BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-31

 

13kii febaraajo 1980, waxay ahayd maalin qubrus ay war war ku jirtay, waxayna ahayd in kala wareegsashadu ay dhamaato ayada oo aan wax qalalaase ama dhib ah aysan dhicin taas oo u keeni karta in magaca dalku ku xumaado goobaha laysugu tago aduunka.

 

Wasiirka arrimaha guduhu wax walba oo nabadgalyada ku saabsan waa uu qabtay, asaga qudhiisa ayaa kor meerayay howshu siday u socoto, garoonka waxaa lagu harereeyay tobonaan gawaarida gaashaaman iyo dabaabado, ciidanka tirada badanna waxay ku jireen heegan sidii ay dagaal sugayaan, ciidamada gaar ah na waxay ka buuxeen oo ka soo jeedeen dariishadaha dhimaha garoonka iyo dusha sare ee dhismaha, ayaga oo ku hubaysan qoryo ay ku xiray yihiin xoqoto ”weynayso”, garoonka oo dhan waa la baneeyay si haddii fal argagaxisinimo laysku dayo aan dadka loogu dhex dhuuman iyo dukaamada iyo tabakaayooyinka iyo goobaha kale ee ganacsiga ee garoonka ku dhex yaal.

 

Baabuurtii ay lahyeen shirkadaha duulimadyada aduunka oo dhan waa laga saaray garoonka iyo kuwii biya iyo shidaalka siday xataa kuwii jaran jarooyinka siday, gaar ahaan halka ay ku soo dagi doonto diyaarada Israa’iil, waxaana heegan ku ahaa 1500 oo askari oo ah kuwa sida gaarka ah u tababaran oo hawlgallada halista ah loo diro iyo af duubida, sida diyaradaha iyo maraakiiba xoogna ku soo furta, dusha sare ee diyaaradaha laga hago ayaa wasiirka arrimaha guduhu ka dhigtay halka uu howsha ka wado.

ka dib markii haadadii siday Amiina mufto ay laba jeer ku soo wareegtay buubaay dagtada, ayaa loo ogolaaday in ay soo dagato, in yar ka dibna waxay soo istaagtay dhabaha, durbadiiba waxaa aaday baabuur ciidan sida iyo kuwa gaashaaman, ciidankii kumandooskuna diyaardii ayay isku hareereeyeen, waxaana loo sheegay duuliyihii in uu furo illnka bidix ee diyaaradda, jaranjartii ayay koreen markaas ninkii socda bisha cas iyo saddex sarkaal oo Qubrusiin dhar cad ah, Amiina waxay xirnayd surweel jiinis ah iyo funaanad  dheer oo casaan ah, wakiilkii bisha cas si fiican ayuu iskugu fiirshay sawir uu watay iyo Amiina, markii uu hubsaday in ay ayada tahay ayuu saraakiishii gaarsiiyay in ay ayada tahay,

 

Markaas ka dib Ayay si aayar ah oo dowrid ku jirto ugu ka xeeyeen dhinicii illika diyaarada, balsii markii ay socon weyday oo luguhii qaadi waayeen ayaa mid ka mid ahi inta is gaabiyay garabka u ritay oo qaaday, waxaana lagala dagay jaran jartii oo uu hoos taagan yahay gaari gashaaman, gusihiisana la galiyay, xawaare sarena gaarigii ugu dhaqaaqay mid ka mid ah bakhaarada garoonka oo ay ilaalinayeen, laba iyo toban baabuur gaashaaman ah, saraakiishii Falastiinyiintu qoryahoodii AK47 ka ahaa waxay ku wareejiyeen Qubrusiyiintii, ayaga iyo intii diyaarada ka shaqaynaysayba waxaa loo waday gudaha garoonka ayada oo si aad ah loo ilaalinayo, hal saac iyo bar neef isku celis ah ayaa ka harsanayd xilligii ay imaan lahayd diyarada al Caal ee Israa’iil oo ay soo dagi lahayd, walina aan ka soo duulin garoonka Lud ee Israa’iil, kala fogaynta xilliga soo dagitaanka labada duullimaad waxaa lagu sugayay nabada, labada dhinac na waa ay ogolaayeen.

 

Amiina waxay ku dhex jirtay gaarigii gaashaanaa, waxay ku tiri Qubrusiyiintii iga fura jeebada markii ay ka diidiinna cay  ayay u taana taanaysay, waxay xasuus qorkeeda ku tiri:
”Intii aan gaariga gaashaaman ku jiray ee la sugayay imaatinka diyaaradii Israa’iil, tuhun badan ayaa igu jiray, waxaana ka fakaray Moshe, ma dhab baa in uu weli nool yahay? Ma asagoo xiisa ii qaba ayuu I sugayaa oo gacmihiisa igu duubi doonaa oo jacayl I huwin doonaa? Mise waa uu dhintay oo diyaaradiisii Suuriya kula dhacday ayaa qabri u noqotay? Hadduu nool yahay maxaan ku smayn? Ma dilaa? Ma qanqaniicaa oo wajiga ka ciddiyaystaa? Suurta gal miyaa Moshe gii naxariista badnaa in uu dabin ii maleegay? Sidee ayuu wax iigu faahfaahin doona si aan u cafiyo? Mar dabne iguma soo noqonayo xataa haduu hortayda ku rukuuco, sideen u cafiyaa oo sumadihii godkii carsaana jirkayga ka muuqdaan oo maanakayga iyo maskaxdayda ay weli ku dheehan yihiin? maanta waxii ka danbeeya dareenkaygu u jilci mayo, asagana waan dilayaa, sun aan ku dilo ama xabbad ama gubniin, kun qaab ayaan u dili karaa, balse haddii uu dhintay, qabrigiisaan ubax ku beerayaa, waa haddii uu qabri leeyhay”.

6:55 diyaaradii Israa’iil waxay joogtay garoonka Larnak, meel hal kiloo mitir u jirtana gaarigii gaashaana ee Amiina ku jirtay, toban daqiiqo ka dibna iridkii ayaa loo furay, il biliqsiyo neef isku celis iyo wax la fisho aan la aqoon ayay ahayd, balse meeshii musiibo iyo in komandoos israa’iiliyiina in ka soo boodaan laga baqdin qabay  ayaa waxaa ka soo dagay wakiil bisha cas oo uu daba socdo nin sirdoonka Israa’iil ka socda, bar la isku ogaa markii la marayo oo u dhaxaysa diyaarada iyo gaariga gaashaaman ee Amiina sida ayaa la istaagay oo lagu sugay wakiilkii kale ee bisha cas, markii u yimidna waa is gacan qaadeen labadoodii, wada hadal yar ka dibna u dhaqaaqeen dhinicii gaarigii gaashaanaa, diyaaradana xilligaas waxaa isku hareereeyay 100 nin oo ciidan ah oo dhammantood feejigan oo riishada farta ku wada haya, intaasna waxaa dheeraa qoryaha ka soo jeeda dariishadaha dhismaha korkiisa oo ku jeeday dhinaca diyaarada, markii sarkaalkii Israa’iil uu galay gaarigii gaashaanaa waxuu isku fiirshay foolka Amiina iyo sawir ay dhoolla cadaynayso oo uu watay, wuxuuna ku yiri:

‘‘Ha war warin marwo, mar dhow Israa’iil ayaad ku laaban”

Oohin ayay ooda jabsatay oo tiri:

”Moshe ma idin la socdaa?”

”Moshe waa kuma …..?Ayaa sarkaalkii ugu  war celiyay

Indhaha ayay taagtay yaab darteed oo tiri:

‘‘Ninkayga Moshe ma taqaanid miyaa?”

Sarkaalkii oo yaaban ayaa yiri markaas:

”Ooh, meeshaan is waraysi kuma fiicna, mar aan fogayn weydiimahaga oo dhan waa lagaaaga jawaabayaa”

”Ii sheeg aaway Moshe?”

”Soo dhaweyn diiran ayaad la kulmi doontaa  marwo”

sidaas ayuu gaarigii uga dagay ayada oo si wax u socdaan iyo meel laga jiro aan garan, balse asagu wuxuu ka fahmay weydiimaheedii in Falastiiniyiintu ay dhagreen oo waxaan jiri u muujiyeen, ayna ugu talagaleen in garaadka miskiinta ay ku bur buriyaan, markuu in yar ka durkay gaarigii gaashaana ayuu u gacan haatiyay wakiilkii kale ee bisha cas oo si war war leh ula socday waxa goobta ka socday, meeshi u dhaxaysay diyaarada iyo gaariga gaashaaman ayaa asaga iyo wakiilkii bisha cas istaageen.

 

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply