadkiina waxay bilaabeen in ay ka soo dagaan, midba mid daba joogo, Hibo markii ay cagaha so dhigtay dhilka waxay ku baraarugtay laba nin oo geesaha ka taagan oo mid kood ku yiri

“Ilaahay waa ku nabad keenay”

 

Waxay isku dayday in ay wax ka ogaato oo tiri

“Adigu yaa tihiin?” balse

durbadiiba gacmaha inta ka qabteen ayay ula dhaqaaqeen diyaarad kale oo calanka masar dhicana kaga sawiran yahay oo dhowr mitir u jirtay diyaarada kale, waxayna u sheegeen in alkunkeedii uu ku sugayo qaahira, ayaguna ay ka tirsan yihiin sirdoonka masaarida, qaracnkii dhulka ayay ku dhacdaym balse waa la qaaday oo diyaaradii la galiyay, laba saac ka dibna ayada oo gacmaha ka jeebaysan ayaa laga dajiyay qaahira, waxaana loo waday xabsiga sirdoonka Masaaridu leedahay, hal saac ka yarna waxaa relegaraam loo diray edmond, telegaraam sirdoonka Masaaridu ay direen  oo ay ku qornayd.

{Sheeko kale waxay sheegaysaa in diyaaradii ay saaranayd wariyihii caanka ahayd ee Masaarida, Salwa Xijaaz ee ku soo dul dhacday Siinaay 21 Febaraayo 1973, in sirdoonka Israa’iil ay ka danbeeyeen, oo markii Mossad ogaatay in la basaasadii Hiba Saliim ay cayrsadeen diyaaradii siday, balse ay soo rideen diyaaradii ay la socotay Salwa Xijaaz.

Sida la sheego markii Mossad ay heshay warka qabashada Hibo, laguna soo qaaday diyaarad Boeing oo masaaridu leedahay ayana la socdaan sirdoon Masaariya, ayaa hoggaanka sare ee ciidamada Israa’iil amar ku soo bixiyeen in diyaarado dagaal lagu kiciyo diyaarada sida hibo, diyaaradaasna waxay ahayd tii ugu danbaysay ee maalintaas 21 Feberaayo 1973, ka soo duusha garoonka Bangazi, balse waxaa jirtay haada kale oo ay isku jaad ahaayeen oo ayaduna u socotay Qaahira.

Waxayna ahayd In diyaaradaha dagaalka ee israa’iil ay qasab ugu soo dajiyaan diyaaradii wadayHhibo, meel ka mid ah Siinaay, balse gaf ayay sameeyeen ciidankii cirku  oo waxay dhex u galeen diyaaradii kale, tashwiish ayayna ku fureen qalabkii diyaarada, taas oo keentay in uu duuliyihii oo dhumay uu is arko asaga oo Siinaay dul maraya, diyaaradihii dagaalkuna waxay ku amreen in uu soo dajiyo haadada, waase uu diiday, taas oo keentay in ay gantaal ku dhuftaan, haadadiina ay cirka ku qaraxdo,  israa’iilyiintuna waxay u haysteen in Hibo ay ku dhimatay qaraxaas.

diyaaradii ay soo rideen ee gil gishay aduunka waxay ahayd haada aya lahayd dowlada liibiya oo siday 116, qof, oo uu ka mid ahaa wasiirkii arrimaha dibada liibiya ee xilligaas Saalax Busabri iyo wariyihii caanka ahayd ee muuq baahiya Masaarida Salwa Xijaaz}

 

“ka: dhamme cabdi xamiid, ku: Edmond, aniga iyo Hibo waxaan u gacalanay sirdoonka masaarida”

 

Sidaas ayaa labadoodii u xirnaayeen tan iyo intii maxkamada laga saaray, oo faaruuq lagu xukumay, dil toogasho ah, Hibana dil dal dalaad ah, waana lagu fuliyay, cafis badan oo ay madaxweynaha weydiisteena waxba kama ayasan dheefin, cadaalad qof walba oo dalkiisa dhagro uu istaahilo ayay heleen oo la mariyay.

Wasiirka arrimaha dibada oo markaas booqasho ku joogay masar, ayaa ku yiri

“Mudane madaxweyne waxaan kaa codsanaynaa in aad xukunka u khafiifisid Hibo saliim”

Saataad oo nin aad u garaad sareeya ahaa, loona yaqaanay geesigii nabada iyo dagaalka, inta madaxa ruxay si ka xumaan ku jirto ayuu yiri

“Saxiibkayoow waan ka xumahay, waa la dal dalay Hibo”

Henney kisenger oo quusasho ka muuqato ayaa weydiiyay goorma, saadaat inta u yara fakaray ayuu ku yiri

“aroortaan”

Isla xilligaas madax weynuhu yiri aroortaan ayaa la dal dalay, ayaa sarkaal la joogay inta kacay markii madaxweynuhu eegay, oo banaanka u baxay, amarkii lagu dilay Hibo bixiyay.

 

DHAMMAAD

 

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

Leave a Reply