Bilowgii 1974, waxaa abuurmay dhowr urur oo Falastiiniyiin ah oo lagu magacaabay jabhada diidmada, af hayeenkooduna wuxuu aha diktoor Joorji Habash ahaana ninkii diyaaradii israaiil ee ugu horaysay af duubay.
Amiina xilligaaw cadadis aadah ayaa koray, waayo howl gallada dagaalyahaniinta Falastiiniyiinta ayaa nassasho u diiday oo gil gilay nabad galyadii Israa’iil iyo xataa dowladaha yurub ee taageera Israa’iil, cadaadiska dhinacaas ka jiray ayaa u soo wareegay Amiina, oo waxaa looga baahnaa ayaa badnaa, amarada la siinayayna aad baad u badnaayeen,
Sidaas datreed waxa goosatay in ayba u guurto koofurta Linbaan, aqalna ka ijaaratay xaafadda shajara ee magaalada Suur, 20 kiilo mitirna u jirta soohdinta Israa’iil, oo ay ka dhigatay saldhigii ay ka ogaan lahayd dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta, waxayna telefoon u dirtay abu Naasir, Mossad farrintoodii u horeysay ee ay soo diraan Amiina waxay uga digeen abuu Naasir, waxayna u sheegeen in ay ka feejignaato Abuu Naasir.
Waxay u adeegsatay xeesha dareen kicinta, waana xeel ninku ku soo burqanayo oo uu sheegayo waxa uurkiisa ku jira, waxayna gaarsiisay in ay ka soo saarto oo uu u shegay maalinta soo socota Israa’iil gudaheeda waxaa laga fulin doono howl gal.
Faraxad ayay la qaylisay oo tiri:
‘‘Sideena, geesiyaal baa tihiin haddii aad howl galkiini gudaha Israa’iil gayseen, laaknii sow halis kuma ahan raggiina”
Wuxuu u sheegay in wax kasta laga baaraan dagay oo la qorsheeyay, waxay isku dayday in ay ogaato halka wax ka dhici doono howl galku, balse intaas waa u dhaafin waayay, ayaduna siima cadaadin ayadoo ka baqday in tuhun galo, fariinteediina habeenkii ayay u dirtayMossad:
“R.Q.R howl gal ayaa laga fulinayaa berri gudaha israaiil, dhinaca badda ayaa laga soo xaluulanayaa, nafiya shalom”
Aroortiina komandos Falastiiniyiin ah ayaa gudaha u galay magaalada karyaat shamuna, waxayna ku asqeeyeen xabado iyo madaafiic, waxay halkaas ku dilen siddeed iyo toban Israa’iiliyiin kuna dhaawaceen affartan iyo siddeed.
Arrin xanuun badan ayay Mossad iyo Amiina ku noqtay taas, waxaana ka hoos baxay Abuu Naasir oo marin habaabiyay, telefoon ayayna u dirtay si ay ugu hambalyayso, waxayna ka baridy in dhacdadaan oo kale ay badiyaan, wuxuuna u sheegay in dhacdooyin badan oo tan ka daran ay soo socdaan.
kama aysan quusan in ay daba orodo Abuu Naasir ayadoo xeeladaheeda adeegsanaysa, tan iyo intii ay kaga guulaysatay in ay habeen casho ku marti qaado gurigeeda, waxay u diyaarisay khamri cayn kasta leh si uu u saqraamo oo uu u soo burqado sirta oo dhan, sidee baase hadal uga tagaa Abuu Naasir?, waaba ninka diyaariyay koox kumaandoos ah oo gudaha israaiil xaluushay oo maalin cad magaala xeebta ah weeraray, waxay jishay naag wax jecel oo war warsan, jacayl iyo xanaano been abuur ah, balse eray ma uusan bixin xataa markii uu moolka kaga jiray badda macaan, hadalkiisa oo dhan waa uu gaagaabnaa, kala go’go’naa, mid u bood midna ka bood ayuu uu ahaa hadalkiisu.
habeenkaas oo kale ayaa Abuu Naasir loogu soo tababaray sirdoonka ciidamada, markii hurdo dagan uu galay, ayay inta istaagtay jeebabkiisa baaritaan ugu dhaqaaqday, markii ay furtay boorsada yar ee lacagta, ayay ka heshay xaashi yar oo wax ka bajiya ay ku qornayeen, qaylaana ka soo fakan gaaratay, gacmaha oo gariiraya ayay waraaq kale ugu guurinaysay waxay tii hore ay ku aragatay, meel qarsoona ku qarisay, oo asgii dhinac seexatay, waxaa maskaxdeeda ku soo noq noqanayay erayadii ku qornaa xaashida:
” Tel aviv 9 ilaa 25, jidka Belfoor, jidka Kadiim, jidka Lrlikh iyo Aklitu, jidka Alirkon iyo Rocnaan, /tiro ”5” TNT/ 500 KIILO, 17 volks wagan super iyo shafar/yafa”
gudaha dhismaha Mossad, ragga ku jiray foolashooda daal iyo baqdin ayaa ka muuqaday, howgalladii dagaalyahniintu waa soo kordheen, warbixinada ay helayaana si fiican uma tafaf tirna, tan iyo markii Amiina lagu amray in si is ilaalin ku jirto hadalka uga soo saarto abu Naasir, farriimaheedu ma cadayn mana dhamyn, waxaana u malaysaa in sarkaalka falastiiniga ah uu si ula kac ah u sameeyay oo warka uu u sheego uusan toosnayan, taas oo macnaheedu yahay hawolgalkii waa la ogaaday ama waa la shakiyay, oo warbixintii u danbaysay ee falastiinyiintu ay badda ka soo xaluusheen, sax bay ahayd, balse meeshii warbixinta loogu soo sheegay ma ahayn, taasna tuhun badan ayay keentay iyo baqdin iyo maldahnaan.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply