BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-29

 

Kala badalashada basaasiinta ama maxaabiista ee dowladahu waa mid adag oo qaab siyaasadeed howan, waxaa door weyn ka ciyaara xariirka labada dowlo xilliga nabadda, xilliga dagaalka ama colaad kale oo jirta, waa mid aad iskugu dhafan, Carabta iyo Israa’iil kala badalasho ayaa in badan dhex martay oo mar mar si qarsoodiya ku dhamaatay, lana is weydaarsanayay basaasiin iyo ciidan, mar marna warbaahinta ayaa ogaata oo si cad ayaa la isku weydaarsadaa, is weydaarsiyadii caanka ahaa waxaa kamid ahaa tii  1967, oo basaaskii Wolf Gang lagu badashay ciidan Masaari oo maxaabiis ahaa, mar danbana Israa’iil waxay sheegtay in furashadii Wlof Gang ay ku kacaday siideyta  shan kun oo maxaabiis ciidan oo Masaari ah.

 

Waxaa kale oo jiray basaasaddi Masaarida ahay ee Mossad u shaqaynaysay, Inshiraax Cali Muuse, oo ayada iyo ninkeedii  Ibraahin Saciid Shaahiin lagu xukumay daldalaad 25/11/1974, oo Saadaat uu amray in si qarsoodiya loogu badasho maxaabiis Masaari iyo Carab kala ah, waxaana howlgakaas ka danbeeyay henry Kisinjer oo ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Maraykanka, waxayna dhacday kala weydaarsigu intaan Saadaat booqashada ku tagin Tel aviv, ayada oo looga dan lahaa dhoola tus siyaasadeed oo wadada loogu sii xaarayay wada hadaladii nabad ee camp Devid,

 

Kala wareegsashii ugu cansanayd ee la wada ogaa balse shaqayn weyday waxay ahayd tii la doonayay in mudanaha basaasnimada ee Mossad Elin kohin- Kaamil Amiin Taabit – la is weydaarsado, Suuriyiintu waxay diideen dhex dhexaadin ay wadeen 48 madaxweyne iyo hay’adood si loo siidaayo maskaxdii ugu weynayd ee Mossad, Elin Kohin, waxaana loo balan qaaday Suuriyiin in la siinayo malaayiin doollar loona sii daynayo dhammaan maxaabiista ciidama Suuriya ee ay Israa’iil hayso, waxaana la daldalay ayadoo muuq baahiyaasha ifku ay qumaati u tabinayeen dilkiisa, 18 may 1965, meydkiisuna dhowr maalmood ayuu ka la laalaaday barxada Marja oo ahayd halkii lagu dal dalay, [sheekadiisa sida carabtu usoo tabisay waan soo dhigay, balse sida israa’iil u sheegtay Ayaan soo dhigi doona marka sheekadaan dhammaato]

 

21 febaraayo 1973 dhacdo ayaduna yaab leh oo aan dib danbe loo arag ayada oo kale ayaa dhacday, ciidamada Israa’iil ayaa qorsheeyay in ay af duubaan diyaaradii siday basaasadii Mossad Hiba cabdiraxmaan Saliim, oo sirdoonka masaaridu ay ka soo dhagreen Baariis oo ay keeneen magaalada Bangaazi ee Liibiya, ka bidna ay diyaarad ku soo qaateen uu Qaahira ula soo duuleen si maxkamad loo saaro.

 

Mossad si ula kac ah ayay tashwiish ugu furtay qalabkii hagida ee diyaarada oo markaas jahadii ay u socotay ka qaldantay, markii duuliyihii uu ogaaday in uu dul marayo siinaay [oo markaas Israa’iil haysatay] ayuu wuxuu xawaare sare asaga oo ku duulaya diyaaradii u jeediyay dhinaca kanaal suweys, waana uu iska dhaga tiray digniintii Israa’iil oo ay ku amrayeen in uu soo dajiyo diyaarada, Israa’iiliyiintiina markii ay ka quusteen ayay gantaal ku dhfteen diyaaradii oo halkaas ku bur buriyeen dadkii saaranaa dhamaan ay ku dhinteen, ayaga oo is leh hiba waa ay ku jirtaa dadka dhintay oo sir ma kashifi doonto, balse waxaa jug xun oo aysan qaadan kari ku noqotay markii ay ogaadeen diyaarada ay soo rideen in ay ahay diyaarad shirka Liibiya ay lahayd boeing 747, oo diyaaradii siday Hiba Saliim ay soo qaaday marin kale oo qarsoodiya. [sheekadan oo dhan waan idiin soo dhigi doonaa]

intaan waxay ahayd soo gaabin sheekooyin howl galo is weydaarsi, isku soo bandhigind iyo dil  dhex maray Masar iyo Suuriya iyo Israa’iil, balse ma jirin is weydaarsi horey uga dhex dhacay Israa’iil iyo Falastiin, Israa’iil waxay ka baqasay in garoonka Larnaka wax aan la filayn ka dhacaan oo Falastiiniyiintu caan waxay ku ahaayeen af duubida diyaaradaha, Falastiiniyiintuna in badan ayay arkeen dhiig badan oo Israa’iil daadisay oo waxay filayeen in garoonka Qubrus oo noqdo goob laysku xasuuqo.

Xafiiska uruka xoraynta Falastiin laantiisa Siida, waxaa ku kulmay, sarkaal sar oo ka yimid Beyruut, waxaana loo faahfaahiyay nolosha Amiina ee godka sacraana, waqtiguna waa u ku socday Falastiiniyiinta ka dib markii ay oggolaadeen xilligii balanta loogu qabtay garoonka Larnaka, kulankii markuu dhamaaday ayaa fatuurad jeep ah lagu qaaday sarkaalkii oo godkii sacraana loo waday.

 

Jidku aad ayuu u xumaan ciriirina u ahaa oo qaybo ka mid ah jid waxaa laga qoray buur, marna wuu toosanaa marna goolad galayay, marna kor loo tafayay buurta marna hoos la soo aadayay, marka godka kor laga arko waxuu ahaa bar madoow oo buur caloosheed ku yaal, markii godka ay fatuuradu u sii dhawaataba , waxaa la arakayay ilaalo badan oo ku hubaysan qoryaha daran doori u dhaca.

 

Markii u sarkaalkii godka si aayar ah u galay god aad  ayuu u ifiinsanaa, dhamaadka mid ka mid ah marinada godka waxuu ku arakay qalfoof bani aadam oo afarta qoob sil silad kaga xiran tahay, waana uu u dhawaaday ayaduna indho argagax ka muuqdo ayay ku fiirisay, balse markay aragtay foolkiisa oo dagan ayaa baqdintii ka yaraatay, muxuu  u yimid ayay is weydiisay, waase ay garan weyday, markii danbe intay neef jiiday ayay tiri:

 

”Xilligi la I dili lahaa miyaa la soo gaaray”?

 

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply