Waxaa la qabtay waraaq qoraal hal xiraalaysan ku yaal ayna ku qorantay fiirooyin gaar ah oo ku saabsan shir ay yeesheen ciidanka baddu, shirkaasna waxaa ka qayb galay faaruuq iyo shan sarkaal oo kale oo ciidamada badda iyo kumaandoos ka kaliya ah, sidaas darteed waxaa tuhunkii u batay shantaas waxaana la dul dhigay daba gal ayada oo laga dheereeyay horumarka laga sameeynayay howlgalada ciidamada, waxaa la joojiyay wixii howlka ahaa ee ciidamada gaarka waxaana la faafiyay war bxino been ah oo howl galo aan jirin ku saabsan.
Raadka la helay wuxuu ahaa warqadan xal xiraalaysnayd ee uu faaruuq diray ee jacaylka iyo gacalaysiga ka hadlaysay maxaa keenay in ay ku qornayd, [rakibidii anteena waan dhameeyay, mid weyn, raadiyihiin waa yaal] laanta baaritaankuna waa garteen in dhib weyn soo socdo, anteeno ama tan warka so qabata ha ahaato ama tan dirta ha ahaatee oo loo adeegsanayo raadiya ama qalabka war gudbinta iyo qabashada, waxay lug ku leedahay ifka bassaanimada, waxaana u muuqatay sirdoonkii in bassaas meesha jiro, maxaa erayadaan ugu jira waraaq jacayl oo la is ku dirayo, waxa muuqda waa bilow qorshe cusub oo tif tifnimo.
Durbadiiba waxaa la dajiyay tallaabooyin sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qabanayo arrintaan oo ay ugu horeyso, in war bixin waafiya laga helo qofka warqadaan dibada u diray ee hadalka ku qaran uu is burinayo, beryo ayaa baaritaan lagu hayay, waxayna war bixinnadii sheegeen in ay jirto oo hubaal tahay in anteeno saran tahay sarta lamber 6 korkeeda.
In kasta oo caddeymo loo jeedo haddana halisteeda ayay leedahay in of lagu eedeeyo in uu basaas dowlad kale u yahay ayada oo aan wax caddayn ah lahayn, durbadiiba shir deg deg ah ayaa la qabtay waxaana soo baxay amar qeexaya in aan howshaan ay dad kooban ku ekaato oo aan la shaacin, janaraal axmad ismaaciil, masadaxii sirdoonka masar xilligaana waa lala socodsiiyay halka wax marayaan iyo wixii ka soo baxay baariyaanadii qarsoodiga ahaa, waana la sii wada baaritaankii iyo dabagalkii oo qofkii la tuhunsanaa waxaa la saaray dabagal 24 ka saac ah, taasna lagu ogaaday in uu hayo jago aad u xasaasi ah oo uu arko warbixino ciidan oo aad sirta ah gaar ahaa xariiqda kanaal suweys, sidaas ayaa la isku xiray asaga iyo weerarada diyaadaha nacabku ay ku duqeeyaan saldhigyada gantaalaha, kuwaas oo loogu tala galay in lagu ugaarsado diyaaradaha israa’iil markii xilli dagaal la gaaro,
Dhinaca kale Hiba nolol madax banana ayay ugu noolayn oo ay wixii laabteeda ku soo dhaca ay samayn karto xataa labeebnimo ay a wadaagto gabdhaha saaxiibadeed ah, waxay kaliya oo nolosheedaas ka dhex gali jiray waxay ahayd markay imanaysay qaahira oo ay ulkunkeeda barasay sida raadiyaha loo adeegsado, farrimaha sirta ah loo diro, iyo xilliyada uu diri karo iyo xiiliyada uu helayo farriimaha toddobaadkiiba, marka ay qaahira timaado waxayaahayd habka ay war bixinada isku dhaafsadaan ayada iyo alkun keeda, oo ay u weydiiso wixii faah faahin markaas mossad ugu baahan tahay, iyo qaadida naqshadaha iyo sawirada saldhigyada ciidamada oo ay Hibo baariis u qaado.
Maalin ayaa wakiilka mssad Edmond wuxuu Hiba ugu yeeray oo ku marti qaaday makhaayad sare in ay ka casheeyaan, wuxuuna u sheegay in madaxa wasiirrada israa’iil golda meir ay aad ugu faraxsanaan lahayd haddii ayada Hiba ah ay booqsho qorsoodiya ku timaado israa’iil si ayda iyo dadweynaha israa’iil ba ay kugu mahad celiyaan, Hibana waa ay aqbashay marti qaadkii ayada oo aad ugu faraxsan, waxaana la baqtay ballanta xilligii ay u bixi lahayd booqashada israa’iil.
Markii ay ka dgtay garoonka Ben Gurion waxay la kulantan soo dhaweynaad u weyn sidii ay tahay madaxweyne dal, waxaa hawada sare ku soo galbinyay diyaradii ay saarnayd, haaddooyinka dagaalka ee israa’iil, tan intii tii ay saarnayd cagada garoonka soo dhigatay, halkaas oo ay ku soo dhaweynayeen madaxdii mossad oo uu u horeeyay Meir Amit, madaxa sirdoonka dibadda ee israa’iil Mossad, iyo madax kale oo safnaa gudaha garoonka meel qarsoon, markii la gaaray la kulankeedii madaxa wsiirada golda meir, waxaa lagu qaaday gaari lumaziin ah oo si qarsoon loogu geeyay Golda Meir, Golda si aad u wanaagsan ayay u soo dhaweysay, aadna uga mahad celisay sida waxaangsan ee ay u kaalmaysay dowlada israaiil una garab istaagtay, waxayna u sheegtay in israa’iil ay diyaar u tahay in ay soo dhaweyso, xilli kasta oo ay ayadu doonto, waxayna siisay hadiyad cabbiraysa adarinta ay u hayso, waxay u fidisay marti qaad ay marti u noqonayso muddo saddex maalin ah madaxa wasiirada qudheeda, waxaa loo sameeyay xaflad soo dhaweyn oo wasiiradii israa’iil ay ku qaabileeniyo hogaankii mossad ba, looguna mahad celiayay guusha ay u soo hoysay israa’iil.
waxay Hiba saliim xusuus qorkeeda ku sheegatay markii la soo dhaweynayay:
”waxaan dareemayay in aan ahay boqorad, oo markii diyaaradaydu u soo dhawaatay hawada israa’iil, waxaan arkay laba diyaradood oo kuwa dagaalka ah oo si sharaf mudan ii soo dhaweynaya, soo dhaweyn aan loo samayn cidna, markii laga reebo madaxda iyo boqorada dalalka, diyaaradihii dagaalkuna waxay nala socden tan iyo garoonkii, waxaa kadis igu noqotay sida weyn ee la ii soo dhaweeyey, dadka tirada badan ee I soo dhaweyay oo uu ka mid ahaa, madax Mossad iyo saraakiil kale, dareen waxaa I galay aanan sifayn karin oo wanaagsan, xafiiskii la ii waday hortiisa waxaa kula kulmay Golda Meir, ra’iisul wasaardii iyo janaraalo safan oo salaan sharaf ciidan ii saaray, golda Meir oo I baraysay saraakiishii meesha joogtay ayaa ayaga waxay ku tiri:
“Howsha aad u qabateen israa’iil mid wax badan ka badan kana weyn ayay gabadhaan dhallin yarada ah u qabatay dowlada Israa’iil iyo yuhuuda”
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply