waxay aragtay laba diyaaradood oo mirage ah oo gantaallo iyo bambaanooyin ridaya, oo inta cirka kor u galeen dib u soo noqday, oo mar kale duqeyn gaystay, markaan danbana waxay adegsanayeen nabaalka wax holciya, intaas ayadu waxay ku jirtay godka oo daawanaysay cadadka dadka oo dhinac walba u duulaya, ayaduna ay qosol gariir ku walatay marakay aragtatay hilibkii ciidanka iyo cidii oo isku dhagay.
sidaas ayay bishii Oktoobar 1973 ugu kala gooshaysay goobaha isbitaalada iyo goobaha ciidamada ee koofurta Libnaan ayada oo raadiyaha ku wadata boorsadeeda, waxay noqotay basaaski ugu horeeyey ee dhiirranaanteedu ay gasho sooyaalka, xataa Elli kohen kii lagu dhex beeray Suuriya ee u sharaxnaa in uu ka noqdo madaxweyne ku xigeen Suuriya ma samayn sida ay samaysay, in kasta oo uu goobo ciidan iyo saldhigyo qarsoodiya ee buuraha goolan ku yaal uu booqday oo uu naftiisa ku kalsoonaa, haddana aqalkiisa ka banaanka raadiyaha uma aqaadan, sidoo kale gaashaanle dhexe Faaruuq Ibraahim oo ay soo carbisay Hiba Saliim, oo sabab u ahaa in la bur buriyo saldhig caadan oo kasta ee kanaal aaggisa laga dhisayay, raadiyihiisu waxuu u yaalay aqalkiisa oo uu tallaabo tallabo Mossad uga la socodsiin jiray gantaalada, raadaarada, garoomada diyaaradaha, Inshiraax tii ayada oo ninkeeda iyo caruurta jiidaysa maalin kasta ku ag wareegi jirtay kanaalka ayada oo wax cusb raadinaysa, markii danbana Saadaat uu dal dalaadii ka badbaadiayay ma aysan samayn waxa Amiina samaysay, Amiina waa ka mujrimsanayd kana qalbi adkayd kana isdha adkayd dhamaantood, waxaana gadaal ka riixayay ciil iyo aargoosi ee kama ahayn qar iska tuurnimo.
Amiina wxay xasuus qorkeedu gaarayay 600 bog waxaana ka mid ahaa waxyaabay tiri:
”Tan iyo markii aan isgaarsiintayda la aaday koofurta Linbaan oo aan arkayay diyaaradaha mirajka Israa’iiliyiinta oo weeraraya saldhigyada Falastiiniyiinta, si ay u bur buriyaan Abuu Iyad iyo tuugadiisa, waxaan dareemi jiray in aan howl wanaagsan qabtay, dareen macaan kasta ka macaan ayaan dareemayay, tan iyo dhacdadii 11 Oktoobar 1973, waxaan qalabka isgaarsiinta iyo kitaab quraan ah oo qoraalka xal xiraalaysan ku yaalay aan ku watay boorsadayda, marka hore farrintayda waxaan ku qori jiray xaashi aan buug ka jeexdo,
ka dib fatuuradayda ayaan dhigan jiray meel aan dad marayn oo raadiyahayga la soo baxaa oo fariinta diraa, mar mar fariinta laba jeer ayaan ku celin jiray diritaankeeda si aan u hubsado, ka dib waraaqda waan gubi jiray oo fatuuradayda meel kale la aadi jiray, aniga oo ka faa’iidaysanayay oggolaanshada waraaqda aan meel walba ku maro oo Yaasir Carataad qof ahaan uu asagu saxiixay, waxaan isha kaga bogan jiray aragti, noocyada hubka, tirada xabadaha kaysan, xerooyinka qarsoon ee lagu tababarto ciidanka, aad ayaana u ayaan wanaagsanaa kolkii hoggaamiyayaasha Falastiiniyiintu ay I aamineen, waxaan isku tusi jiray mid aad ugu qiiraysan halgankooda, xaqna u leeyihiin in ay dhib u soo dhacsadaan dhulkoodii laga dhacay, waxaan gaaray in Abuu Iyad uu iga codsado in aan hadal dhiiri galin ah ka jeediyo mid ka mid ah xeryaha lagu rababarto ciidamada falastiiniyiinta, ee burji shimaali e Suur, koofurta linbaan, maalintaas waxaan jeediyay khubad aad u wanaagsan oo ay ku dheehnayd wadaninimo iyo carabnimo, waan is hayn waayay oo waa oyay, waan ooyay aniga oo sifaynaya, dilka iyo duqaynta caruurta agoonta ah, dhab ayaan u ooyay anoo ku dhiirri galinaya in ay halganka sii wadaan, wax kalse uma oynayn ee waxaan la ilmaynayay waayitaanka aan waayay gacaliyahaygii Moshe, iyo qabowga nolosha ee igu xeermay la’aantiis.
qiiradaydii mid aad u saraysa ayay ahayd, ciidankii iyo saraakiishiiba waxay u maleeyaan in ay dhab iga tahay oo aan aaminsanahay qadiyadooda, waana ay ooyeen , markii aan fistileeti aan ilamada is kaga tiro aan boorsada kala soo baxayaya gacantaydu waxay taabatay raadihii isgaarsiinta oo dansanaa xilligaas”
dagaalkii 1973 waa dhamaaday, waxaana bilaabmay wada haddalo, wasiisrka arrimaha dibadda ee Maraykanguna sodaallo badan ayuu sameeyay, shirkii jaamicada Carabta ee ka dhacay Aljeeriya waxaa la isku wada raacay soo jeedin dhamantood kadis ku noqotay oo uu soo jeediyay Anwar al Saadaat, oo ah in ururka xoraynta Falastiin uu yahay kan kaliya oo matali kara Falastiiniyiinta, waxaa kale oo la isla oggolaaday go’aankii qaramada midoobay lumber 328 ee xusayay in nabad buudxa oo waarta lagu soo dabbaalo bariga dhexe.
Balse garabka ciidanka ee ururka xoreynta Salastiin saas kuma dagin, waxayna go’aansadeen in halgankoodii ay sii wadaan, taas oo ku dhisan rabitaanka kacaanka Falastiiniyiinta, 25 Novembar ayay howl galkii u horeeyay ay galeen, waxayna ay af duubeen diyaarad jumbo ah, oo Beyruut sii maraysay una socotay Tookiyo kuna sii hakanaysay New dalhi, diyaaradaas KLM waxaa saarnaa 244 rakaab ah iyo saddex dagaal yahan oo falastiiniyiin ah oo dalbaday in la sii daayo toddobo gadaal yahan oo Falastiiniyiin ah oo ku xirnaa Qubrus, iyo in holland ay joojiso ogolaashaha ay ogalaatay oo ah yuhuuda ruushku ay soo maraan holland marka ay Israa’iil u socdaan, iyo in aysan hub u gudbin Israa’iil, intaasna waa ku guulaysteen, maalmo ka dibna mar kale ayaa isla shirkadda KLM laga afduubay diyaarad kale.
17 Disembar 1973, falastiiniyiintu waxay xabado ku rusheeen gudha gigada diyaaradaha ee Roma, waxayna af duubteen diyaarad nooca ah 707 ee ay lahayd shirkada Pan America oo dhabbaha garoonka taagnayd, kuna dhex qarxiyeen bomka foosfoorka diyaarada gudaheed, taasna keentahay in rakaabkii in badan gubato, waxayna ayaga oo ordaya oo diyaarada ka dagaya horay u wateen rakaabkii qaar, waxayna af duubteen diyaard kale oo ay lahayd Lufthansa oo ahay 737 oo markaas kici rabtay waxayna ku dajiyeen Athena, dalabkooduna wuxuu ahaa in la sii daayo jaallayaashooda kala tirsanaa ururka Sibtembarta madoow [black sebtemper]
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply