BASAASADII AMIINA MUFTI-Q-2

Booqashii sara cideeda ay ugu tageen wadnaheedu aad ayuu u garaacay, waana markii labaad intay noolayd ay dareenkaan aan la qiyaasi karin ay aragto, waayo Moshe, Walaalka ka weyn sara wuxuu ahaa mid aan layska celin karin oo soo jiidasho leh, eegmadiisa iyo hadalkiisuna maanka la tagayaan, oo fir fircooni ka muuqato iyo caraf dhallinyarnnimo.

Waa ay kawar haysay inuu duuliye ciidan oo dhamme ah uu yahay, oo toddobo gu’ ka weynyahay, uu waalli ku qabo baabuurta iyo xaragada, uuna jecelyahay gabdhaha reer bariga ee timaha madoow.

Mar ay kali isku noqdeen Amiina waxay ku dadaalaysay in aysan xera dhafin, balse dadaalkeedii hal bacaad lagu lisay ayuu noqday, oo waxay isku dhiibtay in farihiisu ay timaheeda dhex galaan, kuna guuleystay in uu si xoogle u dhunkado oo afka afka u galiyo. Ayaduna isku dhiibto macaanka dusheeda wada saaqay, labtana iska tiraahdo,  “waa run, rag baa naloo abuuray”.

gacmihiisa ayay ku dhex jirtay, oo jirkiisa timaha leh ay daawanaysay, oo ay la saqraantay macaanka is dabajooga ah ee qayb qaybta u soo dhacayay, oo ay quustay bad miid macaan oo ay hamuun iyo xiisa u qabtay, markaas uun bay soo daysay oo banaanka soo dhigtay dareenkii ku jiray, oo si dhab ah oo liidasho ka muuqato u qiratay jacaylka ay u qabto.

Sidaas ayaa Amiina ugu tallabsatay tallabadii xaaraanta ahayd dhinaca duuliyaha Yuhuuda ah, ayaduna ay muslimad tahay, oo ay la dhac dhacday saqradii macaanka miyir la’aan oo ay fiinta sare ka dagtay, markii miyir xoogaaya ku soo laabtay waxay u carartay Fiyeena, ayada oo dareemaysay in jirkeedu wasakhoobay oo garaad yari qaaday.

Aqalakeeda markay tagay ayay in ay illowdo isku dayday, in ay jirkeeda danbiga ka dhaqdo, in ay xasuusteeda ka tirto ninki u horeeyay ee dharka ka dhigay, gabarnimadeedii bur buriyay, gaarsiiyay fiinta dhaddignimadeeda, balse telefoonkii uu la daba joogay ayaa tiritiray go’aankeedii, garaadkeeduna iska celin waayay weerarkii dareenkiisa,  oo isla yaaraty hortiisana ku daciiftay.

Is aragoodii ayaa batay, Amiinana waxba kama hagran si ay farxadiisa u siiso, nafteedana waxay ka dhaadhicisay in ay gar u leedahay in ay siday rabto u noolaato, tijaabiso, galmaysato shallaytiin la’aan. Waxaa aad joogtaa carro aan dhowrsanaan iyo bikro laga aqoon ayay nafteeda u sheegtay.

Sidaas ayaa shan gu’ ku martay, dadaal badan ka dib Moshe wuxuu ku kaalmeeyay in ay hesho shahaado sare ”PHD” oo been abuur ah, waxayna ku laabatay uUrdun bishii September 1966, ciddeediina si aad u diiran iyo farxad ayay ku soo dhaweeyeen, kana dalbadeen in guurka ina adeerkeed ay ogolaato, waxayse ka dalbatay in xooga loo sugo inta ay isbitaal ayada u gaar ah ay ka furanayso.

intii lagu guda jiray samaynta waraaqaha ogolaanshada isbitaalka, ayaa waxaa xurguf dhex martay ayada iyo agaasimihii wasaarada, waxayna ku dacweysay wasiirka caafimaadka oo asna dacwadeeda kool kooliyay oo amray in baaritaan lagu sameeyo arrintaan si dag dag ah, intii britaankii dacwada lagu jiray ayaa gudigii ka shakiyeen run ahaanshada shahaadada, waxayna ka dalbadeen Amiina in ay mar kale ka soo cadayso fiyeena run ahaanta shahaadada, ayada oo ka cabsi qabta in runta la ogaado oo ayada iyo cideeduba ceeboobaan, ayay Awstariya ku laabatay, gudaheedana nacaybka dalkeedu oo buux dhaafay.

Fiyeena markay tagtay, waxay durbadiiba u tagatay Moshe oo xanaano iyo naxariis iyo raaxo ay ka hesho.

Barafka oo dhacaya bishii Disember ayaga oo Meel buunda ah maraya ayaa Moshe istaagay oo ku yiri si kadis ah:

” Amiina, aan is guursano”

Ayadoo ka baaraan dagin ayay inta isku duubtay tiri:

” Gacaliye Moshe, haddaba waan is qabnaa”
Si dhab ah ayuu u yiri:

”Guur rasmiya oo aan macbadka kugu guursadaan arabaa”.

Macbadka Shimodit gudihiisa Amiina waxay qaadatay diinta yuhuuda, iskuna guursadeen ayada iyo Moshe, magaceedina u ragtay, ”ani Moshe”.

qol weyn ayay dageen oo magaalada geeskeeda ku yaal, oo doog iyo cagaar badan ku beeran yihiin, bannaan weyna leh, kayn aad u badana meel fog kaga beegan tahay, oo aad u malaysid madaxyo ayada cayrsanaya markii ay kali noqoto, oo Amiina waxay is tustay in ay ka fogaato indhaha sirdoonka carabta oo ay istiri waa ay ku raadsanayaan, waxay nacday in ay banaanka xataa luga baxsi u aado kaligeed ama haddii ninkeedu la socdaba, waxaana hareereeyay baqdin.

Mar mar hurdada ayada oo qaylinaysa ayay ka soo boodi jirtay oo bastoolada guriga hadba dhinaca ku aadin jirtay ayada oo dad ka raadinaysa dad.

Xagaagii 1972 ayaa Amiina wargays ku aragtay ii dheh yaab leh, israa’iil oo raadinaysa, dad yuhuud iyo yurub ah oo ku biira ciidamada, mushaar wanaagsanna qaadanaya iyo gunno fiican,

rayn rayn ayaa gashay naagtii murugta la hagoognayd, waxayna is tustay in ay heshay xalkii dhibaatadeeda, waxay sugtay inta Moshe ka imaanayo si ay uga dhaadhiciso in uu u ogolaado, waliba asagu wuxuu u soo saari karaa baasaboor israa’iili ah iyo aqal dagaan ah israa’iill dhexdeeda, labadooda oo xaga joogana ayada baqdin waa is daynayaan.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply