Dhaxalkii ay heshay ayadu iyo tii caymisku waxay isku noqdeen nus milyan doollar, iyo gurigii Israa’iil ku yaalay, iyo in nabadgalyadeeda oo si heer sare ah loo ilaaliyo.
Ayadana waxaa is argaas looga baahnaa in ay kaalmayso oo waxii looga baahdo ay ka noq noqsho la’aan u fuliso, Amiina waxay u ahayd Israa’iil hanti aad u weyn, waayo carabiyad dhul iyo qaraabo weyday, kuna nool baqdin iyo xaalad naf ahaaneed oo adag, meel ay caga dhigto aduunka aan lahayn Israa’iil maahee, in fursadaas ay ka faa’iidaystaana waa lama huraan, nacayka ay carabta u qabto lagu badiyo, carabta ayaa dilay ninkeedii ay ku haystay nabad galyo iyo dhowrid iyo xanaano, gadaashiisna ay u baahan tahay cid ilaalisa oo garab taagnaata.
sida ay filayeen waa ay saxsanaayeen, waayo Amiina waxay sidataa saddex dhalasho, Urdun, Israa,iil iyo Awtrariyan, mana u baahnay qorshe iyo kaa baaraan dagid badan in loo soo jiido dhinaca buulka basaasiinta, waxaa tan iyo dhuunta u soo gaaray oo inay ku hafato u dhowayd, dayacnaan, rajo xumo, iyo liidasho, in ay dalkeeda iyo diinteeda iibisana waxba lama ahayn.
bilowgii horeba Amiina waxay iska bixisay dharkii iyo dhaqankii reer bari ama carabta, oo ay ku badshay dhaqan reer galbeed iyo rabitaan reer galbeed, waa ayna ka tagtay, diinteedii, carabnimadeedii, dhowrnaanshaheedii, sidaas darteed kuma adkaan sadexdii nin in ay ka faa’iidaystaan, daciifnimada dadnimadeeda, iyo dugaagnimadeeda ayaga oo og necbaanta ay carabta u qabto gaar ahaan Falstiiniyiinta, sirdoonku waa xeer mabda’ oo aan naxariis lahayn, damiirna aan shaqo ku lahayn, waa aduun yaab leh oo galgacayl ka dhamaaday.
sidaas ayayna Amiina ugu dhacday dabinkii basaasnimada, hoggankana u dhiibatay saddexdii sarkaal oo ayagu tababar badan ku siiyay muddo bil iyo afar maalmood ah gurigeeda dhexdiisa ee Fiyeena, muddadaas waxay ku baratay, siyaabaha wax loo tif tifo ee kala gadisan, sawir qaadid, qoraalka hal xiraalaysan, sida warka loo helo, sida layku ilaaliyo, iyo hubka noocyadiisa.
waxaa kale oo la baray, sida filimada sawirada loo caddeeyo, sida daba galka looga fakado, qoryaha loo adeegsado, nin ku xeel dheer sida xasuusta loo xoojiyo oo warbixinada iyo lambarada maskaxda loo kaydiyo oo aan loo hilmaamin ayaa Israa’iil laga keenay, qayb filin ka mid ah inta loo shido ayaa ka gadaal la weydiin jiray:
” Immisa saxan ayaa miiska saarnayd? Midabka daahyada dariishadu sidee u ekaayeen? Jaranjartu meeqa kabbis ayay ka koobnayd?
tababarkeedii basaasnimo ee ugu horeeyay aad ayay ugu guulaysatay, waxayna ka sii qaaday in ay ku sii adkaysato in wax kasta ay samayso sidii ay ugu aar gudi lahayd ninkeedii, lagu waayay meel u dhow buuraha Goolan ama koofurta Libnaan, waa in ay Mossad la safato oo carabta kala soo horjeesato, si ay u hubiso jacaylka ay monshe u hayso ayaa higsigeedu ahaa.
waxay u socdaashay Beyruut, umana aadin in ay ninkeeda soo hesho balse in ay aargoosato, howsheeduna waxay ku koobnayd ka soo warbixinta raga ururada Falastiin, iyo kuwa iska caabinta kula jira Israa’iil, waxaa kale oo loo xilsaaray in ay soo ogaato goobaha ay daganyihiin Falastiiniyiintu iyo jidadka ay falastiiniyiintu u soo maraan markay soo xaluulanayaan Israa’iil, iyo In ay dhex gasho oo soo ogaato tirada ciidammada, tababaradooda, sida ay u hubaysan yihiin, xirfadooda dagaal, iyo goobaha kaydka hubka.
Aqal ayay ka kiraysatay mid ka mid ah dhismayaasha xaafadda rowsha ee Beyruut,oo ka mid tahay xaafadaha ugu qurxoon Beyruut, markay balkoonka gurigeeda taagantahay badda ayaa horteeda ah, lyo labada qar ee dhagaxda adayga ah ee qurxoon ee ay caan ku noqatay xaafada Rowsha, in yarna u jirta makhaayada Dolshe vita ee Bayruut ugu caansan, oo ahayd halka ay isigu yimaadaan, fanaanita, aqoon yahaynada, basaasiinta iyo dalxiisayaashu.
Waxa kaliya ee Amiina dhibku hayay waxay ahayd khadka telefoonka oo aan u shaqaynayn, sidaas owgeed waxay booqasho ku gaartay saxiibteed Khadiija ee Urduniya ahayd, si ay uga kaalmayso arrinta telefoonka,waana ay ka codsatay, durbaddiiba khadiijo waxay wacday Manuwel Casaaf, oo ka shaqeeya isgaarsiinta, aroortii labaadna asaga ayaa qof ahaan u tagay aqalkii Amiina, wuxuuna u sheegay in dhibka jira uu yahay xag farsamo oo xaafadda oo dhan haysta, wuxuuna u balan qaaday sida ugu dhaqsiyaha badan in uu ugu xallinayo, waxay siiyay konton liire, si uusan u illobina jirkeeda ayay u hibaysay,
Waayo waxay u aragatay in kan uu yahay ugaarsi fudud oo ay u sii mari karto si ay ku hesho telefoonada iyo cinwaanada madaxda Falastiiniyiinta, Amiina shalaytiin kama qabin in ay dalkeeda iyo diinteeda gadato, haddana kama qabin in jirkeeda u hibayso Manuwel , kaas isku dhiibay Nagtaan dhallinta yar ee indhaheeda ayka muuqato baahi ay u qabto galmo, jirkeeda uu ka soo karayo carafta udug ee dhaddignomo iyo rabitaan, awoodii oo dhan ayay ka siibtay, dhinac walbana ka hareeraysay, meel uu kaga fakadana uma banayn, hammuun uu qabay ayuu kala dul dhacay, asaga oo rumaysan in uu ayada dabinkiisa ku soo riday, markii ay ayadu si basaas xirfad leh ay laabtiisa ugu jiiftay, iskuna muujinaysay in ay hortiisa aysan itaal ku lahay oo ay cagahiisa hoos joogto, balse ujeedkeedu raaxo iyo galmo waa ka fogaa, dumarka basaasiinta ahna sidaas ayay u dhaqmaan oo galmadu xagooda waa meel ku gaar uun bes.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply