BASAASADII HIBA SALIIM-Q-5AAD

 

 

Markii la ogaaday basaaska u shaqayn israa’iil, markii la ogaaday in alkuntiisa baariis ay hogaan ka tahay, markii la soo aruuriyay badaymo dhab ah oo dhinac walba taabanaya ee baariis iyo qaahira, sirdoonkii war bixin ayay ka diyaariyeen oo u geeyeen madaxweyne Saadaat, wax yaalaha ku qornaa war bixintaas waxaa ka mid ahaa in si deg deg ah labadaas basaas wax looga qabto gaar ahaan ayada oo hadda ciidamdu isku diyaarinyaan dagaan iyo in la dhamaystiri dhismaha saldhiga gantaalaha lidka diyaaradaha, hadii labadaas ay howshooda sii wataan waxay carqalad ku dhoqonaysaa qorshaha dowlada oo dhan ee ku aadan u diyaar garoowga dagaalka, ka dib waxaa la amray la soo af jaro labadaas oo la soo qabto.

 

Sirdoonkii Masaaridu ku dadaaleen qorshihii dhan oo lagu ogaanayo dhaqdhaqaaqa lamaana, ayado oo la adeegsayo hab dhagreed dowlada iyo ciidamaduba intii muddo ah ay adeegsanyeen intii muddo ahayd,  oo ah in la basaaska intii muddo ah looga faa’iidaysto in la dhagro israa’iiliyiinta, markaas na la war galiyo janaraal fu’aad nasaar madaxa sirdoonka dagaalka, dhaq dhqaaqa basaaska iyo howsha uu ku jirana mid in la soo qabto ay tahay, si dhaqsa ah ayaa xargo la isugu xir xiray waliba si qarsoodiya oo dhowr sarkaan uun ogyihiin, basaaskii oo markaas jooga kanaalka suweysna looga yeeray qaahira, markii uu yimidna horay laga qabtay, loona kaxeeyay xabsiga sirdoonka guud ee masar.

 

La yaabkuse waxuu ahaa markii la qabtay in uuba fajacay oo yiri

“oo ma ogtihin”

Waayo waxa uu iska dhaadhacsiiyay in aan cidi ogaan karinba, mana uusan is lahayn sida uu u fakarayay asagu, in masar ayba tallaabo qaadi karto, wuxuuna yiri

“diyaar ayaan u ahay in sida aad doontaan idiin kaalmeeyo”

 

Durbadiina sirdoonkii Masaaridu waxay bilaabeen in ka faa’iidaystaan basaaskaan qaaliga u ah si ay u dhagraan israa’iiliyiinta, in badan ayaan sirdoonka Masaaridu adeegsadeen xeeladahaan oo kale oo ku guulaysteen.

 

Waxaa loo sheegay basaaskii in xariirkiisii mossad sidii u wado, waxaana dul joogay oo ilaalinayay farsamayaqaano iyo xirfadlayaan ka tirsan sirdoonka masaarida, xariirka asaga iyo mossad oo sii marayay Hibo, waxaa looga faa’iidaystay in war bixino badan oo been ah loo gudbiyo mossad, waxaan laga dhaadhacsiinayay mossad, in masar marna aysan niyadda ku hayn in ay weerarto xariiqda baarleef, abaabulkaan ciidan ee hadda socdana uu yahay, abaabul ciidan oo beena oo laagu see jeedinayo indhaha dad kudaha dalka jooga.

Sidaas ayay u socotay isgaarsiintii lagu dhagrayay mossad, oo la doonayay in lagu ogaado, kuna ogaadeen masarida waxyaabaha ay danaynso israa’iil in ka ogaato masar,

 

Isla xilligaas Masaaridu waxay dajiyeen khido lagu soo qabto basaasada bibo saliim, oo faransiiska looga soo saaro laguna keeno qaahira, waxaana la isku raacay in soo jiidideeda la soo marsiiyo liibiya, halkaas oo loo dirayo koox sirdoonka ah, ayna kaalmaynayso dowlada liibiya oo ayadu oggolaatay, markaas ka dibna la xariiro aabaheed oo liibiya ka shaqeeya loona sheego, lagana dhaadhiciyo in sirdoonka maasrido ay ilo sugan ka heleen, hayaana caddaymo in gabadhiisu ay lug ku leedahay kala qayb galka koox falastiiniyiin ah, afduubid diyaarad laga soo afduubayo garoonka orly ee baariis, kuna hanjabaya in ay diyaarada qarxin doonaan haddii aan rabitaankooda loo yeelin, taasna ay nafteeda halis ku tahay, magac xumo weyna ay u soo jiidayso dowlada masar xilligaan aan xaaladdu daganayn, waxa looga baahan yahay asagana ay tahay in uu bad baadiyo gabahiisa aan ogayn cirib xumada arrinta madaxa loo galiyay, muhimaduna tahay in ay si dhaqsa ah uga soo tagto baariis si nafteedu u badbaado.

 

Odagiina wuxuu us heegay in uu diyaar u yahay wax walbaoo gabdhiisa bad baadinkara, sidaas ayaa aabihii si dhaqso ah loo dhigay isbitaal, qaybta wadna xanuunka, ayada oo lala heshiiyay dhaqtarda qaarkood, nasiib wanaagna waxaa dhaqtarada ku jiray kuwa masaariya, oo diyaar u ahaa wixii laga dalbado in ay fuliyaan, isbitaalka waaa loo dhigayna waxay ahayd in haddii mossad ay doonto in ay hubsato runta in aabuhu jirran yahay, waayo marna lama dhayal sado awooda nacab kaaga.

 

Si dhaqso ah ayaa telegaraam loogu diray gabadhiisii, loona sheegay in aabaheed uu ku soo baaday wadne xanuun laba jeer ah, lagana doonayo in ay si dhaqsa ah ku timaado liibiya loona baahan yahay in aabaheed qalliin deg deg ah lagu sameeyo,

 

Durbadiiba gabadhii waa soo war celisay oo u sheegtay in ay u qabatay isbitaal Russian Gustav ee baariis ku yaal, fatuurad gar gaarka deg degta ah ay garoonka ku sugi doonto, kuna adkaynayso in si dhaqso ah loo soo qaado, balse telegaraam uu odagu u diray, wuxuu ugu sheegay in xaaladiisu ay halis tahay oo uusan socdaal gali garin

 

Dhinaca kale baariis, sarkaalkii mossad edmond tallaabo tallaabo ayuu ula socday xaalada Hibo, wuxuuna u soo jeediyay in ay socdaalkeeda aad llibiya ku aadayso dib u dhigto 2 saac, waana ka oggolaatay ka dib markii uu u sheegay in uu si dhaqsa ah u dirayo cid soo hubisa telegaraamyada ka imaanya liibiya ee ku saabsan arrinta aabaheed.

 

Muda gaaban ka dibna edmon waa oggolaaday socdaalkeeda wuxuuna u sheegay in kala doorasha ay ayadu leedahay in ay aabaheed gayso qaahira oo dhaqtaro wanaagsan joogaan iyo in ay baariis u soo kaxayso.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

Leave a Reply