3dii oktoobar 1973 ayay u duushay Fiyeena, halkaas oo sirdoon Mossad ah uu ku siiyay baasaboorkeedii urduniga haa iyo tikit ay ugu socdaalayso Beyruut aroorta danbe, markii ay aqalka ka bixi rabatay oo garoonka aadasay ayaa waxaa usoo dhacay telefoon, balse fiiladii ayay ka siibtay, oo ayada oo xiisa u qabta howsheeda iyo aargoosi baxday.
Alaabtateeda waxaa ku dhex jiray raadiyaha isgaarsiinka oo jaadka u wanaagsan ah oo aan la kashifi karin, boorsadeeda gacanta waxaa ugu dhex jiray kitaab quraan ah oo ay bogag ka siibtay kuna badashay bogag kale oo ah adeegsiga qoraalka xal xiraalaysan.
garoonka Beyruut markii ay ka dagaty oo u dhaqaaqday dhinaca suunka wareegay ee boorsooyinku dul saran yihiin, ayay isha ku dhufatay nin dhallin yara ah oo ciidamada booliisku sii wataan, isla markaasna waxay dareentay gacanteeda oo qof ka danbeeyaY uu si xoog leh u qabtay, dhawaaq yar oo naxdineed ayaa ka soo baxay, boorsadeedii gacantuna wa ay ka fakatay, ayaduna waxay ku sigatay in ay dhulka ku dhacdo, intii awoodeeda ah ayay xoog u soo jeesatay, waxaase ka hor yimid foolkii saxiibkeed Maron Xayka, oo indha gashi madoow xiran, waxaana ku soo dhacday, dharbaaxyo ma ku dhufataa oo ma ku wadaa tan iyo inta baqdintu ku daynayso, balse bashaashnimo been abuura ayay ku tiri:
”Ooh, dhagaroow yahow, ma diyaarada lufthansa ee Fiyeena ka timid baad ila saarnayd?”.
Asagoo dhoolla caddayna ayuu inta indha gashii siibay walina gacanta ka haya ayuu yiri:
” Beyruut oo dhan baa kaa raadshay, waana ku waayay, waxaan rajaynayay in aan hal toddobaad ku soo qaadano Nikosiya”
” Nikosiya?”
” Manuwel iyo Khadija ayaan ku weydiiyay iyo ilaaliyaha sarta……”
Xabadkay inta dharbaaxyo kaga garaacday ayay tiri:
” Jinoolaa tahay..Jinoolaa tahay, maxaad xilli fiican iigu sheegi weyday, saan u rabay dalxiiskaas oo kale”
Asaga oo qoslaya ayuu u il jabiyay oo yiri:
” Mar kale oo dhow ayaan qaban qabinayanaa dalxiis, shaydaamad baa tahee, boorsooyikaygii waa soo baxeen”
Libnaan oo dal dalxiis oo xor ah, arrimaha fatashidu aad uma xoogana, ilaalin badanna sida dalalka carabta kale maleh, oo waxay u arkaan baaritaan badan in dalxiisayaashu xumaan u arkayaan, dalxiiskuna waa laf dhabarka dhaqaalaha iyo hodannimada dalka, mana u sii fiirsan shaqaalihii kastamku raadiyaha ku dhex jira agabka Amiina, Beyruutna xilligaas waa markay u furumaysay inay noqoto, saylada hubka, maandooriyaha, basaasiinta.
Saacadihii u horreeyay ee aroortii 6dii oktoobar 1973, ayay u dirtay Tel aviv taarkii u horeeyay:
”nabad ayaan ku tagay, amiirkii casaa yurub ayuu jiraa, sarkaal Falastiini ah oo abu Mansuur la yiraahdo ayaan bartay, Joorji xabash qarsoodi ayuu Tuunis ku aaday, ciidankiisuna waxay la dagaalamayaan 7 ciidan oo Xawaatima ciidankiisa ah, Maron wuxuu ii ballan qaaday in uu ii wado saldhigga dhismaha is gaarsiinta, Yaasir Carafaat, qaboow ayaa ku dhacay, daawo ayaa si qarsoodiya hoggamiyaasha looga keenaa Roomaaniya, naabadeey, nafiyah shalom, qaybta nadana”
Mossad friintii Amiina daganansho iyo farxad bay ku qaabileen,fariinta qoraalkeedu waa caddaa khaladna kuma jirin, warka ku qornaana aad ayuu muhiim u ahaa, qolka baaritaanka ayaa loo gudiyay fariintii si loo sii daba galo, ayaduna taarkii u horreeyay ee ay Israa”iil ka hesho waa loogu hambalyeeyey,
” La soco dhaq dhaqaaqa amiirka cas, ayaa Carataaf dhaqtar u ah?, maxaa saaran doonta kavin ee sayda ku xiran?, war bixin naga soo sii bakhaarda kaydka hubka ee xerada badaawi ee Taraabulis, xarada tababarka cusub ee ku taal Shaqiif”
Amiina waxay dhaqtarad Carbeed oo iskaa wax u qabso uga shaqaynaysay geesaha libnaan oo dhan, balse koofurta Linbaan waxay ahay basaasad warka ka soo ururisa dhaqdhaqaaqa dagaal yahniinta.
Waxaa batay garaacidii madaafiicda halgamayaasha ee gudaha fog u gaarayay Israa’iil, Amiina na waxaa loo sheegay in ay beyruut ka tagto oo ay tagto magaalada koofurta ah ee Suur, horayna u qaadato qalabka is gaarsiinta casriga ah ee ay haystay, waxa ay bilowday in ay maalin kasta ay warka soo tabiso, mar mar waxay gaartay in ay shan jeer maalintii farriimo dirto, oo nolosheeda ay halis galisay, Mossad markay aragtay farrimahaan iska soo daba dhacaya, waxay ku qasbanaadeen In ay furaan hirar isgaarsiimeed oo kale oo la isla ogyahay oo saacado dheer maalintii shaqeeya.
Sidaas ayaa Amiina maalin walba u diri jiratay farrimaha, ayada oo halis ugu jirtay in la kashifo ama la qabto, baqdina laabteena maba galin, waxayba gaaratay in ay qalbkeeda isgaarsiinta qaadato oo ay aado aagga bintu Jubayl oo shan kiiloo mitir u jirta Israa’iil.
Maalin ayay si kadis ah ayay u ragtay hoggamiyaal falastiiniyiin ah oo uu la socdo Abuu Iyad oo kormeeraya aagga dagaalka, oo dhiirri kalin iyo qiiraca kicin ku wada ciidanka, ciil iyo xiqdi ayaa is xiray Amiina, baqdin la’aan ayay god meesha u dhow gashay oo bilowday in ay farrin deg deg ah dirto:
” I.q.R , deg deg iyo muhiim, Abuu Iyad iyo hoggamiyaal kale ayaa jooga binti Jubayl, ku sugan yihiin boqol iyo konton mitir bariga Qubah Calawiyah, dhinaca haanta biyaha ee geedaha sanbuurku ku dhex taal, soo duqeeya, burburiya meehaash oo dhan, baauurta jeepka aha iyo lumisiinada, waan ka fogaanayaa xoogaa, khadka afraad ayaan cabbar ka dib furayaa, nafiya shaloom”
In yar ka dib waa lagu soo war celiyay:
“Ka dheeroow goobta, dhulka xabadka dhigo markii diyaaraduhu kuu soo muuqdaan”
Amiina qalabkeedii ayay xiratay markii ay farrintii turjumatay, waxayna u diyaar garowday in ay xasuuqa daawato, balse nasiib darradeeda baabuurtii iyo ciidankiiba waxay u dhaqaaqeen waqooyi, cirka ayay kor u fiirisay ayda oo diyaradihii ka raadinaysa, shan daqiiqo aya gudubtay, toban, labaatan, samirkii ayaa ku yaraaday, raadiyiihi ayay dib u furatay oo farrin ka gaarsiisay:
I,Q.R bar tilmaameedkii waqooyi ayuu u dhaqaaqay, 21 daqiiqo ka hor, fatuurad Abuu Iyad subaru madoow, nafiya shalom”
Farrintii ayay dirtay oo raadiyihii xirtay.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply