BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-27

 

Sidaas ayaa Amiina loogu hayay godkii carsaana, oo ay ilbiliqsi walaba wadka ku sugaysay, raja xumina waxaa ku sii abuuray markii Khadiija iyo Maroon lagu wareejiyay dowlada, waana ay ogayd sababta ayada godka ku reebtay in ay ahayd hoggamiye in u ahayd kooxda, tan kale aayatiinkeedu mugdi ayuu ka muuqday, waxay gacanta ugu jirtaa Falastiiniyiin, si kastaba, waxa ay u gaystay ayaa ka badnaa waxay ku sameeyeen, oo in kasta oo ay qiratay in ay Mossad u shaqaynaysay oo wax badan ay sheegtay, haddana waxay qarisay oo aysan sheegin sirar aad halis u ah oo Falastiiniyiintu ay u arki lahaayeen in aysan ahayn qof la dhagray oo jacayl lagu soo xera galiyay balse ay tahay nacab aargoosasho wadata.

 

Maalin qudha Amiina ma yasan iloobin nacaybka ay u qabto Falastiiniyiinta, nacaybka ay Qooqaasiyiinta Urdun oo dhan ay u qabaan Falastiiniyiinta, ayadu waa sharkisiyad ka soo jeeda firkii ka soo carary buuraha Qooqaas oo dhulka carbeed yimid, qoyskeeduna waxay u shaqaynayeen boqorka sida Qooqaasiyiinta kale ee ciidamada ku jiray, wxayna dagaal xun la galeen Falastiiniyiinta 1970, halkaasna Falastiiniyiintu ay cadaawad u qaadeen oo ay weeraro ku qaadi jireen dagaanada Qooqaasiyiinta, waxaana ka dhashay halkaas is nacayb labadoodu isku hayaan, karaahiyada Amiina u hayso Falastiiniyiintana xididadeedu halkaas ayay ka bilaabatay, sidaas ayayna Israa’iil ugu gudsisay war bixino aan lacag lagu heli karin, sida dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta, howl galladooda iyo kaydadkooda hubka.

Qirashadeeda waxaysan ku sheegin in ay ogaatay  sirta bakhaarada bisha cas ee Yaasir Carafaat walaalkiis uu maamulayay, bakhaaradaas waxaa ku qarsoonaa hubka fudud iyo lidka diyaaradaha oo ku jiray sanduuqyo daawooyin oo diyaaradaha Israa’iil meel ay soo weeraraan noqotay, waxay kale oo ay qarisay sirtii ka danbaysay afduubkii ay Israa’iiliyiintu af duubeen mid k mid ah diyaaradaha rakaabka ee Libnaan 10 ogosto 1973, waayo ayada ayay ahayd qoftii Mossad u sheegtay in duullimaadkaas uu Joorji  Xabash uu raaci doono, balse Joorji  xabash wadna xanuun  helay ayaa u diiday in uu diyaarada raaco.

 

Xilligaas Falastiiniyiintu waxaa tuhun kaga jirin in dhexdooda basaas ama basaasin Israa’iil ah lagu dhex beeray, boqolal qof ayaa baaritaan lagu sameeyay balse wax waa la waayay, Amiina xilligas waa ay ka fogayd in la tuhmo oo kalsooni weyn ayay ku qabeen Falastiiniyiintu, ayadu si kas ah ayay u muujin jirtay in aysan nacayb xun aysan u hayn Israa’iil, oo dhowr mar ayay tiri xataa Israa’iil xaq waa u leedahay in dhul ay ku noolaadan Yuhuudu ay yeelato, taasna waa waxa ka fogeeyay in la tuhmo waayo basaas Israa’iil wuxuu iska dhigi lahaa oo uu muujin lahaa necayb Israa’iil.

Sidaas ayayna si taxadar ku jiro uga baxday Beyruut oo u aaday socdaal indha idhayn ah, Mossadna ugu dirtay sawiro maraakiib, doomo kalluumaysi, iyo doomaha dheereeya ee Falastiiniyiinta oo joogay dakada Sayda iyo Ra’si shaka ee koofurta looguna tala galay in weerar badda ah looga qaado Israa’iil.

 

warbixintii ay dhiibtay owgeed Israa’iil waxay burburisay 30 aaladadood ayaga ku aargoosanaya weerarkii Fatax ay ku qaaday magalada xeebta ah Naharya, 1974.

sirtaas oo dhan waxaa laga helay xasuus qorkii Amiina ee ay ku daabacday Israa’iil, waxayna noqotay basaasad Israa’iil oo aad loo buun buuniyay, oo la gaaray ama la sheegay in ay ayadu ahayd qoftii fashilisay isku day dil oo Liibiyiintu rabeen in ay ku dilaan Sadaat 1976, taasna ay jidka u furtay wada hadaladii masar iyo Israa’iil.

 

Wargaysyada Libnaan markii ay soo daabaceen qabashadii Amiina, Mossad waa ay girriitay, waxayna bilaabeen in ay dajiyaan shax ah sidii ay dib ugu soo furan  lahaayeen basaasada aan caadiga ahayn, sooyaalka Israa’iilna waxaa ku jira dhacdooyin badan oo ay basaasiintooda ay dib u soo furtay, sikasta oo ay ku soo furtaan, dib soo hanashaadaas baasaasku waxay kor u qaadaa naf ahaan iyo ruux ahaanaba basaasiinta kale, waxayna ku dhiirri galisaa in ay howl gallo halis galaan, Falastiiniyiintuna taas waa ay la socdeen, Cali Xasan Salaama waxa uu doonayay in la daldalo Amiina, balse Carataaf ayaa ka diiday, una arkay ku haynta Amiina godka carsaana in ay tahay arrin loo baahan yahay.

Carafaat aragti fog oo aayatiinka ku lug leh ayuu arkayay, oo ah ku badalashada Amiina falastiimiyin ku xiran xabsiyada Israa’iil, balse Salaama wuxuu u arkay arrintaas wax dhalanteed ah oo wuxuu rabay in Amiina la dilo, si basaasiinta kale ee Libnaan joogta argagax ugu dhaco, tan kale waxay fududaynaysaa in kuwa badan la ogaado inta aysan ka cararin Libnaan, markii garaadkiisa waxa ku jiray uu ka dhaadhacsiin waayay Carafaat waa uu iska aamusay, fudaydkiisii dhallinyaranimana xakameeyey.

 

Amiina sidaas ayay maxbuusad ugu ahayd godka carsaanaayada oo aan maxkamad lagayn, rajana wanaagsana aysan ka lahayn in ay badbaado, markii Maroon lagu xukumay 3 gu’, Khadiijana hal gu’, Amiina waxay shabaq dabin u daadinaysay mid ka mid ah ilaaladii godka ku ilaalinayay, kana dhaadhacsiiyay in aysan wax luga ku lahayn waxa lagu eedaynayo, ee ay Falstiiniyiintu arrintaan ay u smaynayaan xumaan ay u qabaan adeerkeed oo boqortooya meel sare ka shaqeeya, oo waxay rumaysan yihiin in uu ka mid ahaa dadkii sameeyay gummaadkii loo gaystay Falastiiniyiin ee looyaqaan Sibtembara madoow.

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply