BASAASADII HIBA SALIIM-Q-1AAD

 

 

.

Intii loo diyaar garoobayay dagaalkii 1973, sirdoonka Masaaridu waxay ku guulaysteen mid ka mid ah guulihii ugu waa weynaa ee ay ka soo hoyaan daba galida iyo qabashada basaasiinta mossad u shaqaysa ee dHibaatada gaarsiiya nabad dalka, ee nacabka la socodsiinyay diyaar garowga masar ee gadaalka.

 

Taasna waxay ahay Hiba Cabdiraxmaan Caamir Saliim, gabar Masaari ah oo ka dhalatay qoys maskax furan, oo markay dhalatay iyo intay jaamicada ka baxaday aan wax dana ka lahayn qiimaha bulshada, waayo ciddeedu waa ladnaayeen, waxayna tusaale u ahayd nooca aan wadaniyada lahayn.

 

1968 ayay ka qalin jabisay dugsiga oo ka qaadatay shahaadada darajda koowaad ku qaadatay afka Faransiiska, gu’ intii uusan ka soo wareegan ayada oo lagu tixgalinayo heerka fiican ee ay ka gaaratay wax barashadeedii afka Faransiiska ayaa baraheedii Faransiiska u qal qaaliyay in ay wax barashadeeda ku sii wadato jaamicada Sorbone, waxaana lagu marti qaaday jaamicada Sorbonne, gu’ ka dibna waxay ka heshay isla jaamicadaas deeq wax barasho.

 

Saaxiibadeed waxay u yaqaaneen in ay tahay gabar Masaariya oo siday u noolaato xor u ah tan iyo yaraanteedii, si fudud ayayna u dhex gashay bulshadaas wax walba u banan yihiin, waxaana aad u kaalmeeyay afka Faransiiska ee ay sida fiican ugu hadasho, Baaris dhexdeedana mudu ayay u shaqaynaysay shirkadaha dharka iyo kuwa cadarada oo u ahayd suuq geeye.

 

Intii ay jaamicada dhiganaysay waxay saaxiibeen gabar Yuhuudiyad ah, balse asal ahaan ka soo jeeda Poland, dhowr jeer ayaana tan Poland ta ahi ku casuuntay xaflado aqalkeeda ka dhacayay oo dhallin yaro badan oo u badan Israa’iiliyiin ay ka soo qayb gali jireen, xiriirka ayada tan Poland ta ahna kama marnayn labeebnimadu, dhowr jeer oo ay sheekaysanayeen ayaa Poland diyadu ka dareentay in Hibo aysan dan ka lahayn dalkeeda, waxa kaliya ee aduunka rabtana ay tahay in ay badhaadhe ku noolaato, iyo in ay dagaalka neceb tahay oo jeclaan lahayd in aan dagaal ka dhex dhici Masar iyo Israa’iil.

 

Aragtidaas Hibo ayaa ku dhiiri galisay gabadhii kale in ay habeen ku casuunto in ay daawadaan filin ka sheekaynaya nolosha bulshada Israa,iil iyo habka wada jirka ah ee ay uga shaqaynayaan beeraha la wada leeyahay, iyo sida bulshada Israa’iil ay u tahay bulsho shaqaysata oo is kaalmaysa oo wax soo saarata,  si qofka Israa’iiliga ah uu ugu noolaado badhaadhe iyo nabad, waxaa kale oo ka daawadeen horumarka Israa’iil ku talaabsatay dhinca xornimo ku noolaansha iyo dimiqraadiyada, intaas waxay door weyn ka qaadatay in ay Israa’iil qadarin u qaado oo ay ku qanacday in dowladaha Carbeed ee dariska la ah Israa’iil ay yihiin ayagu kuwa kaligood istusiyay in Israa’iil tahay dowlad dhib u wada, oo haddi aan Israa’iil garab ka heli lahayn maraykanka ay carabtu badda ku dari lahayd.

Sidaas ayaa maskaxdii Hiba waxaa ugu beermay in Israa’iil ay tahay dowlad xoog leh oo aysan Carabtu in ay iska celiyaan oo dagaal ku jabiyaan aysan dhacayn, oo xataa dagaal joogta ahay israa’iil kaga fiican tahay Carabta.

 

Sidaas ayaa dowrkii Polan diyadu ku dhamaaday markii ay ogaatay in Hiba Saliim ay tahay ugaarsi fudud, waxaana bilowday dowrkii dhaqtar Faransiis ah oo la yiraahdo, D. Bourtois, kaas oo ka shaqaynayay isbitaalka San Michele, wuxuuna ku bartay Hiba salim xaflad ka mid ah xafladii qoobka ciyaarka oo lagu baray in Hibo ay tahay wakiil ganacsi ee shirkado dhar iyo caraf, is aragoodii ay isku arkayeen xafladanahana waa uu batay.

 

Markii uu hubsaday D. Bourtois, intii ay xariirka lahaayeen in aragtida Hibo ka qabto israa’iil ay tahay mid ka run ah, ayuu baray saaxiibkiis Edmond la yiraahdo.

Edmond wuxuu gacanta ku dhigay Hibo ayada oo diyaar ah, raalina ka ah in ay kaalmayso, wuxuu aad ugu ammaani jiray garaadkeeda, howl karnimadeeda iyo aragtideeda ku aadan Israa’iil, xariirkoodiina waa sii horu maray mana ku qaadan waqti badan in uu u sheegi inuu yahay dhab ahaantii mid ka mid ah dadka u halgama nabada Carabta iyo Israa’iil, uuna doonayo in ay is kaalamaystaan si nabad dhab ah looga dhaliyo bariga dhexe, gaar ahaan Masar iyo Israa’iil, ugu horeyntiina wuxuu ka codsay maadaama ay af Faransiiska ku fiican tahay in ay qaar ka mid ah wargaysyada iyo toddobaadlayaasha ka soo baxa briga dhexe ay u turjunto, shaqadaasna in ay lacag ku qaadato waa ay diiday.

 

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply