BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-26

 

‘‘Maya, maya, ayadaa baddaas I galisay, oo igu jiiday in an la sameeyo, si ay u hubiso inaan aamuso”
‘‘Sidee”?

”Intii aanan kala tagin ninkaygii, ayaan waxaan u sheegay in aanan raaxo ku haysan ninkayga, maalin ayay markaa iga codsatay in aan gurigeeda ku soo booqdo, markaan u tagay ayaa sheekadii nala gashay raaxaysiga, waxayna markaa igu tiri aan samayno sida naagaha Yurub tu sameeyaan, dhowr jeer markaan gurigeeda tagay ayaan markii danbe waxaa kadis igu noqotay in ay igu handado, sawiro aniga iyo ayada ah, iyo kuwa aniga iyo Maroon ah, waxayna iga dalbatay in aan siiyo labaatan kun oo liiro, haddii kale ninkaaga iyo cidaadaan kugu ceebayn ayay tiri”
‘‘Ka dibna”?

 

”Cagahaan ka dhunkaday oo ka barayay in aysan sidaas samayn, markay baryadaydii ka madax adagtay ayaan ugu hanjabay in ciidammada nabad sugidda u sheegayo arrintii Manuwel ii sheegay, intay igu jees jeestay oo igu qososhay ayay tiri lacagta haddaadan fiidkii ii keenin adaa is og, waa ay taqaanay ciddayada waana ogayad in ay ehlu diin yihiin, waxaasna hadday igu maqlaan ama igu arkaan waa I dilayaan, markii aan sina u qancin waayay ayay markii danbe iga dalbatay in aan la shaqeeyo, howshayduna waxay ahayd in aan la saaxiibo xaasaska saraakiisha Falastiiniyiinta oo aan ku soo dabaalo sheekooyin ku saabsan siyaasada iyo sirta ciidanka”

‘‘Saa ma fudaydkaas baad ku ogolaatay”?
‘‘Maya, dhowr maalmood baan ka dheeraaday si aan u soo fakaro, markii aan arabay in aan arrinta idin soo gaarsiiyana, si xun ayay ii handaday, markii danbana waan iska ogolaaday si aysan u hadlin”

‘‘Sidee shaqada ugu bilowday”?

‘‘Waxay ii faah faahisay sidaan naagahaas u bari lahaa si ay ula saxiibto, dhowr maalmood ayay dukaanka ila joogtay oo ay I eegaysay sidaan howsha u wado”

‘‘Meeqa xaas Falastiin ayaad bartay”?

‘‘Ma aqaan, in kabadan affar iyo toban naag”

‘‘Meeqa lacag ayay ku siisay u shaqaynteeda”?

”Toddobo ama seiddeed kun oo liire”

‘‘Dadka qalaad ee la shaqeeya marna ma la kulantay”?
‘‘Mar qudha, nin ayaa mar ii yimid si uu u qaato gal Amiina dukanka u dhigtay”

‘‘Maxaa ku jiray galka”?

” Ma aqaan, waa uu xirnaa, ayaduna iima sheegin wax ku jiray”

‘‘Ninku ma carab ayuu ahaa”?

‘‘Maya, nin qalaad, oo faransiis ku hadlayay”

‘‘Muxuu ku yiri”?

‘‘Earaygii daahsoonaa ahaa ee laysla ogaa oo ahaa ”jambon”

‘‘Sidee ku aqoonsatay”?

‘‘Illinka ayuu istaagay oo uu sigaar ku cabayay, shaaribo guduudna waa lahaa, Amiina ayaa tilmaantiisa horey ii siisay”

”Abuu Naasir ma taqaan”?
‘‘Xaaskiisa Sundus ayaan aqaan, asagase waligay ma arag”

‘‘Sidee asaga iyo Amiina xariirkoodu ku bilowday”?

‘‘Lambarka taleefkankiisa ayaan xaakiisa uga keenay”?

‘‘Maxay Amiina u rabatay in ay barato”?

‘‘Xaaskiisa ayaa ii sheegtay howl galo geesinima ah oo uu ka fuliyay koofurta, Amiinana way ay danaysay in ay barato”

‘‘Goorma ayay kuu sheegtay in Abuu Naasir basaasnimada ka kaalmeeyo”?
‘‘Saas iiguma sheegin, waxay igu tiri si huban, in sarkaalkaas Falastiiniga ah uu yahay nin wadaniya, si xad dhaaf ah waliba”

 

‘‘Ma ka rumaysatay marka”?

‘‘Haa waayo waa ay necbayd, markastana waxay iga dalban jirtay in aan xaaskiisa ka soo qufo akhbaatiisa markaan la sheekaysanayo”.

Qirashadii khadiijo intaas ayay ku ekayd, waxay si waafiya u sheegtay xariirkeedii Amiina iyo xaasaska saraakiisha Falastiiniyiinta.

 

Maroon Xayk, wax badan ayy ka cadeeyay xariirkii asaga iyo Amiina, aqalkiisana waxaa laga helay liis dheer oo ah lambarada tealefoonada sirta ah ee hoggaamiyaasha Falastiiniyiinta, iyo gal warbixineed uu aruuriyay intii Amiina xirnayd oo uu doonayay in uu siiyo marka uu arko oo kis lacaga kaga helo, dhowr habeena badweyn macaan uu dabaasho.

 

Waxa layaabka leh waxay ahayd in sirdoonkii Falastiiniyiintu ay heleen cajal oo ku qariyay jeeb sireed ay boorsadiisu leedahay, waxaana ku duubnaa wada hadal dhex maray Xassan Salaama iyo Abuu Daa’uud, oo ay ka hadlayaan arrinta Amiina oo markaas Beyruut ku xirnayd, balse asagu ma uusan dhagaysan cajalkaa, oo hadduu dhagaysan lahaa lafahiisa ayuu la baxsan lahaa, waana uu qirtay in cajalkaas yahay kan kaliya ee uusan dhagaysan markii uu duubayay, waayo xilligaas uu duubmayay cajalk wuxuu ku howlanaa dhagaysi wada hadal kale oo dhex marayay, Yaasir Carafaat iyo Naayf Xawaatma.

markii waraysigii Maroon Hayk iyo khadiija dhamaaday, labadoodii waxaa lagu wareejiyay dowlada Libnaan si ay u maxkamadayso, balse Amiina al mufti waa ay diideen Falastiiniyiintu in ay ku wareejiyaan dowlada Libnaan, cadaadiskii wasiirka arimaha gudaha oo rabay in maxkamad la saaro Falastiiniyiintu uma jilcin, diidmo qayaxan markii ay la soo jeesteena wasiirku arrintii oo dhan faraha ayuu kala baxay, waana uu hubay cirib xumo in ay ku danbaynayso Amiina mar hadday gacanta ugu jirto Falastiiniyiinta.

 

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply