BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-9

Sidaas ayay Mossad wareer ugu jirtay, si kasta oo ay u baarana ay waayeen jawaab qancisa, balse Is weydiimihii ayaa sii batay, Amiina waxaa amar lagu siiyay in ay ka tagto Suur oo ay aado Beyruut, in ay joojiso war soo dirka iyo raadintintiisa, balse basaasada madax adag ee ciilka qabtaa waxay dirtay warbixin Mossad oo dhan madaxa iyo majaha u rogtay oo maskaxdooda ka weynaatay,

 

waxay u sheegtay in dagaalyahano Falastiini ah ay soo xaluulan doonaan aroorta hore, ayaga oo ku hubaysan qoryaha RBG iyo ak47, bambo gacmeed nooca hangari samayso, iyo miinooyinka cajiinka ah, si ay u duqeeyaan degaanka Jishar Hazif, kuna beegan maalinta loo dabaal dagayo maalinta dalka, ciidamdii nabad suggiduna waa ay isku xeeraan dagaankaas, oo waxaa la dhigay baro baaritaan oo badan, 15 may 1974, ayaa xaabbadii is qabsatay oo dagaal qaraar bilowday, balse ma ahayn meeshii ay ka sugayeen ee wuxuu ka dhacay meel aad uga fog oo aysan ka filayn.

dagaalku markaa wuxuu ka dhacay tuulada, Macaaluut, oo toddobo dagaalyahaniin ay hareereeyeen oo gantaallo roobka kaga dhigeen, degaankii oo dhan iyo jidadkii ay qabsadeen, dhowr gaadiid ciidanna gubeen, lix saacadood iyo barna khasaaraha dagaalku waxuu ahaa 117 Israa’iil oo dhaawac ah iyo 25 dhimasho ah,

amaradii Mossad ee ahaa in Amiino howlgalkeeda hakiso taas oo ayada lagu badbaadinayo, dhag iyo jalaq uma aysan siin, Amiina nafteeda gacmahay ku sitaya, halis iyo baqdin xisaabta uguma jirin,  intii ay dhiirranaan ku jirtay intay isku soo aruurisay ayay Maron Xayka ka dalbatay in uu ku soo booqdo aqalkeeda Beyruut, asagauna si dhaqsa ah ayuu ugu yimid, asaga oo niydda ku haysta in casuumad macaan sugayso, balse markii uu qolka fadhiga soo dhex istaagay dhinacna waa u nuuxsan wayaay, dhiigiisii socday inuu istago ayuu ku dhawaaday, indhuhiisiina ay ku dhaygageen darbiga ay ku sawiran tahay xiddigtii buluuga ahay ee Daa’uud, astaanta yuhuuda.

‘‘Fariiso doqon yahow” ayay si kulul u tiri

‘‘Adigu yaad ahayd?”

” Haa, Israa’iiliyad baan ahay”

Walbahaar dartii ayuu Geesaha eegay oo yiri:

” Maxaad iga rabtaa aniga?
” Arrin ayaan wada bilownay, waana in aan wada dhamaynaa”

‘‘Arrin aan wada bilownay….. waxba kulama bilaabin, waxnana ma ogi”

” Waxba ha isku kay dabaalayn, si fiican baad u ogtahay inaad ila shaqaysid oo Israa’iiliyiinta aan u wada shaqayno, nolosshaada iyo nolosha cidaaddu hal far aan nuuxiyo ayay ku xirantahay”

‘‘Ilaahoow I badbaadi, dhibkaan iga bixi” ayuu ku calaacalay

waxay tustay sawirro labadooda ah, oo si fadeexa leh ay yihiin, waxay maqashiishay codadkii ay ka duubtay asaga oo u sheegaya lamarada sirta ah ee hoggamiyaasha falastiin, dhidid ayaa qariayay, cod baqdin ka muuqato ayuu ku yiri:

” Maxaan qaban karaa anigu?”

” Mossad ayaa kaalmo badan kaaga baahan”

‘‘Sidee?”

” Anaa kuu shagaya”
”Anigu siyaasada waxba kama fahmo”
” Khamriga iyo galmada iyo lacagtana waa jeceshay, sow maaha?”

‘Doqon miskiina baan ahay”ayuu yiri

”Mossad waxay bil kasta ku sii naysaa mushaar dhan 150 liiro”

” Waan ku baryaa . Mossaad aa?”

” Eey sidaada oo kale ah waa inuu daacad u noqdaa mudanayaashiisa”

 

Irid qol ka mid ah qolalka ayaa si kadis ah loo furay, Maron na dhinicii illinka la furay ayuu eegay, dhawaaq tiiraanyo oo murug leh ayaa ka soo baxay, markii uu arkay saddex nin oo indha gashi madoow xiran oo waji macbuusya ah, gacmahuna gadaal u marsan yihiin oo aad taallooyin moodid, dhowr ilbilqsi midkoodna eray ma oran, Maron dhawaq oohin laysku calinayo aad u malaysid ayaa laga maqlayay.

” Maxaad hadda leedahay Maron?” ayaa Amiina tiri.

” Maxaad iga rabtaan aniga?”

” Israa’iil ma necebtahay?”

” Qof aan necbahay maleh…. Maya maya….. Yaasir Carafaat baan necbahay.. haa… waa necbahay Carataad iyo madaxda la shaqadaysa, maxaad iga rabtaan?”

” Saxiis xaashidaan, go’aan heshiis iyo is kaalmaysi weeye”

 

Maron xaashidii ayuu qabtay oo akhri is yiri, balse si xun ayay ugu qaylisay, kana faa’iidaysatay xaalada uu ku jiro oo ahayd in awoodiisii la jabiyay oo uu is dhiibay ayay dharbaaxyo ku  qaaday oo indhihiisa dab ka kacay, amankaag baa helay oo uu la istaagay, garasho intii ku hartayna waxay ka xayuubisay markii ay ugu hanjabtay in gabadhisii yarayd ay koox Mossad ahay ku xeersanyihiin, xabbada Falastiiniyiintana uu asagu halis ugu jiro, kuna qaylisay in uu warqada saxiixo, gacan gariiraysa ayuu ku saxiixay.

” Waxaan rabaa inaan tago qolka sirta ah ee ku yaal xarunta dhexe, oo aad ii sheegi jirtay, aniga iyo adiguna waxaan duubayna telefoonada ay isku dirayaan hoggamiyaasha Falastiiniyiina.
” Wax duubid..?

” Haa, ma maqal miyaa waxay Falastiiniyiinyu ku samaynayaan gudaha Israa’iil?”

‘’Wargaysyada ma akhriyo anigu’’

” qabrigaagana kuma akhrin doontid”

” Intaan shaqada ku jiro wax waan dhagaysan karaa balse………”

” Sida loo duubana waa lagu barayaa, adiga iyo Manuwel Casaaf ba”

” Manuwel…..?

” 100 liire sow kuma filna?

Boqol liire…….?

”Haa 100 liiro, naagtiisaba hal liiro ayuu ku ibiyaaye”

” Waa howl kuu taal, anigu shaqo kuma lihi”

miskiinkii waxuu noqday sidii doolli dabin ku dhacay, waligii wuxuu ku jiray ugaarsi macaan raadis, mana filayn in ay asaga ku gadoomi doonto oo la ugaarsade gariiraya noqon doono, oo ay ugarsatay naag mar aan fogayn malab iyo miid ahayd, oo hal mar si kadis ah isku rogtay dugaag dad qaad ah, oo ah neecaw dhimasho la socoto, oo codkeeda shaydaanku maqlayo.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply