BASAASADII AMIINA DAA’UUD MUFTI-Q-25

 

Baabuurta midood waxay usii jeeday jidka khartuum oo ah halka uu Maroon Xayk daggan yahay, tan labaadna jidka Erwaard oo u dhow suuq Dhawiil oo ahayd halka uu Manuweel Casaaf daganaa, tan saddexaadna waxay ku sii jeeday aaga baab Idriis si Khadiija loo soo xiro, shan iyo tobanka dableeyada ahi waxay adeegsanayeen baabuurta gargaarka dag daga ah si howshoodu si dagan ugu dhamaato, Beyruutna waxay ahayd goob dagaal oo dabka koox kooddu ka hurayo, Beyruudii magaalada jacaylka ahayd waxay isku rogtay goob dagaal, waxay noqotay goob la isku bireeyo, waxaana ka buuxay dableey aad u badan, oo tirada kooxaha iska soo hor jeeda waxay gaarayeen 39 koox, bariga Beyruut waxaa joogay Kataa’ibta, Numuur al axraar daashnaaq, al Mardah, Xurraasal urus iyo kuwa kale oo badan

 

Beyruuda galbeed waxaa joogay, al Muraabiduun, Nusuuru al tawra, xarakatu al Taxriir, xarakatu Salaaxu diin, iyo kuwa badan oo kale oo hubaysan, wada noolaashadii kooxuhu waxay noqotay muran iyo is qabqabsi iyo uurka xumaan layskugu qaado, tartan ayaa ka dhex socday si sayaasiyiintu ay ruuxaaniyiinta u qabsadaan, waxaa qofkasta iyo dhamMaanba dadka iskaga dhex qasmay diintii iyo siyaasadii, oo loo kala baxay, ,Marooniyiin, Dursiyiin, Shiico, Sunni, ilaa tan ugu yar ay gooni isku magacawday, Falastiiniyiintuse waa ka dheeraadeen dagaalkaa sokeeye oo waxay ku howlanaayeen iska celi Israa’iil, iyo is habayn iyo raadin dhagar qabayaal u shaqeeya Yuhuuda.

fatuuradii markii ay gaaratay aqalka Khadiija raggii waxay la kulmeen kadis aysan filayn, waxay gurigii khadiijo ugu tageen Manuweel Caasif oo dhar la’ oo gogosha khadiija jiifa, ma uusan dareemin tartiibta iyo shanqar la’aanta ay u soo fureen illinka oo madixiisa u soo ag istaageen, Khadiijana musqushay ku jirtay oo qubaysanaysay, waa uu kunaxay Manuweel raggii shanta haa, in asaga ay u yimaadeena waa uu garaty,  Khadiijana qaylo ayay ku dhufatay markii affar nin ay si kadis ah u dul istaageen barkadii ay ku dhex jirtay, mid ka mid ah yaa shaal ku asturay, waxayna ku amreen in ay dhar xirato waliba si dhaqso ah, Manuweel wuxuu ka faa’iidaystay intii affarta nin ku jireen musqusha, wuxuuna ka fakaday kii shanaad ee la joogay una carary dhinaca dariishada, intii aan la qabana ka booday dabaqa shanaad.

Sarta hoosteeda ayaa laga helay asaga oo beer beer u yaal, sidaas ayuuna ula kulmay wadkii, balse jaallihiis Maroon Xayk waa uu is dhiibay asaga oo baqdin la gariiraya, asaga iyo khadiijna waa laysku xiray waxaana lala aaday meel ka fog dagaalak sokeeye iyo dhicaas koofureed, iyo bartii gaajada, harraadka, baqdinta iyo dhawaaqa, bohoshii sacraana ayaa loo waday.

 

Amiina argagax ayay la yar yaraatay markii saaxiibadeed Maroon iyo Khadija laga soo laadlaadiyay godka saqfka kore, jeedaladuna jirkooda ugu dhacyeen sidii roob, qayladoodiina ay godka buuxisay, ciqaabta adag ee la marsiinayo waxay ahayd in kalsoonida laga jabiyo oo argagax iyo baqdin lagu beero si ay been iyo daba mar uga fogaadaan marka la waraysanayo.

 

Waxa laga rabay ayaga waxay ahayd in ay sheegaan warbixinnadii ay u soo gudbiyeen Amiina, qirtaana cid kale oo howsha ku kaalmeeysay si aan ula kac ahayn ama si ula kac ah ba, sida qof lacag ka qaatay oo warbixin u soo gudbiyay, Amiina oo jirkeedii uu la daalay ciqaabtii Abuu Daa’uud oo u diiday in cunno la siiyo iyo in ay sexato, kaliya dhibco biyaha oo dhuunta u qooya ayuu u oggolaaday, waxaana looga dan lahaa in waraysiga kale ee lala yeelan doono ay sheegto wixii ay kii hore ka booday, ayada oo loo marayo qofka dhibka iyo daalka haysta, warasiyi iyo weydiimo isdaba joog ah waxay qofka ka soo saaraan wax badan oo u qarsoonaa oo uu qarinayay, waayo garaadka bani’aadamku si kasta oo uu dusha wax uga qabto ku celcelin badan gaf ayuu ku dhacaa, mana awoodo in uu markasta sidii ay hayd wax u sheego.

 

Khadiijo intii waraysiga lagu waday saraakiishii waxay la kulmeen kadis yaab leh oo ah sida khadiija ay ugu dhacday gacanta Amiina,

galkii waraysiga Khadiija Zahraan sidaan ayuu qorayay:

‘‘Magacaga oo buuxa iyo da’daada?

‘‘Khadiija Cabdullahi Zahraan, 38 jir”

‘‘Dhalashadaada”?

‘‘Asalkaygu waa Urduniyad, waxan haystaa dhalasho Libnaan, dukaan dhar lagu gadana Beyruuut ayuu iga furan yahay”

‘‘Sidee ku baratay Amiina Mufti”?
‘‘Dhar ayay dukaankayga ka gadanaysay, dhawaqa hadalkeeda waxaan ka gartay in ay Urduniyad tahay, sidaas ayan ku bartay”

‘‘Xiriirkiinu sidee u horumaray”?

‘‘Dukaankay iigu imaan jirtay, kadibna saaxiibo ayaa noqonay”

‘‘Maroon xayk ma adaa baray”?

‘‘Maya, Manuweel Casaaf ayaan baray, asaguna wuxuu sii baray Maroon Xayk”

‘‘Sababta aad u bartay maxay ahayd”?
‘‘Waxay u baahnayd khad telefoon, markaas ayaa ka dalbaday in uu kaalmeeyo, waayo isgaarsiinta ayuu ka shaqeeynayay”

‘‘Manuweel ma wax baan idin ka dhaxeeyay miyaa markaas”?

‘‘Maya, xaaskiisa ayaa dukaankayga wax ka gadan jirtay”

‘‘Sidee xariirkiinu isugu badalay in aad isku galmootaan”?

”Amiina ayaa iga dalbatay si uu u aamuso”

‘‘Sideeya”?

‘‘Wuxuu ka masayray Maroon oo aan xariir hoosaad yeelanay”

‘‘Bilowgii hore ma la socotay howsha basaasnimo ee Amiina”?

‘‘Maya, manuweel oo sakhraansan ayaa ii sheegay”
‘‘Sidee baad adiga iyo ayadu isku fahanteen”?

‘‘Gurigayga anaga oo joogna yaan u sheegay hadalkii Manuweel, in dayn badan bangigu igu leeyahayna waa ay ogayd, markaas ayay buugii jeegaga la soo baxday oo 3000 oo liiro jeeg ah ii qortay”

‘‘Immisa dayn ayuu bangigu kugu lahaa?

‘‘Lix iyo toban kun”

‘‘Saddexdii kun ma ku aamusisay markaas”?

 

‘‘Waxay ii balan qaaday 5000 oo kale, waxayna ii soo bandhigtay in ay dukaanka shirka igula noqoto oo muulmulkiisa aniga ii dayso”

 

”Amiina waxay tiri dhow jeer ayaad u galmootay ayada”

Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply