BASAASADII AMIINA DAA’UUD-Q-1

AFEEF; waxaa jira qoraa kale oo turjumay sheekadaan, tanse waa tii aan anigu turjumay, qofkii tiisa akhriyay wuxuu garan karaa kala duanaanshada sida loo turjumay, sidaas ha loola socdo, yaan laygu soo boodin sidii dhacday xilli hore,

Magaalada Cammaan ee dalka urdun ayay ku dhalatay Amiina Daa’uud Mufti, gu’gii 1939, waxay ka dhalatay qoys sharkasi muslin ah oo u soo baqoolay urdun gu’yaal badan ka hor, meel sarena kaga jiray bulshada iyo siyaasadda, wayo aabaheed wuxuu ahaa ganacsade dahab oo hodan ah, adeerkeedna janaraal ciidanka boqortooyada ayuu ahaa, hooyadeedna qof aqoon leh oo afar af si fiican ugu hadasha ayay ahayd xariir adagna la leh dumarka bulshada sare.

Amiina qoyskeeda ayada ayaa ugu yarayd, waxay walaalo lahayd saddex gabdhood oo la qabo iyo saddex wiil, waxayna ku soo kortay kool koolin iyo mayac, waxayna ahayd farxaddii aqalka oo qosolkeeda yar meel walba laga maqlo.

Dugsii sare markay bilowda ayaa dhaddig nimadeedii soo baxday, muuqaal qurxoon, jilicsan, il qabad leh, soo jiidasho leh, garaadna badan, in kasta oo ciddeedu ahaayeen dad dhaqanka ku dhagan oo dhowrsan, haddana ayadu aad ayay ugu jees jeesi jirtay dhaqanka reer bariga ee xir xiran, waxayna u hanqal taagi jirtay madax baani iyo jacayl.

baadi doonkii wadanaheedu ugu jiray jacayl waxay jeclatay ” Bassaam”oo falastiini ah, waxyna kula burqatay hirar dareen jacayl  oo aan soohdin lahayn iyo kala go’ toona.

balse jug xun ayay ku noqotay markii gacaliyaheedii ka tagay oo uu ka raacay gabar kale oo ayada ka qurxoon kana dagan, waraaq uu u soo qorayna wuxuu ku yiri,

” qof nafteeda kaliya jecel baa tahay, xanaaq badan, dabeecad qallafsan” sidaas ayaa gacaliyaheedii ugu muujiyay, xumaanta ay la soo korayso iyo sida habowsan ee ay nolosha u fahantay.

jacaylka ay u qabtay gacaliyaheeda oo aad u xoog badnaa oo wax kasta ka weynaa, erayadaas iyo tagiddisii qarracan ayay ku noqdeen, gil gilay wadnaheedii yaraa, waxaana indha tiray rabitaan aar goosasho.

Arrintaas ku dhacdayna, raad reeb ayay ku yeelatay wax barashadeedii, oo dugsigii sare waxay kaga qalin jabisay buundo hoose, taasna ay ku dhalisay in ay yurub jaamicad u aado, Yurub wax barasha u doonashaduna waxay ahay dhaqanka dadka hodanka ah ee reer Urdun.

1957 ayay ku biirtay jaamicadda fiyeena ee dalka Awstariya, waxayna dagatay dhowr toddobaad inta laga furayay dagaanka ardada ee jaamicadda, guriga 56 ee jidka Yohan.

Nololshaan cusub waxay Amiina ku beertay farxad iyo rayn rayn iyo diirimaad nooc kale ah, qolka waxay isla daganaayen ardayad dhaqratad baranaysay oo wax barashadu gaba gaba u tahay, Juli Patrick oo koofur afrika ka timid, khibradna u leh nolosha yurub, Juli ayaa bartay sida sigaarka loo dhuuqo, waxayna uga digtay in ay xariir la yeelato wiilasha waayo uur iyo ilma soo ridid waa dhib, Juli waxay ahayd labeeb dumarka jecel oo laraaxysata, Amiina na waa ka ogolaatay labeebnimadii markii ay dhowr jeer Juli ku dayday aayar aayarna waa ay qabatintay labeebnimadii, waxayna u aragtay labeebnimada jidkii ay kaga bixi lahayd xir xirnaanta reer bariga iyo xishoodka, oo ay ku madax banaanaan lahayd.

Dhammadkii sannad dugsiyeedka Juli waxay ku noqotay dalkeeda, Amiinana aad ayay ugu hiloowday macaankii maandooriyaha ku noqday, waxayna ku dhawaatay gabar kale oo la yiraahdo Jenifer, waxayna ku dadaashay in labadoodu ay isla dagaan, maamulkii sartuna waa ka oggolaaday, halkaas ayay howsheedi la sii wadatay Jenifer.

Sidaas ayaa gu’yaashii wax barashu ugu dhamaadeen Amiina, waxay qaadatay shahaadada koowaad ee jaamicadda kuna qaadatay aqoonta cilmi nafsiga” PSYSHOLOGY”, 1961 ayay ku laabatay Urdun ayada oo dhibsanaysa oo nonol kale baratay oo dareen kale leh, nolosha xir xirana aad u nacaysa.

In kasta oo dhibaataas ay ku jirtay iyo  war war, haddana waxay soo xasuusatay.Basaam, saaxiibkeedi hore, magaalada Cammaan ayay kor iyo koofur u qaaday oo ka raadinaysay asagii, waxaase ka gariirsiiyay dhabtii ay ogaatay oo Basaam wuxuu guursaday gabadhii qurxoonayd ee reer koodu saboolka ahaa,  waxaa hareereeyay qalbi jab iyo xiqdi, xal kalana waa u weyday arrinteeda in ay Awstariya ku laabato maahane, ayada oo mar marsiyo ka dhiganaysa wax barashaydaan sii wadan oo shahaado sare ayaan soo qaadan, balse ay ka go”an tahay inaysan dib u soo laaban waligeed.

Amiina mar kale ayay Awstariya ku soo laabatay, ayada oo gudaha ku sidata wadne googo’ay iyo qalbi burbursan, fool macbuus ah , karaahiyo iyo aamusnaana jirkeda cuneen, balse markii aya timid durba waxaa haf ku soo yiri  neecaawdii madaxbannaanida Yurub taallay, waxayna u dhaqaaday in ay shaqo raadsato oo ayadu is meel mariso, ayada oo aan danayn biilka aabaheed bil walba u soo diro, waxay shaqo ka bilowday warshay qalabka caruurtu ku ciyaaraan soo saarta.

si kadis ahna waxay isku barteen gabar Yuhuud ah oo la yiraahdo Sara Bird oo ay isla shqaynayeen, aqalna wada kiraysteen, nolosheedii labeebnimada ayay meeshii ka sii wadatay, ayada oo iska dhaga tirtay rabitaanka ciddeeda oo rabay in loo guuriyo in adeerkeed hodan ah.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply