BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-3

Balse Moshe oo asagu raadinayay in uu shaqo ka helo shirkadaha diyaradha rayidka ah waa ka hor yimid siday rabtay, asaga oo marmarsiyo ka dhigaanaya, israa’iil iyo carab xaalad dagaal bay ku jiraan, mana dagayso xaaladaas inta dul iyo dad laysku haysto.

Tuugmadeedii is daba jooga ahay, Moshe wuxuu waraaqo gaystay safaarada israa’iil. bishii Novenbar na waxay u duuleen israa’iil, waxayna la kulmeen soo dhaweyn wanagsan kolkay garoonka ka dageen oo uu is yiri Moshe xaaskaagu waaba qof caan ah, rayn rayn ayuu la dhoola cadeeyay markii uu arkay xaaskiisa, sida imaatinka dalkaan ku cusub ugu faraxsan tahay iyo dagaankooda cusub ee rishon lezion,

dhowr maamlmood ka dib Amiina waxa u yeeray qolo ka mid ah kuwa nabad sugida, waxayna weydiiyeen boqolal weydiimood, ku soo korniinkeedii urdun, cideeda, shaqooyinka xigtadeeda, dadkay yaqaanaan, siday ku baratay Moshe, guurkoodii, ayaduna si dheer oo tafaf tiran ayay ugu jawaabtay.

 

Waxaa kale oo la weydiiyay, sida ay u aragto israa’iil iyo dareenkeeda ku aadan Urdun iyo Falastiiniyiinta, waxayna u sheegatay in ay necebtahay Falastiiniyiinta iyo jabhadoodaba, boqor Xuseen na uu ku gafay in uusan dhamman tood layn, waayo waxay neceb yihiin Sharkishiinta laga tira badan yahay ee Urdun dagan, guryahooday ku garaacaan, hantidooday dhacaan, ayaga oo u haysta in adeerkeeda janaralka ah oo ka danbeeyay xasuuqii 1971, kana qayb qaatay.

Waa la bogaadiyay muwaadinada yuhuuda ah ee cusub, aqalkeedii ayaana lagu celiyay waxaana loo balan qaaday in shaqo wanaagsan goor dhow loo heli doono.

Moshe wuxuu bilaabay tababar ka dib markii ladacalacsiiay, dhammaadkii 1973 ayuu ula kacay diyaardiisii sky howk dhinaca soohdinta Suuriya ilaala ahaan, balse madaafiicdii lidka diyaaradaha ee Suuriya ayaa haleeshay, tan iyo ilbiliqsigaasna waxaaa lagu xisaabiyay in uu howlgaka lagu waayay oo meelna lagu sheegin, waayo Suuriyiintu ma sheegan in ay haysaan duuliyahaas, balse waxay sheegeen in diyaaradaas qaraxday duuliyihii oo ku dhex jira.

 

Amiina warkaaas ma rumaysan, maalmo badan ayay sawaxan iyo qaylo aan kala go’lahayn ku jirtay, markii lageeyay rugta bukaan eegtada ee nerfaha, Amiina codkii ayaa ku dhagy oo ka soo bixi waayay, hadalna waa laga waayay.

 

had iyo goor waxay taagnayd dariishada qolkeeda oo ay cirka eegi jirtay, mar marna shimbiraha duulaya ayay isha la raaci jirtay oo ku dhaygagi jirtay, hal bil iyo bar ka dib ayay hadashay, ayada oo leh warbixinta Suuriyiinta tuhun ayay ka qabtaa, oo Moshe weli waa nool yahay oo wuxuu ku dhuumaalaysanayaa kaynta iyo godadka, waayo duuliye xirfad leh ayuu ahaa.

Aqalka waxaa la joogay xeel dheere cilmi nafsi, waxaana uu maqli jiray ayada oo isku la shekaysanaysa cod dheer, habeenkiina maqli jiray ayadoo qalbi jab la taahaysa.

Waxay caradedii kula dul dhacday Carabtii Urdun ku dhibay, oo Awstariya uga soo carartay, oo dhumiyay riyadeedii daganaansho ee Israa’iil.
Musiibo aayatiinkeeda loo soo diray ayay carabtii u aragtay, ninkeedii dhaafiye, nolosheedii bur burtay, waxa kaliya ee ay ku tallamaysay waxay ahayd in ay aargoosato.

 

Sugiddii ayaa ku dheeraatay ka dib markii ay dalab dowlada u ugudbisay oo ay kaga codsanayso in loo oggloaado in ay aado Bayruut iyo Dimishiq oo war ku saabsan ninkeeda ka raadiso.

 

Maalmo ka dib waxay baasaboorkedii Israaiiliga ahaa ugu duushay Fiyeena oo ay la kulanatay qoyskii monshe, dhow maalmoodna ay la joogta murugtiina kala qaybqaadatay, waxay aaday gurgeedii oo ay ku soo xasuusaty xilliyadii ugu wanaagana nolosheeda, murug iyo wadne jab ayay kula dhex wareegaty aqalkii, kuraasta dhexdooda, daahyada, waxay dhex qaaday qolkeeda, wadnaheeduna Moshe ayuu u yeeray, waxay taa taabaatay buugtiisii, cajaladihiisii, kabihiisii, si dhib leh ayay nafteeda ugu qancisay in ay aqalka ka baxdo, waxayna horay u sii qaadatay boorsadeedii, iyo baasaboorkeedii Urduniga ahaa, waxayna u duushay Beyruut..

Shaaric al xamraa oo ah jidka ugu caansan Beyruut ayay hotel ka dagtay, war wareegii magaaladana waxay ku baratay marwo Libnaan ah, balse isirkiidii hore ahaa Urdun, Khadiija Zahraan magaceedu yahay, lehna dukaan dharka tolan lagu gado, Amiina dhar badan ayay ka gadatay oo lacag badan joogo si ay ugu dhawaato Khadiijo, waxayna Khadiijo u soo heshay, gui yar oo dagaan ah oo ku yaal xaadadda cayn rumana, markaas ka dib Amiina waxay u xayd xaydatay in ay ninkeedii raadiso, warkiisa ka dhaga dhagaysato Falastiiniyiitii xaafada sida aadka ah ugu badnaa, dhowr socdaal oo ay ku kala bixisay Beyruut iyo Dimishiq, waxay ku guul daraystay in ay hesho wax laabta u dajiya, waxayna tuhun la’aan ogaatay in Moshe la dilay, waxayna dib ugu laabatay Fiyeena , ayada oo murug la uumi baxaysa oo maankeedu uu ku dhow in ay walato, war war iyo walaacna dhuunta ka cejiyeen.

 

waxaa hurdada ka kiyay telefoon uga soo dhacay Tel aviv ayad oo huruda aqalkeedii Fiyeena, aroortii waxay gurigeeda ku soo dhaweysay oo u yimid saddex nin oo mid ka mid ah ay u aqoonsatay inuu ka mid yahay sirdoonka Israa’iil, ujeedkooduna yahay in ay dhameeyaan arrinta dhaxalkeeda, ayada oo aan wax buuqa aysan ka kicin dhica qoyska ninkeeda iyo dhinac kalaba, ha ahaato Awstariya ama Israa’iil.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply