BASAASADII HIBA SALIIM-Q-2AAD

 

 

 

 

Waqti dheerna kama soo wareegin markii ay ogaatay dhabtiisa oo ah in uu yahay sarkaal mossad ah, oo danaynayo in xariir la yeesho dhallinyarada carabta lab iyo dhaddigba ee neceb dagaalada in dagaala dhacana hor istaaga, wuxuuna u sheegay in ay iska kaalmaystaa dhicaas, Hibana waa ay oggolaatay ayada oo aan ka didin lana yaabin un shegtay in ay diyaar u tahay.

 

Sidaas ayaa Hibo ugu dhacday dabinkii mossad, oggolaanshada ay oggolaatay in ay iskaalmaystaan darteedan wuxuu ku casuumay cashoay ku yeeshaan makhaaday kuwa sare ah oo ku taal jidka  Champs Elysées ee baaris, is aragas oo laba saac qaatay Hibo waxay uga sheekysay nolosheedii masar, intii ay sheekada wadayna sarkaalka sirdoonku mar mar ayuu weydiinayay faah faahin gaar ahaan bulshada qaybaheeda kala duwan ee ay aqoonta u lahayd masar gudaheeda, faahfaahimahaas oo doonayay wax aka mid ahayd kuwooda ugu muhiimsan in ay xubin ka tahay iyo in kale gole ciyaareed ama bulsho, waxayna ku tiri haa, waxaan xubin ka ahay golaha jaziira ee zamaalik ku yaal una dhow halkaan dagganahay, iyo in jallayaal badan ku leedahay, ayada oo ka warcelinayasa faah faahina dheerad ah oo sarkaalka mosad weydiistay waxay bilowday in ay u sheegto saxiibadeeda golaha iyo shaqooyinka ay qabtaan, tan iyo intii ay ku timid magic nin dhallin yaro ah oo xubin ka ah golaha oo injineer ah lugna ku leh dhismayaasha ciidan ee aagga kanal suweys ee u dhow magaalada ismaaciiliya,

 

Waxay u sheegtay in uu inta badan daba rooro ayada golaha dhexdiisa una soo jeediyay in uu alkunto balse yadu aysan rabin, balse irdihii uu nolosheeda ka soo gali lahaa foolka kaga xirtay, Edmond faraxad ayaa foolkiisa fuushay sidii ay u muuqatay in baadidii uu goobayay uu helay.

 

Mossad waxay bilowday qorshihii ay Hiba ku diyaarin lahayd kuna tababari lahayd, waxayna is tuseen in israa’iil agu dhex tababaro, waana ay u duushay israa’iil ayada oo adeegsanaysa baasaboor been abuur ah oo sirdoonka mossadu sameeyeen, halkaasna waxay ku soo qaadatay tababar adag oo ku saabsan arrimaha basaasnimada, sida farriimaha hal xiraalaysan loo diro ayado oo lagu diray raadiyaha ama qalin khada daahsoon, waxaana loo diyaaiyay in ku noqoshadeeda qaahira ay mossad ku gaaraan higsigooda ay doonayaan.

 

Beegsigii ugu muhimsana ee ay abaarayso wuxuu ahaa in ay soo dabto ninkaa dhalin yarada ah oo jacaylka la daba rooraya wax kasta oo ay ku qadato, oo asaga hammigiisa oo dhan uu ahaa in Hibo ka yeesho in uu alkumado, masar ayayna ku laabatay waxayna bilowday in ay shabaq u daadiso ninkii dhillin yarada ahaa oo sirdoonka israa’iil ay xiisa weyn u qabeen in ay maqlaan in quruxleydaas ay ku guulaysatay in ay soo xero galisay, sidaas ayaana dhacday oo wiilkii golaha ku soo laab laaban jiray wuxuu ku soo dhacay dabinkii Hibo ee moassad soo dajisay, xilli badana kama soo wareegin markii u alkuntay, oo jaalajaashiisii goluhu u hambalyaynayeen in uu alkuntay gabadha wax ka barata jaamicada Sorbonne,

 Sida dhaqanka u ah dhallinyarada masaarida oo gaf weyn ku dhaca ayuu Hibo kala sheegaystay shaqadiisa oo dhan si faah faahsan, in uu iskaga dhex goosho xerooyinka ciidamada iyo goobaha ciidamadu daganyihiin ee xarriiqda kanaal suweys, shaqadiisa darteed uu xariir la yeesho madaxda sar sare e ciidamada, oo xataa maalin kasta uu arko qorshaha ciidamada ee lagu qiimaynayo halka la dhigi doono gantaalaha cusub ee ruushka ka imanaya, wuxuu gaaray heer uu tusiyo Hiba saliim naqshada ciidanka oo ay ku caddahay goobaha lagu rakibi dooni ganataallada lidka diyaaradaha ee sam6.

[Sheeko kalana waxay leedahay, waxay ku tiri, haddi aad doonaysid in aad i guursatid waa in aad sirta ii soo gudbisa, sarkaalkii jacaylka la saqraansanaana waa uu oggolaaday.]

Si kastaba Hibo waxay ku guulaysatay in ay dhaadhiciso in ayda oo wax baranaysa oo la shaqaysa urur ka shaqeeya joojinta dagaalada oo nabada aduukna ugu baaqa oo saldhigiisu yahay baaris, waana uu oggolaaday balse xataa in uu ka kaalmeeyo ayuu ogolaaday, abaal marintii uu ku helay in uu howshaas lugaha la galena waxay ahayd in baahidiisii iyo rabitaankiisii galmo ee uu in badan ku riyoonayay laga dharjiyo, markii uu mabuus u noqday jacaylkeedii oo in uu ayada raalli galiyo  maahane aduun kale ka indha saabmay ayay u sheegtay ururka ay la shaqaynayso waxaa leh sirdoonka israa’iil, oo ballan qaaday nabad, qarsoodi, kalsooni, oo la shaqayntooda aan qof ifka saran uusan ogaan doonin.

 

Ayada oo sii adeegsanaysa dhaddignimadeeda iyo daciifnimadiisa ayay asagii oo dhan gacanta ku dhigtay, waxay ku guulaysatay in asaga oo raaliya ogoolaado in uu la shaqeeyo sirdoonka mossad, kana kaalmeeyo dhincaas, wuxuuna u soo gudbin jiray siraha ugu qarsoon ee ciidanka, wuxuu u keeni naqshadaha oo uu u faah faahin jiray, sidoo kale wuxuu uga jawaabi jiray oo u faah faahin jiray weydiimaheeda ku saabsan warbixinda ciidanka, sirta dagaalka, kuwaas oo ay isleedahay israa’iil ayay wax u tarayaan.

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply