BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-32

 

Wakiilkii kale ayaan u dhaqaaqay dhinaca baabuur ciidan oo uu saarnaa sarkaal Falastiiniya, waxay si dhaqso ah u aadeen diyaaradii, labadii maxbuus ee Falastiiniyiinta ahaana ayaga oo maxad xiiran ayay istagnaayeen dhakada sare ee jaran jarata diyaarada, dholla cadayn weyn iyo farxadna ka muuqato, sarkaalkii Falastiiniga ahaa markii uu aqoonsaday ayuu u gacan haatiyay wakiilkii bisha cas ee meesh dhexe taagnaa, gaarigii ayuuna dib ugu noqday oo dhismaha garoonka galay, sidaas ayay ku bilaabatay kala wareenjintii laba qadiiqo ka dib.

Markii labdii maxaabiis oo la socday wakiilkii bisha cas soo dageen ayaa Amiina iyo ninkii kale ee bisha cas ka soo dageen gaarigii, lixdoodii markii ay ku kulmeen bartamaha, ayaa Amiina iyo sarkaalkii Israa’iil u dhaqaaqeen dhinaca diyaarada, labadii maxbuusna dhinaca qaybta fadhiga ee garoonka ayaga oo astaanta guusha taagaya, oo inta si kadis ah u istaagee iska siibeen dharkii Israa’iil ay kala yimaadeen.

8:15 daqiiqo ka dib howshii kala wareenjinta oo qaadatay 43 daqiiqo. Ayaa diyaaradii Israa’iil caga qaatatay oo Israa’iil u duushay, ayada oo ay saaran tahay basaasadii Carbeed ee ugu halisanayd Mossad, waagu markuu baryayana waxaa ayaduna kacday diyaaridii shirkada diyaradaha ee Libnaan MEA aadayna Beyruut, halkaas oo uu Yaasir Carafaat iyo hogganka sare ee Falastiin ay ku soo dhaweeyean labadii dagaalyahan.

 

Dhinaca kale garoonka Lud ee isra’iil, hoggaamiyaha ciidamada cirka ee Israa’iil ayaa amray in koox diyaardaha miiraaj3 ayay kaga hortagaan bada dhexdeeda diyaardii siday Amiina oo ay soo galbiyaan, sidii gu’yaal dhowra ka hor ay sameeyeen ayaga oo soo dhaweynaya basaasadii Masaarida u dhalatay oo ra’iisul wasaaradii xilligaas ee is raa’iil Golda Meir ay darteed u oyday, waana basaasadii Hiba Cabdiraxmaan Saliim Caamir, [waan idiin soo bandhigi daanaa shaakadaasna]

waxay Hiba Saliim xusuus qorkeeda ku sheegatay markii la soo dhaweynayay:

”Waxaan dareemayay in aan ahay boqorad, oo markii diyaaradaydu usoo dhawaatay hawada Israa’iil, waxaan arkay laba diyaradood oo kuwa dagaalka ah oo si sharaf mudan ii soo dhaweynaya, soo dhaweyn aan loo samayn cidna, markii laga reebo madaxda iyo boqorada dalalka, diyaaradihii dagaalkuna waxay nala socden tan iyo garoonkii, waxaa kadis igu noqotay sida weyn ee la ii soo dhaweeyey, dadka tirada badan ee I soo dhaweyay oo uu ka mid ahaa, madax Mossad iyo saraakiil kale, dareen waxaa I galay aanan sifayn karin oo wanaagsan, xafiiskii la ii waday hortiisa waxaa kula kulmay Gold Meir, ra’iisul wasaardii iyo janaraalo safan oo salaan sharaf ciidan ii saaray, Golda Meir oo I baraysay ayaga waxay ku tiri:

“Howsha aad u qabateen Israa’iil mid wax badan ka badan ayay gabadhaan u qabatay”

Amiina mufti waxay xasuus qorkeeda ku tiri:

”Dariishada ayaan ka arkay diyaaradaha dagaalka oo nagu wareegay oo na hareer socda, waxaan u maleeyay diyaarad Carbeed oo na afduubi raba oo igu celi raba Libnaan, balse markii danbe waxaan arkay xiddigta Daa’uud ee ku taal”

Saacad barkeed ayay diyaaradii ku qaadatay in ay ku soo jarto fogaanta u dhaxaysa Qubrus iyo Tel aviv oo ah 335 kiilo mitir, garoonka markay timid dadkii soo dhaweyey waxaa ka mid ahaa Ariel Ashtov, sarkaalkii ayada maamulayay intii ay joogtay Beyruut, diyaarada ayuu koray oo Amiina oo kursigii wali ka kicin asagoo dhoolla cadaynaya hab siiyay kuna yiri:

”Annie, garaad badan, ku soo dhawoow dalkaakii Israa’iil”

Cod wali liita oo oohin ku jirto ayay ku tiri:

‘‘In ay I dilaan ayay rabeen”
hadalkii inta uu ka dhex galay ayuu yiri:

”Ma dhici karto, awoodna uma lahayn inay ay ku dilaan, sow kuuma aan sheegin in aynaan ku dayacayn waligeen”

”Gu’yaal badan waxba ma aydin samayn”

Cod naxariis ka muuqato ayuu ku yiri:

”Intaas waan ku raadinaynay, saxiibo badan oo aan leenahayna waa nala dadaaleen si laguu sii daayo, haddi aan ogaan lahayn meesha aad joogto waan ku soo dafi lahayn oo waa noo fududahay in aan ku soo afduubano, balse waan ku guul daraysanay in aan ogaano halka aad joogto, balse hadda waa ku kan, aad ayaan ugu kalsooni ugu qabnaa daacadnimadaada, aad ayaana u xumshmadaynaynaa howsha weyn ee aad qabatay, si nabad ah oo aan war war lahayn ayaad halkan ugu noolaan doontaa”
”Aaway Moshe”?

Si yaab ku jiro ayuu ugu war celiyay:

“Moshe….. nimkaangii baa? Masaakiin, maxay kugu sameeyeen wacaaladii Libnaan joogay”?

Indhihiisa ayay ka akhrisatay jawaabtii, markaasay si xun u qaylisay  oo si muujinaysa in aysan rumaysan ku tiri:

”Been ha ii sheegin Ashito, ayagaa ii sheegay in Suuriyiintu qabteen, sawirkiisana ku arkay wargayska, maxaad been iigu sheegaysaa? Haa? Wali dhagar baa igu wadaan sidii aad horey iigu dhagarteen oo kale, Moshe waa noolyahay halkaan ayuu joogaa, mana dhiman, ii keen asaga ha arkee wuxuu jirkayaga iyo foolkayga u geystay, wacalka I tusa”

 

Intii uu iska tirayay candhuuftii ay foolka kaga tuftay ayay ku soo  booday oo ciddiyaysi iyo garaacid isugu dartay ayada oo cirkaas ka qaylinaysa,

Amiina waxaa loo qaaday bukaan jiif gaar ah ee ku dhexyaal dhimaha Mossad, halkaas oo jir ahaan iyo naf ahaanba loogu daaweynayay, tan iyo intii ay roonaatay kuna soo baraarugtay dhabtii oo ahayd in ninkeedii Moshe wali la la’yahay, Falastiiniyiitiina ay dhagreen oo been u adeegsadeen, ugu danbayn waa ay garwaaqsatay dhibka iyo khasaarada haleeshay,

Mas’uuliyadii Mossad ka saarnayd Amiina waa ay dhamaatay waxayna abaal marin u siiyeen lixdan kun oo shakal, markaas ka dib waxaa la wareegay arrinteeda nabad sugidda gudaha ”Shin Bet” oo ilaalinteeda iyo siday u noolaan lahay  xilka saaranyahay, tallabadii ugu horeysay ee laqaaday waxay ahayd in degaankii laga badalo oo la dajiyay degaanka Kariyaat ee waqooyiga xayfa, halkaasna laga siiyay guri u gaar ah oo badda u sii jeeda, oo ay ka arki karto maraakiibta kala gadisan ee ku soo xiranaysa dakada, sidaas ayayna Amiina ku noolayd 41 gu’.

sheekooyin kala duwan ayaa laga sheegaa halka ay Amiina ku danbaysay:

 

Sheekada koowaad waxay leedahay waxay heshay baasaboor Maraykan ah oo ay magac kale ku qaadatay waxayna dagan tahay oo beer weyn ku leedahay gobolka texas, ee carrigaa Maraykanka waxayana guursatay bad mareen Isbaanish ah, caruurna iskuma dhalin.

 

Sheekada labaad waxay leedahay, foolka ayaa qaliin looga sameeyey oo la muuq rogay, laga bilaabo 1985 waxay ku noolayd koofur Afrika ayada oo magac kale wadata, waana ganacsade soo dajinta iyo dhoofinta, waxayna guursatay sarkaal Roomaani ah oo hal wiil isku dhaleen una bixisay Moshe.

 

Sheekada saddexaad waxay leedahay, waa ay is dishay oo cirbad sun ah ayay isku dhufatay ayada oo ku jirta bukaan jiifka dhimirka ee Tel aviv.

 

 DHAMMAAD

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply