BASAASADII HIBA SALIIM-Q-3AAD

 

 

Sidaas ayay ku bilaabatay in sihowlhihii ciidamada ee qarsoodiga ahaa gar ahaan kuwii galbeedka kanaal suweys ay israa’iil dheehato maqal iyo muuqaalba, warbixinaas oo ay ka hesho saxiinkeeda jacaylku indha tiray, waxaya isku dayaysan in ay ka faa’iidaysto inta ay qaahira joogo oo ay si wanaagsan gacanta ugu dhigto, waqtina iskama lumin ee waxayna waraaq u dirtay Edmond ay ugu sheegayso in ay waqti wanaagsan ciddeeda la qaadatay, ninna ay xariir yeesheen, balse eray wanaagsn ee waraaqda ku qornaa ujeedkiisu wuxuu ahaa halis, waayo waxaa uu sheegayay in ninkii dhallinyarada ahaa ay soo xera galisay, farxadii Edmond iyo sirdoonka israa’iil ba cirka yaya isku shareertay, ayaga oo ku faraxsan in hal dhagax ay laba shimbirood ku dileen, oo labaad shimbir mid ka mid ah ayba howshiisu tahay daanta galbeed ee kanaal suweys oo markasta ku dhex jiro ciidamada masaarida, xataa hoggaanka saree e mossad waxay ku tilmaameen in soo xera galinta ninkaan ay tahay mid ka mid ah guulaha waaweyn ee mossad gaartay gaar ahaan xilligaan oo ay dhex gashay ciidamada masaarida oo u suurta galinaya in ay tallaabo tallaabo ula socoto waxay Masaaridu ay ka danacsan tahay diyaar garoow dagaal.

 

Hibo waxay ku laabatay baaris, alkunkeediina waraaq ayuu u soo diray uu ugu sheegayo in baaris dlxiis u imaanayo oo ay kulmi doonaan.

Markii ay baariis ku soo laabatay durbadiiba waxay kulmeen Edmond oo ay u gudbisay warbixin ah sida ay ugu guulaysatay in shabaq soo galisay basaaska cusub, waxaa kale oo ay wax kasta oo warbixin ciidan oo hufan oo ninkaan dhalinyarada ah ay ka soo heshay, warbixinadaas waxay ahaayeen kuwa aad wax u tarya israa’iil gaar ahaan xilligaan la jooga, isla goobtii ayaa Edmond wuxuu ku siiyay jeeg ay ku qorantahay 10,000 oo farank una ballan qaady n nolosheeda baaris iyo tan qaahiraba ay badhaadhe noqonayso, balse jeegii waa ay diiday iyo wax dhaqaala ah in taba waana u mahad celisay.

 

Waxay oggolaatay uun in israa’iil ay ka bixiso qarashkaku noqoshadeeda qaahira saddex bilood ka dib, waxay u sheektay in alkundeedu imaanayo baaris bil ama laba ka dib, balse sarkaalkii sirdoonka Edmond wuxuu u sheegay in uu jeclaan lahaa in aan alkunkedu imaan baaris, siiba xilligan oo isha dowladu qaban socdalkiisa dibada, ee uu door bidayo in ay ayadu qaahira tagto markii muddo la jooga si ay uga hesho warbixno dheeraad ah una sii qaado hadiyado ay bixin doonaan sirdoonka israa’iil, ayaduna ay awoodeeda saarto sidii ay u ogaan lahayd diyaar garowga ciidamada masar ee kanaalka ayada oo dabcan adeegsanaysa basaaska ay so oxer galisay.

 

Socdaalkeedii labaad ee qaahira waxay ku guulaysatay in ay ka hesho warbixino hufan dhimayaasha goobaha ciidamada ee loo diyaarinayo in lagu rakibo lagana ridi gataalaha Sam-6, taasna waxay u suurto galisay israa’iil in diyaaraheedu duqeeyaan goobihiin intaan shamiitadii lagu dhisayay aysan qalalain, khasaare hub iyo nafba lehna ay geysteen, weeradii is daba jooga ahaa ee diyaaradaha israa’iil gaysnayeen waxay kalifitay in howshii oo dhan la joojiyo si ku meel gaar ah, howshii lagu dhisayay goobihii la dhigi lahaa gantaalha lid ku ahaa diyaaradaha israa’iil, waxay kale oo ay duqeeyee sar ka mid ah dhismihii dugsiga ciidamada kumaandoosa halkaas oo ciidamdii qaar ku dhinteen qaar kala bad baadeen.

 

Goobihii sida halka gantaalaha la dhigi lahaa ee sida huban loo duqeeyey ee an gafka lahayn, waxay ku abuuratay sirdoonka masaarida gaar ahaan laanta la dagaalanka basaasiinta tuhun in howl galkaas uu ahaa mid ay ka danbaysay mossad ayada oo adeegsanaysay qof u jooga aaggaas, waxayna isku keeneen wixii ciidamada sirdoonku ay khibrad lahaayeen si arrintaan loo baaro loona helo.

 

Baaritaankaan waxaa diirada lagu saaray in la ogaado cid walba oo socodkeedu ku badan yahay xarriiqda galbeed ee kanaal suweys, ayada oo aan loo kala aaba yeelayan, cayn kasta oo ciidan ah, iyo darajooyinkooda, ha hooseeyo ama ha sareeyo, qof laga reebayay ma jirin baaritaanka, waxaa kale oo kamid ahaa baritaanka in la ogaado dadka rayidka ah ee 24 kii saac ee maalinta u  ku noq noqda goobta, natiijadii ka soo baxaysayna waxay tilaamaysay in ay dhamaantood yihiin dad dalkooda u daacd ah, in yar oo tuhun ku hareereysan yahay maahane, aayar aayar waxaa u soo yaraaday goobaabintii dadka tuhunka laga qabay, ugu danbayn sarkaal ka tirsan ciidanka ka hor taga basaassinta ayaa ku guulaystay in uu hal qof qallinka cask u qoro,

 

Taas oo macnaheedu yahay in tuhunka laga qabo uu aad u sareeyo tan iyo inta ay sirdoonka Masaaridu gacanta ku dhigayaan wax caddaynaya tuhunkaas, waxayna laanta ka hortagu diirada saartay oo ku weynaa in uu jiro basaas u shaqeeya dowlada qalaad, is kasta oo ay muuqato in sirdoonka Masaaridu ka lug danbayso.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply