Inta u dhawaaday si ay hadaladiisa si fiican ugu maqasho ayuu yiri:
”Maalmo kadib waan ku sii daynaynaa waxaana aad ku noqonaysaa Israa’iil” oo hadalkii sii watay oo yiri:
”Toban maalmood ka dib, adoo madax baan ayaad Israa’iil joogi doontaa, waa inaad ogaataana anagu kuuma ciqaabin kuumana dhibaatayn sidaad adigu noo dhibaataysay, anagu dad dhib raadsha ma nihin markaad na dhex joogtayna waan ku farxsanayn, waana ku aaminay waayo carab baa tahay, foolasheena iyo qalbiyadeenaan kuu furnay oo aan ka xirnay dadka kale, waxa aad samaysay darteed boqolaal dhallin yara ah ayaa u dhintay, hooyooyin badan ayaad wadnihii ka baxisay oo waayay wiil iyo nin iyo farxad.
Waa ay oyday Amiina, sarkaalkiina wuxuu kala garan waayay oohinteedu ma mid shallaytinbaa mise waa mid ay daysmada ku faraxsan tahay, hadlkii ayuu sii watay:
”Dhulkaan aad dul joogtid waa dhul Carbeed, kii aad ku dhalatayna waa dhul Carbeed, sidoo kale waxaad iibisay diintaadii, dadkaakii, iyo dalkaagi, waxaad dhagartay waa Carab, dhul Carbeed oo xoog lagu dhacay balse maalin dadkii lahaa u soo laaban doona da’ ama labo, ama saddex da’ ka dib ama ka yar, anaguna halgan baan ku jirnaa dhiiga caruurteena aan hurnay, mana joojinayno tan iyo intaan ka dhimanno ama soo dhacsano dhulkeena, adiguna waxaad halkaan u timid inaad na disho, balse waxaad ogaataa dhulka aad tagayso inuusan ku soo dhaweyn doonin, waana hubaal ee ogoow, Qudus, Xayfa, Taafa, Beyt laxam iyo Naabulis, Falastiin dhexdeeda oo dhan bartaad saan dhigto candhuuf ayay kugu tufaysaa xataa hadaad dhimatid qabrigaaga ayay eedaynayaan,aboorka daahirka ahna waa diidi doonaa in uu jirkaaga u soo dhawaado bal uu cuno iska daaye”
amar ayuu ku siiyay ciidankii la sil silada laga furo oo cunno iyo cabitaan la siiyo.
Aroortii sagaalkii febaraayo 1980, ayaa Amiina loo wareejiyay goob qarsoodi ah ee ku taal xero kuufur ka xigta Sayda, fiidkiina waxaa loo qaaday Beyruut, baabuurka ciidanka ee ay saarnayd waxa ku hareeraysnaa fatuurado ciidan oo kale oo ay saarnaayeen ciidamo hubaysan, waxaana la geeyay mid ka mid ah dhimayaasha jabhada ee kuyaal xaafada Fukhaani, qol wanaagsana ayaa la djiyay, oo ciidan badan oo hubaysan ay ilaalinayaan, xasuus qorkeeda waxay ku tiri:
”godka carsaana waxaan galay ayada oo ay mugdi tahay waxaana ka soo baxay maalin mugdiya, waayo indhaha ayay iga xireen, si aanan u indha beelin markaan kadis iftiinka u arko kadib markii 1651 maalood oo aan iftiin lahayn aan soo maray, dad wanaagsan ayay ahaayeen waxay rabeen anoo arag leh inaan ka tago oo wajiyadooda garan kara, Beyruut laba gabdhood ayaa la ii qubeeyay waana markii u horeysay ee aan si fiican u qubaystay tan iyo intii la ixiray, si fiicana waan u seexday, cunno macaana waan cunay oo aanan gu’yaal cunin oo markaan codsaba la ii keenayay, waxaan ka codsay sarkaalkii ilaaladayda hayay in aan hooyaday la hadlo, waase layga diiday, waxaana ogaa in aan waligay aanan codkeeda maqlayn inta aan joogo Israa’iil, taasna murug ayay igu taagan ayay igu noqotay.
saddexdii ”sagaal saac” iyo toban daqiiqo 13 febaraayo 1980, ayaa ayada oo qandi madoow madaxa ugu jiro, cirbad maandooriya ahna duran lagu dhex jeebeeyeen fatuurad nooca aan xabbaduhu karin ah loona ka xeeyay garoonka diyaaradaha, waxaana hareeraha ka socday baabuur yar yar oo ciidan ka buuxo, markii fatuuradii istaagtay jaran jartii diyraada Libnaan 737, si aayar ah ayay u soo dagtay ayada oo dhexda kaga jirta ciidan, laba askari oo Falastiin ah ayaa xusulada ka qabtay oo diyaarada gudaheeda u qaday, illinkiina loo xiray, cagahana dhulka ka qaaday diyaaradii, waxaa saarnaa diyaarada 11 sarkaal oo Falastiin ah iyo nin ka socday bisha cas ee adduunka, waxayna foolka saartay waqooyi dhinaca Ankara Turki, ”waxaa cabsi laga qabay diyaardaha Israa’iil,” ka dibna ay markaas koofur u soo laabato, oo soo beegsato jaziirada Qubrus.
sarkaalkii dhinaceeda fadhiyay ayaa sigaar shitay kuna yiri Amiina sigaar ma kuu shidaa.
”waa jaad kee” ayay weydiisay
”tuunis, waxaa la yiraahdaa safayr safaa” ayuu ugu war celiyay
”qofkiina marlboro macabo miyaa”?
”maraykan iyo wixiisaba waa nacebnahay”
”xabbad ii shid”
gudaha diyaardii 737 Amiina kursigeeda ayay isku aruurisay markii saraakiishii Falastiiniyiintu ay ka baaraan dagayeen howsha kala weydaarsiga oo uu horay ugu faahfaahiayay ninkii bisha cas ka socday, shantii iyo barkii markay ahayd, diyaardu waxay dul heehaabaysay dusha garoonka Larnaka ayada oo sugaysay amar ay ku soo caga dhigato, Larnaka waa magaalo sooyaal leh oo laga arki karo qalcdii Turkida, matxafyo yar yar, madaafiicdii waa gii hore, waxaana ka buuxa waddooyinkeeda dalxiisayaal dhalasha walba leh, garoonkaana wuxuu noqday garookeedii rasmiga ahaa ka dib markii garoonkii weynaa ee hore uu raacay dhinaca turkiga ee jasiirada ka dib markii turkigu jasiirada kala qaybiyay oo soohdin u sameeeyay.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply