BASAASADII  AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-5

Jug ku dhacday ayay Amiina ku noqotay markii ay ogaatay in Manuwel waxay doonayso uusan hayn, ee uu yahay shaqaale hoose oo aan awood go’aan gaar aan lahayn, balse kama shalayn kamana xumaan, waxay nafteeda ku qancisay in ay ku guuldaraysatay tijaabadii koowaad, marka xigase waa ku guulaysan doontaa.

 

Manuwel  waa isku dayay in uu ka soo baxo ballantii uu qaaday si aan nagtaan gacantiisa uga bixin, balse gacantiisa wax kuma jirin, waayo madaxiisa shaqada -Maron Xayk- ayaa awoodaas lahaa, sidaa darteed runtii ayuu u sheegay Maron, una soo waday oo keenay guriga Amiina, Maron wuxuu ahaa mid aad u naaga badan, oo mar walaba daba  orda hawadiisa dhinaca dumarka, mar kastana ku howlan In telefooda dumarka magaalada ee sheekaysanaya uu dhagyasto, oo dareen aad ah u qaba cayrsasha iyo ka daba roorka dumarka, mar kastana ugaarsi cusub raadiya.

 

Amiina waxay si maldahan asaga qudhiisa uga hubsatay in uu hodan ka yahay warbixinnada hoggaamiyaasha falastiininyiiinta ee Beyruut jooga, waxay u daysay in uu la cuno lowskii ay cunaysay, maskaxda ayay ka qabsatay sidii doqon, ayada oo horaadadeedana qayb dhan muujinaysa ayuu weydiimaheeda uga jawaabayay, dhowr marti qaad ka dibna waxa uu tusay telefoonada sirta ah ee jabhada Falastiin iyo hoggaamiyaashaba, iyo cinwaanada ay ka daggan yihiin xaafadda riixaani.

 

Amiina warbixintaas oo dhan intay qorto ayada oo bogag badan ah ayay Goob horey looga baaraan dagay u dhigtaa basaasiinta Mossad ee Beyruut jooga, waxaa  ayada laga rabay waxay ahay in ay soo hesho, magacyada sirdoonka Falastiiniyiinta ee Yurub iyo astaamahooda, taasna meel ay ka helayso ma jirto, xafiiska jabhadda Falastiin maahene ama Yaasir Carafaat qof ahaantiisa, ama xafiiska madaxa sirdoonka Falastiiniyiita Cali Xassan oo asaga aduunka oo dhan laga baadi goobayo, oo ra’iisal wasaradii Israa’iil ay ula baxday ”Amiirka cas” waayo wuxuu ahaa ninkii ka danbeeyay qabsashadii ciyaartoydii Isra’iil iyo baaba’ii ka dhacay Munikh oo 11 yuhuuda ay ku dhinteen.

Dhismaha Mossad dhexdiisa waxaa ku kulansanaa rag xeel dheerayaal ah, si go’aan looga gaaro in Amiina oo markaas timid Tel aviv dib loogu celiyo Beyruut ama adeegeeda laga kaaftoomo, dhamaantood waxay si fiican u akhriyeen warbixintii laga keenay Amiina oo ku sumadaysnayd qodobka ”A” qodobkaasna waxaa hoos tagayay basaas kasta ee jooga dalalka carabta oo aan dhawrid diblomaasiyadeed lahayn, warbixintu waxay sheegaysay in Amiina  ayasan naf ahaan u daganayn, oo ay dhici karto in jirrada haysa  ay ka awood badiso taas oo keenta in qofku dhinaca uu la jiro uu iska rogo oo dhinaca kale la safto, waxaana cilmigu u yaqaan jirrdaas ABSTRACT ATTITUDE. Waxaana u keenay ayada oo u haysta in wixii helay ninkeedii ay ayadu sabab u ahayd, markii jiradaas sii xumaato waxay isku rogtaa mid kale cilmigu ugu yeero, SELF CONDEMINATION, oo qofku asagu is eedaynayo iyo baqdin, bukaankuna xaaladaan wuxuu gaarayaa heer xun, wuxuuna ku dhagayaa tagtadii uun, wuxuuna dareemayaa in xilliga soo socda uusan wax raja ah u wadin, asaga oo sabab ka dhigaya wixii uu horay u smaeeyay, War warkaasna uu gaarsiin karo xaalad quusasho, oo in uu ismiidaamiyo u horseeda.

 

waxay is tuseen xeel dheerayaashii in xaalada Amiina laga fiican yahay in cirbado lagu daaweeyo oo intaas oo dhan aysan sugayn in ay raysato, la shaqaynta Mossad ayay ku dareentaa dagganaansho iyo roonaansho, taas ay isku aragto qof howl gudanaya , oo u aargudaya Moshe,  xeel dheerayaashu waxay arkayeen oo ka baqdin qabeen in Amiina is ilaalin la’aan ay samayso oo la ogaado, balse inta badan Mossad waxay u arkeen in ay ku wanaagsan tahay howsheeda Beyruut, haddii tababar dheeraada oo badan la siiyana ay is ilaalin doonto, kulankiina waxuu dhamaaday ayada oo laysku raacay in ay Beyruut ku noqoto, siina wado sii dhex galka hoggaanka Falastiniyiinta, waxaana la keenay Amiina qol dhismaha ka mid ah oo uu joogay farshaxan gacanta wax ku sawira, tilmaamihii ay siinaysay owgeed wuxuu sawiray muuqaal soo dhaweynaya sida uu u egyahay, Cali Xassan Salaama.

 

waxaana loo diyaariayay Amiina laba nin oo xeel dheerayaal ah, midkood wuxuu barayaa qalabka ugu danbeeeyay ee is gaarsiinta, waxaana loo sheegay  in toddobaakii laba jeer ay u soo dirto farriimaha Tel aviv, maalamaha khamiista iyo isniinta, sidoo kale waxaa loo sheegay in ayaduna ay fariimaha ka helayso Tel aviv maalinkasta oo talaada ah, 11:02 daqiiqo habeennimo, intii ay tababarka ku jirtay aad ayaa farxadeeda iyo niyadeeduba u sareeyeen, waayo waxay kasbanaysaa aqoon dheeraad ah si ay howsheeda ugu fiicnaato, tan kale aargoosigeedu wuxuu noqon doonaa mid weyn , markaas ka dib ayay nasan gartaa oo laabtu u dagaysaa.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply